Weight management

Miisaan qaadashada uurka

Pregnant woman standing on scale and measuring weight. Miisaan qaadashada caadiga ah ee uurka waa inta u dhaxaysa 10-12.5kg (22-28lb). Xisaabi BMI-gaaga (Tusmada Mass Index) oo leh xisaabiyaha BMI ee hoose, adoo adeegsanaya miisaankaaga uurka ka hor. Haddii aad ku bilowdo uurkaaga BMI sare (in ka badan 35) ama BMI hoose (18 ama ka yar) umulisadaada ama GP-gaaga ayaa ku siin kara talo gaar ah oo ku saabsan miisaan luminta.

Monitoring your baby’s growth

Monitoring your baby’s growth

Doctor measuring pregnant womans stomach with tape measure During pregnancy your midwife or doctor will be checking to ensure that your baby is growing well. This is done at defined stages in the pregnancy, either by measuring your bump with a tape measure or by routine ultrasound scans. If there is a concern about the growth of your bump you may be referred for a growth scan. Your baby’s progress is plotted on a chart by the person taking the measurement (midwife, doctor or sonographer). If your baby is found to be growing smaller than expected you may require additional ultrasound scans and antenatal appointments to monitor your baby’s wellbeing.

Coping with Covid

Coping with Covid

Two positive Covid test results and a single negative test result.

What should I do if get COVID-19 whilst pregnant?

If you test positive for COVID-19 outside of a hospital setting, you should contact your community midwife or maternity team to make them aware of your diagnosis. If you have no symptoms or mild symptoms, you will be advised to recover at home. If you have more severe symptoms, you might be treated in hospital. In most cases Covid during pregnancy is a mild viral illness. It is advisable to keep well hydrated and to monitor your temperature. Low temperature (less than 36 degrees) or high temperature (above 37.5 degrees) should be notified to your maternity team. If you feel your symptoms are worsening or if you are not getting better, you should contact your maternity care team, your GP, or use the NHS 111 online service/NHS 24 for further information and advice. In an emergency, call 999. If you develop more severe symptoms or your recovery is delayed, this may be a sign that you are developing a more significant chest infection that requires specialised care. This advice is important for all pregnant women/birthing people, but particularly if you are at higher risk of becoming seriously unwell and being admitted to hospital. This includes women who are in their third trimester, from a Black, Asian or minority ethnic background, over the age of 35, overweight or obese, or have a pre-existing medical problem, such as high blood pressure or diabetes. If you have concerns about the well-being of yourself or your unborn baby during your illness, contact your community midwife or, if out-of-hours, your maternity team. They will provide further advice, including whether you need to attend hospital.

I am not a UK resident

Ma dagani Ingiriiska

Woman with suitcase arriving in England Haddii aad tahay qof aan Ingiriiska degneyn oo booqasho dibada uga yimid, waxaad u baahan doontaa inaad bixiso macluumaadkaaga si aad u hesho daaweynta NHS (oo ay kujirto daryeelka dhalmada). Tan waxaa ku jiri doona caddeynta dhammaan waxyaabaha soo socda:
  • aqoonsigaaga ama sharcigaaga
  • cinwaankaaga joogtada ah
  • ogolaansho inaad ku noolaato/ka shaqeyso Boqortooyada Midowday.
Waxaa lagu weydiin doonaa inaad bixiso macluumaadkan markii aad u timaado ballantaada ugu horreysa ee aad la leedahay umulisada. Haddii aadan hubin u-qalmitaankaaga, la xiriir qaybta dhalmada. Haddii aadan caafimaad qabin, ama aad ka walaacsan tahay caafimaadka cunuggaaga aan weli dhalan, waa inaad tagtaa qaybta ugu dhow ee dhalmada ee daryeelka degdegga ah.

Placenta praevia: Frequently asked questions

Placenta praevia: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo xaqiijiyaa cudurka?

Goobta mandheertaada waxaa lagu gartaa iskaanka ‘ultrasound scan’ ee uurka. Haddii mandheerta ay daboolayso qoorta ilmo galeenka waxaa lagu magacaabaa ‘placenta praevia’; haddii aysan daboolin qoorta ilmo galeenka laakiin ay u jirto 20mm qoorta ilmo galeenka waxaa loo yaqaannaa mandheerta hooseysa. Goobta mandheerta ayaa mar labaad la hubin doonaa dhamaadka uurka, badanaa qiyaastii toddobaadka 36aad. 9 ka mid ah 10-kii haweenba ma yeelan doonaan mandheerta hooseysa ama mandheerta praevia marka xigta ee iskaanka la saaro.

Tani macnaheedu maxay tahay?

Xageyga

Lahaanshaha mandheerta hooseysa ama mandheerta praevia waxay kordhisaa halista ah inaad la kulanto dhiigbax inta aad uurka leedahay. Dhalmada qalliinka ee la qorsheyay ayaa lagula talin doonaa dhammaan dumarka leh mandheerta hooseysa ama mandheerta praevia dhamaadka uurka.

Xagga Ilmahayga

Haddii uu jiro dhiigbax aad u culus oo xubinta taranka ah inta lagu guda jiro uurka ka soo ka yimaada mandheerta hooseysa ama mandheerta praevia, tani waxay saameyn ku yeelan kartaa badqabka cunuggaaga. Ilmuhu wuxuu u baahan karaa inuu dhasho xilli hore haddii hooyada ay la kulanto dhiigbax xubinta taranka ah inta ay uurka leedahay. Haddii aad la kulanto dhiigbax xubinta taranka ah ama calool xanuun waa inaad si dhakhsa ah u tagtaa isbitaalka.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada halista ah, taas oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Haddii aad la kulanto dhiigbax xubinta taranka ah ama calool xanuun waa inaad si dhakhsa ah u tagtaa isbitaalka.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

Dhalmada qalliinka ee la qorsheyay ayaa lagula talin doonaa dhammaan dumarka leh mandheerta hooseysa ama mandheerta praevia dhamaadka uurka. Dhiigbax culus ayaa suurtagal ah inta lagu guda jiro dhalmada qalliinka, tanina waxay u baahan kartaa dhiig ku shubis iyo daawooyin si loo xaddido luminta dhiigga. Marar dhif ah, haddii aysan jirin hab kale oo lagu xakameeyo dhiigbaxa, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in lagaa saaro ilmo galeenkaaga (hysterektomi) xilliga dhalmada qalliinka hadii aad qabto mandheerta hooseysa ama mandheerta praevia.

Tani maxay uga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar kale?

Mandheerta hooseeysa ama mandheerta praevia waxay la xiriirtaa dhalmo qalliin oo hore, daaweynta bacriminta iyo sigaar cabista.

Pre-eclampsia during pregnancy: Frequently asked questions

Cudurka pre-eclampsia inta lagu jiro uurka: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo ogaadaa cudurka?

Cudurka ‘pre-eclampsia’ waa xaalad ku dhacda qofka uurka leh oo keliya badanaana dhacda 20 toddobaad kadib. Waxay keentaa dhiig karka (ama waxay kor u sii qaadaa dhiig karka jira) iyo kelyaha oo leh daadashada borotiinka kaadida. Ogaanshaha Cudurka waxaa lagu saleeyaa astaamaha aad la kulmi karto, baaritaanada dhiiga iyo baaritaanka kaadida.

Tani macnaheedu muxuu yahay?

Aniga

Daaweynta kaliya ee cudurka pre-eclampsia waa dhalashada cunuggaaga (iyo mandheerta) laakiin waqtiga dhalashada wuxuu u baahan yahay in lagu qiyaaso sida aad u xanuunsan tahay adiga iyo/ama cunugga iyo waxa dhalashada waqti hore ay u keeni karto cunuggaaga. Waxaad la kulmi kartaa madax xanuun, aragga oo mugdi ah, matag, barar gacmahaaga iyo wejigaaga ama guud ahaanba xanuun jirka ah. Marka ugu daran, pre-eclampsia waxay sababi kartaa kelyaha ama beerka oo xumaada, dhibaatooyinka xinjirowga dhiigga iyo suuxdin.

Ilmahayga

Cudurka Pre-eclampsia wuxuu saameeyaa qaabka mandheerta ay u shaqeyso wuxuuna sababi karaa dhallaanka inaysan si wanaagsan ugu korin ilmo galeenka una baahan yihiin inay goor hore dhashaan. Ilmaha hore u dhashay waxay u baahan karaan inay waqti ku qaataan Xarunta Daryeelka Ciyaalka si looga caawiyo neefsashada, quudinta iyo xakameynta heerkululka. Nasiib darrose, dhallaanka qaarkood kuma noolaadaan ilmo galeenka cudurka ‘pre-eclampsia’ daraadiis.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Kooxdaada caafimaad waxay kugula talin doonaan baaritaano joogto ah iyo mararka qaar gelitaanka isbitaalka si aad laguula socdo. Waxaad yeelan doontaa baaritaanno dhiig oo joogto ah si aad u hubiso kelyahaaga, beerkaaga iyo dhiiggaaga, dhiig karkaagana si joogto ah ayaa loola socon doonaa. Baadhitaanno dheeri ah oo ku saabsan dhallaankaaga ayaa lagula tallin doonaa si loo hubiyo inay si wanaagsan u korayaan ilmaha uurka ku jira. Haddii uu kugu dhoco cudurka pre-eclampsia kahor 37 toddobaad ee mudada uurka, waad dhali kartaa goor hore ama waxaa lagugula talin karaa in foosha lagugu soo dadajiyo marka aad gaarto 37 toddobaad. Haddii uu kugu dhoco pre-eclampsia ka dib 37 toddobaad, dadajinta foosha ayaa isla markiiba lagula talin doonaa. Tani waxay noqon kartaa waqti kugu adag adiga iyo qoyskaaga sidaa darteed waxaa muhiim ah inaad wada hadal joogto ah oo furan la yeelato kooxdaada caafimaadka.

Baaritaanno noocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Heerka borotiinka ku jira kaadidaada ayaa la baari doonaa iyadoo ay weheliso baaritaannada dhiiggaaga, kelyahaaga iyo shaqada beerkaaga. Baadhitaanka dhiiga ee loo yaqaano ‘Placental Growth Factor’ ayaa la qaadi doonaa kaasoo muujinaaya sida ugu wanaagsan ee mandheerta u shaqeyneyso waxayna ka caawineysaa dhakhaatiirta iyo umulisooyinka inay ogaadaan cudurka pre-eclampsia kahor 37 toddobaad.

Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?

Madax xanuun, bararka gacmahaaga iyo wejigaaga, aragga oo daciifa, calool xanuun, matag, ama cunuggaaga oo dhaqaaqaya wax ka yar sidii caadiga ahayd.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada khatarta ah, oo ay tahay in si dhakhso ah loo soo gudbiyo warbixintooda?

Haddii ilmahaagu uusan u dhaqaaqin sidii caadiga ahayd, markaa waa in isla markiiba aad tagtaa isbitaalka. Haddii aad leedahay mid ka mid ah astaamaha cudurka ‘pre-eclampsia’ ee kor lagu soo sheegay markaa waa inaad isla markiiba la xiriirtaa qaybta dhalmada.

Talooyin suurtagal ah

Noocyada Dawooyinka

Kiniiniga loogu talagalay dhiig karkaaga ayaa lagula talin doonaa qaadashadiisa haddii heerka dhiig karkaagu ka badan yahay ama le’eg yahay 140/90 mmHg Kiniiniyada inta badan la isticmaalo waa:
  • Labetalol
  • Nifedipine
  • Methyldopa

Waqtiga dhalmada

Tani waxay kuxirantahay sida ugu wanaagsan ee adiga iyo ilmahaagu aad uurka ugu jirtaan. Laga bilaabo 37 toddobaad, gelida foosha ayaa lagula tallin doonaa maadaama halista uurka oo sii jiro uu kugu leeyahay adiga iyo ilmahaaguba ay ka badan tahay haddii aad umusho wakhtigan ka dib.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

La socoshada joogtada ah ee garaaca wadnaha ee cunuggaaga xilliga foosha ayaa lagula talin doonaa hadii aad si iskaa ah u foolato ama lagugu caawiyo, Tani waa sababta oo ah mandheerta ayaa laga yaabaa inay sifiican u shaqeyn weyso mana doonayno inaan seegno isbeddelada heerka garaaca wadnaha ee tilmaamaya in ilmuhu uusan si fiican ula qabsanaynin foosha. Tan waxaa laga heli karaa cisbitaalka qaybta foosha.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

  • Waxaad u baahan doontaa in dhiig karkaaga si joogto ah loo hubiyo oo aad isbitaalka ku jirto ugu yaraan 24 saacadood ka dib markaad umusho
  • Daaweyn kasta oo dhiig karka ah waxaa loo wareejin doonaa kuwa ku habboon naasnuujinta (enalapril ama amlodipine)
  • Waxaa laga yaabaa inaad u baahatid magnesium oo aad xaddiddo inta dareeraha aad cabto
  • Waxaad u baahan doontaa inaad aragto dhakhtarkaaga guud si aad ula socoto heerka dhiig karkaaga iyo daaweynta dhalmada ka dib

Tani maxay ka dhigan tahay marka la eego dhanka uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad ineey soo noqoto?

Dhiig karka oo sareeya waxaa lagu yarayn karaa cuntada iyo jimicsiga haddii miisaankaagu culus yahay ama aadan firfircoonayn. Waxaa lagugula talin doonaa inaad qaadatid asbiriin xilliga uurka mustaqbalka si aad u yareyso halista cudurka pre-eclampsia mar labaad waayo asbirin wuxuu ka caawiyaa mandheerta inay sifiican u shaqeyso.

Tani maxay ka dhigan tahay marka la eego mustaqbalkeyga/caafimaadkeyga muddada dheer sideese baan u saameyn karaa tan?

Cudurka pre-eclampsia wuxuu kordhiyaa halista noloshaada ee dhiig karka halistaasna waxay afar jeer ka badan tahay marka loo barbar dhigo dumarka aan qabin cudurka pre-eclampsia xilliga uurka. Khatartaada dhiig karka iyo cudurka wadnaha waxaa lagu yarayn karaa iyadoo si caafimaad leh wax loo cuno, gaar ahaan iyadoo la yareynayo qaadashada milixda iyo jimicsi joogto ah. Khatartaada cudurka wadnaha sidoo kale waa lagu yareyn karaa iyadoo la qaato daaweynta dhiig karka si loo xakameeyo dhiig karkaaga, dhakhtarkaaga guudna wuxuu kuu sheegi doonaa heerka ay fiican tahay in dhiig karkaagu uu joogo xilliga daaweynta.

Crohn’s Disease, Ulcerative Colitis and Inflammatory Bowel Disease (IBD): Frequently asked questions

Cudurka Ulcerative Colitis iyo Cudurka Xanuunka Mindhicirka (IBD): Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo ogaadaa cudurka? Taas waxaa la sameeyay kahor uurka. Dhamaan dumarka qaba IBD, Cudurka Crohn ama Ulcerative Colitis waa inay helaan la talin ka hortag ah si ay ugu fiicnaadaan caafimaadkooda kahor uurka.

Tani macnaheedu muxuu yahay?

Aniga:

Waxaad halis ugu jirtaa dhalmo waqti hore ah iyo in ay xaaladaadu ka sii darto. Waxaa laga yaabaa inaad u baahatid inaad ka qeyb gasho booqashooyin isbitaal oo dheeri ah inta aad uurka leedahay. Waxaad halis ugu jirtaa in uu kugu dhacdo cudurka pre-eclampsia.

Ilmahayga

Ilmahaagu wuxuu halis ugu jiraa dhalmada waqtigeeda kahor dhacda.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Waxaa laguugu arki doonaa si isdaba joog ah rugta caafimaadka dhalmada ee takhasuska leh ee la talinta dhalmada.

Baaritaanno nocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Waxaad u baahan kartaa baaritaano dheeri ah haddii ay astaamahaagu ka sii darayaan.

Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?

Xanuunka caloosha, dhiig iyo/ama xab ku jira saxaradaada ama soo noqnoqoshada saxarada.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada ay tahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Haddii ay astaamahaagu ka sii daraayan.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka la xiriira xulashooyinka daaweynta?

Daawooyinka badankood ee la isticmaalo waa amaan inta lagu jiro uurka. Waxaa laga yaabaa inaad qaadato daawo gaar u ah xaaladaada. Haddii aad u baahatid kuwan inta lagu jiro saddexda bilood ee dambe ee uurka waxaad u baahan doontaa inaad dib u dhigto siinta tallaallada dhallaankaaga, waxaana ku jira kuwan tallaalka BCG iyo fayriska rota illaa lix bilood dhalashada ka dib. Hubso inaad tan kala hadasho kooxdaada caafimaad dhalashada cunuggaaga kadib.

Sidee loo soo jeediyaa talooyin ku saabsan waqtiga dhalmada?

36 toddobaad marka la gaaro kooxdaadu waa inay kaala shaqeeyaan sidii ay u qorsheyn lahaayeen dhalmadaada.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

Haddii aad qalliin hore u gashay xaaladaada waxaad u baahan kartaa inaad ku dhasho cunuggaaga qalliinka dhalmada.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Qorshe kahor dhalmada waa in la isku raaca si loo hubiyo inaad isticmaaleyso daawo aamin ah in la isticmaalo inta lagu jiro naasnuujinta. Daawadaadu waxay u baahan kartaa in la kordhiyo ama la beddelo haddii astaamahaagu ka sii daraan dhalmada ka dib.

Tani maxay uga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?

Kor u qaad caafimaadkaaga inta u dhaxaysa uurkan iyo kuwa soo socda. Tani maxay uga dhigan tahay mustaqbalkeyga/caafimaadkeyga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa? Ka hortagga uurka iyo qorshe dabagal ah waa in la sameeyaa si kor loogu qaado caafimaadkaaga uurka mustaqbalka.

COVID-19 and flu vaccines during pregnancy

Qaadashada tallaalada COVID-19 iyo hargabka inta aad uurka leedahay

Haweenka uurka leh waxaa lagula talinayaa inay qaataan tallaalka COVID-19 iyo tallaallada hargabka markii la bixiyo maadaama kuwani ay bixiyaan kahortagga ugu wanaagsan ee jirada daran. Dhamaan dumarka uurka leh waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ballan ka sameystaan dhakhtarka ama farmashiyaha maxalliga ah si ay u qaataan tallaalka hargabka bilaashka ah inta lagu jiro bilaha jiilaalka (Oktoobar ilaa Febraayo). Tallaalka hargabku waa mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee aad naftaada u ilaalin karto xilliga qaboobaha. Baadhitaanka Caafimaadka Dadweynaha ee England ayaa sheegay haddii ay labadaba kugu dhacaan (COVID-19 iyo hargab) isku waqti ay u badan tahay inaad si xun u bukoodo marka loo eego haddii uu hal fayras keli kugu dhoco. Akhri xiriirintan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaalka COVID-19:

Systematic Lupus Erythematous (SLE): Frequently asked questions

Cudurka Systemic Lupus Erythematosus (SLE): Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Inta badan dadka qaba Lupus si amaan ah ayey uur yeelan karaan,hadii ay helaan taageero habboon iyo daryeelna waxay yeelan karaan uur caadi ah iyo dhallaan caafimaad qaba. Si kastaba ha noqotee, uurka leh SLE wuxuu qatar weyn ku yahay hooyada iyo cunugga marka loo eego uurka haweenka aan lahayn wax dhibaata ah. Sababtaas awgeed, kooxda caawimaada dhalmadaada waxay u qaadan doonaan uurka inuu yahay ‘halis sare’ si loo hubiyo in daryeelku ku habboon yahay xaaladdaada caafimaad oo ay ku lug leeyihiin dhowr xirfadleyaal daryeel caafimaad. Waxaan kugula talineynaa inaad gasho websaydka ‘BUMPS’ (Adeegsiga ugu Fiican ee Daawooyinka Uurka), si aad u hesho wixii macluumaad iyo talo ah ee la xiriira daawooyinka la qaato kahor iyo inta uurka la leeyahay. Waa muhiim inaadan joojin wax daawo ah kahor intaadan dhakhtarkaaga la tashan maxaa yeelay tani waxay waxyeelo kuu geysan kartaa adiga ama cunuggaaga.

Arrintani maxay uga dhigantahay uurkeyga?

Aniga:

Guud ahaan, uurku ma sii xumeeyo saameynta SLE, laakiin halista sare ee xanuunka ayaa lagu arkay haweenka uu ku kacay xanuunka lix bilood ka hor uurka, ama qabay cudur aad u firfircoon, ama haddii daaweynta SLE la joojiyay. Haddii xanuunku uu siyaado, waxay taas badanaa dhacdhaa inta lagu jiro saddexda bilood ee koowaad ama labaad ee uurka ama bilaha ugu horreeya dhalmada ka dib. Waa muhiim in si dhakhso leh loo soo sheego soo laabashada xanuunka maadaama ay taas kordhiso halista dhibaatooyinka. Dhibaatooyinka waxaa ka mid noqon kara pre-eclampsia, xinjirowga dhiigga ee xididdada dhiigga ama sambabbada, caabuq daran, iyo faalig.

Ilmahayga

SLE-da uurka waxay kordhisaa halista dhicisoobida uurka, dhalmada oo soo deg degta, koritaanka ilmaha uurka ku jira oo yaraada iyo dhimashada cunuga uurka kudihiisa, marka la barbar dhigo haweeneyda aan lahayn wax cudur ah. Waxyaabaha ay ka midka yihiin dhicisoobid hore, cudurka loo yaqaan ‘antiphospholipid syndrome’, Lupus firfircoon kahor ama inta lagu guda jiro uurka, cudurka kelyaha iyo cudurka pre-eclampsia ayaa kordhinaya halistaan. Baadhitaanada dhiigaaga waxaa ka mid noqon doona hubinta heerka unugyada difaaca jirka ee anti-Ro iyo anti-La. Haddii kuwan la helo, waxaa jira fursad yar oo ka hortagayaashu ay ka gudbi karaan mandheerta sidaas darteedna waxay saameyn ku yeelan karaan cunugga taasoo keenaysa halis 2% ah oo wadne istaag ah iyo khatar 5% ah in unugyada difaaca jirka qaarkood ay uga gudbaan hooyada ilaa cunugga . Si kastaba ha noqotee, in cudurka Lupus uu kugu dhoco uma muuqato inay kordhineyso halista cunuggaaga uu ugu jiro inuu qaado cudurkan marka uu weynaado.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Ujeeddadu waxay noqon doontaa in shakhsi ahaan laguu daryeelo adiga iyo xaaladdaada caafimaad. Waxaa laguugu yeeri doonaa si isdaba joog ah rugta caafimaadka hooyada ee takhasuska leh ee la talinta dhalmada waxaana laguu diri doonaa baaritaano joogto ah si loola socdo koritaanka ilmaha, oo ay weheliso daryeelka ay bixiyaan kooxdaada umulinta. Haddii aad leedahay unugyada difaaca jirka ee ‘Ro’ iyo ‘La’, kooxdu waxay u qabanqaabin doontaa cunuggaaga baarista wadnaha ee takhasuska ah (echocardiogram). Waxaa lagugula talin doonaa inaad qaadato 75mg oo asbiriin ah habeen kasta laga bilaabo toddobaadka 12 illaa toddobaadka 36 si loo yareeyo halista cudurka pre-eclampsia. Waxaad u baahan kartaa kaalshiyam. Maaddaama ay jirto halis sii kordheysa oo ah in xinjirow dhiig (thrombosis) uu dhoco waxaa lagugula talin karaa inaad qaadato daawo dheeraad ah sida irbadaha khafiifiya dhiiga. Daaweynta kale ee caafimaad waxaa loo dejin doonaa iyadoo loo eegayo darnaanta cudurkaaga waxaana si faahfaahsan uga wada hadli doona kooxdaada caafimaad.

Baaritaanno sidee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Bilowga uurka, baaritaannada dhiiga ee aasaasiga ah waxaa sidoo kale ku jiri doona baaritaannada shaqada kelyaha iyo beerka, baaritaannada unugyada difaaca jirka sida ‘anti-Ro’ iyo ‘La’, haddii aan horey loo sameynin, iyo baaritaano kale oo la xiriira cudurka. Kaadida waxaa laga baari doonaa borotiin. Iyada oo la eegayo taariikhdaadii caafimaad ee hore, baaritaanno kale sida ‘echocardiogram’ iyo baaritaanka shaqada sambabka ayaa la fiirn doonaa. Haddii aad halis ugu jirto yaraanta fiitamin D, heerarkan sidoo kale waa la hubin doonaa. Inta uurka lagu jiro, dhiig karkaaga, heerarka borotiinka kaadida iyo natiijooyinka dhiigga ayaa si dhow loola socon doonaa. Baaritaanno badan oo Dhiig karka iyo hubinta kaadida ayaa dhici doona haddii aad qabtid dhiig karka, cudurka pre-eclampsia iyo/ama cudurka kelyaha.

Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?

Kala soocidda astaamaha la xiriira uurka iyo kuwa SLE way adkaan kartaa. Waxaad arki kartaa isbeddelo kala duwan inta aad uurka leedahay oo laga yaabo inaysan ku xirneyn SLE-gaaga, laakiin waxaa muhiim ah inaad sheegto astaamo kasta oo adiga ku walwaliya. Waa inaad isku daydaa in aad ka fogaataa waxyaabaha kugu kicin kara cudurka.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada ay qasab tahay in si dhakhso ah loo soo sheego?

Kicitaanka SLE waa marka astaamahaagu ka sii darayaan oo ay kaa dhigayaan inaad xanuusatid. Badanaa, tani waxay ku lug leedahay astaamo aad hore u soo aragtay, dadka qaarna sidoo kale waxay yeelan karaan astaamo cusub. Calaamadaha caanka ah ee tilmaamaya kicitaanka cudurka waxaa ka mid ah heerkulka jirka oo kor u kaca oo aanu sabab u ahayn caabuq, xanuun iyo kala-goysyada bararsan, daal badan, finanka, boogaha afka ama sanka iyo bararka lugahaaga. Waa inaad sidoo kale isla markaaba soo sheegtaa astaamaha sida neefta oo ku qabata, feero xanuun, wadne garaac, kubka oo barara, dareemid caafimaad darro; madax xanuun daran, aragtida nalalka dhalaalaya indhahaaga hortooda ama xanuun ku dhaca caloosha sare, foosha, dhiig baxa xubinka taranka, ama dhaqdhaqaaqa ilmaha oo yaraada.

Sidee talooyin loo soo jeediyaa oo ku saabsan daryeelkayga?

Xulashooyinka daaweynta

Waxaa jira mabaadi’ guud oo hagta isticmaalka dawooyinka inta lagu jiro uurka iyo naasnuujinta. Iyada oo la eegayo daawooyinka xaalada caafimaad ee shaqsiyeed way kala duwanaan doonaan. Guud ahaan, daawooyinka SLE ee aaminka ah xilliga uurka iyo inta lagu jiro naasnuujinta, loona baahan yahay si loo ilaaliyo badqabka iyo/ama daweynta xanuunka waxaa ka mid ah hydrochloroquine, azathioprine, cyclosporine iyo tacrolimus. Asbirin iyo baracetamol waa la qaadan karaa xilliga uurka. ‘Corticosteroids’ wax dhib ah ma lahan marka la xakameenayo cudurka firfircoon. Daawooyinka lagu xakameeyo dhiig karka ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqdaan.

Xilliga dhalmada

Dadka qaba SLE waxay u badan tahay inay dhalaan waqti hore, taasi oo ah dhalasho kahor 37 toddobaad. Khatarta ayaa si gaar ah u korodha hadii uu jiro Lupus firfircoon, cudurka kalyaha, dhiig karka iyo pre-eclampsia. Foosha ayaa si iskeed ah u bilaaban karta ama waxaa laga yaabaa in lagaa keensiiyo walaac la xiriira caafimaadka cunuggaaga ama kaaga dartii. Kooxdaadu waxay kaala hadli doonaan waqtiga dhalmada, iyagoo tixgelinaya caafimaadkaaga iyo midka cunuggaaga.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalashadeyda?

Inta badan dadka qaba SLE xubinka taranka ayaay caadi uga dhali karaan, laakiin xulashooyinka waxaa saameyn ku yeelan doona sida uurkaan uu u sii socdo, dhalmadaadi hore iyo waxyaabaha kale ee welwelka keeni kara. Kala hadal kooxdaada waxyaalaha aad doorbidayso.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Kooxdaadu waa inay sameyaan qorshe daryeel oo ku saabsan caafimaadkaaga iyo daryeelka cunuggaaga iyo dhallaankaaga dhalashada ka dib. Waxaa lagu siin doonaa hagitaan ku saabsan daawooyinka u baahan in la sii wado oo ay amaan ku noqon doonto qaadashada inta aad naasnuujinayso. Waxaa jira halis sii kordheysa oo ah kicitaanka SLE dhalmada ka dib waana inaad si dhakhso leh u soo sheegtaa taas si daawooyinka loo badalo. Waxaad u baahan doontaa daawooyinka khafiifinta dhiigga maadaama halista xinjiroowga dhiigga ay si weyn u kordheyso dhalmada ka dib. Kuwaani waxay u baahan karaan inay sii socdaan illaa lix toddobaad dhalmada ka dib.

Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka?

Waa muhiim in la qorsheeyo dhammaan uurka mustaqbalka si loo wanaajiyo fursadahaaga uurka oo ay u guuleystaan. Waxaa lagugula talinayaa inaad sugto hal sano ka hor intaadan isku dayin uur kale iyo inaad uuraysato markii SLE-gaagu uusan firfircoonayn ugu yaraan lix bilood daaweynta markaad wado. Waa inaad aragtaa dhakhtarkaaga, saddex ilaa lix bilood ka hor intaadan qorsheyn inaad bilowdo isku dayga uurka si aad u suurta galiso qiimeyn caafimaad oo buuxda iyo qorshe daawo. Adeegso ka hortaga uurka ilaa aad diyaar u tahay inaad isku daydo uur kale.

Type 2 diabetes: Frequently asked questions

Nooca 2aad ee sonkorowga: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo ogaadaa cudurka?

Tan waxaa la sameyaa uurka kahor. Dhammaan dumarka qaba sonkorowga nooca 2 waa in la siiyaa la-talin ka-hor-tag ah si ay u horumariyaan caafimaadkooda.

Tani micneheedu maxay tahay?

Xageyga: Uurku wuxuu kordhin karaa halista aad u leedahay inay kordhaan ama ka sii daraan dhibaatooyinka sonkorowga ee indhaha ama kalyaha. Waxaad halis ugu jirtaa cudurka sonkorowga ‘ketoacidosis’ iyo cudurka loo yaqaan ‘pre-eclampsia’. Waxaad u baahan doontaa inaad ka soo qeyb gasho booqashooyin isbitaal oo dheeri ah inta aad uurka leedahay waxaana suuragal ah in goor hore lagu aad foolato (qiyaastii toddobaadka 38aad ee uurka). Xagga Ilmahayga: Waxaa jirta halis weyn oo ah in uurku dhicisoobo ama ilmuhu uurka ku dhinto. Waxaa jirta halis sii kordheysa oo ah cilladaha lagu dhasho haddii heerarka sokorta dhiiggaaga si joogto ah kor ugu kacaan xilliga uurka. Qeybta labaad ee uurka heerka sonkorta ayaa kordhin kara cabirka cunuggaaga ama waxaa jiri kara xaddidaada koritaanka (koritaanka oo daaha). Tani waxay ka dhigi kartaa dhalashada cunuggaaga mid aad u adag. Ilmahaagu wuxuu u badan yahay inuu yeesho heerar sokorta dhiigga ah oo hooseeya (hypoglycaemia) dhalashada ka dib wuxuuna yeelan karaa xaalado caafimaad oo kale oo u baahan taageero takhasus leh.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Waxaa laguugu yeeri  doonaa si isdaba joog ah rugta sonkorowga iyo rugta uurka. Sawirkaaga iskaanka ee ugu horeeya waa inuu dhacaa qiyaastii inta u dhexeysa toddobaadyada 7-9 waxaadna u baahan doontaa baaritaano dheeri ah inta aad uurka leedahay. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad isbeddelo ku sameyso cuntadaada oo aad sii waddo/ama aad kordhiso waxqabadkaaga jirka.

Baaritaanno nocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Waxaa lagu weydiin doonaa inaad cabbirto heerarka sonkorta dhiiggaaga ugu yaraan afar jeer maalintii: hal jeer quraacda ka hor (mar aad gaajeysan tahay) iyo hal saac cuntada ka dib. Waxaa lagu siin doonaa taageero dheeri ah oo ku saabsan kormeerka sokorta dhiigga waxaana lagu siin karaa cabire kormeera sokorta oo joogto ah. Waxaad u baahan doontaa baaritaan indhaha ah inta aad uurka leedahay. Dhiigkarkaaga ayaa waliba si joogto ah loo hubin doonaa.

Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?

Xanuunka subaxdii ee saddexda bilood ee ugu horreeya wuxuu saameyn ku yeelan karaa heerarka sonkorta dhiiggaaga. Waxaad u baahan kartaa daawo ka hortagta jirada haddii aad matagayso, sidaa daraadeed kooxdaada caafimaadka ogeysii. Daawada ka hortagga jirrada waa aamin in la isticmaalo inta uurka aad leedahay.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada halista ah oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Haddii aad dareento caafimaad darro ama aadan awoodin inaad qaadatid insulinta caadiga ah waa inaad tagtaa isbitaalka. Haddii ilmahaagu aanu dhaqaaqayn waa inaad isla markiiba tagtaa isbitaalka.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka la xiriira xulashooyinka daaweynta?

Waa inaad qaadataa 5mg folic acid maalin kasta ugu yaraan 3 bilood kahor uurka iyo ilaa 16 toddobaad oo uurka ah. Si loo yareeyo halista cudurka pre-eclampsia waa inaad qaadataa 75mg-150mg oo asbiriin ah habeen kasta laga bilaabo toddobaadka 12aad ilaa toddobaadka 36aad. Daawooyinka aaminka ah ee loo isticmaalo uurka waa metformin iyo insulin. Waxaad u baahan kartaa insulin badan inta aad uurka ku sii socoto.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka ku saabsan waqtiga dhalmada?

Waxaa lagugula talin doonaa inaad umusho ku dhawaad toddobaadka 38aad ee uurka. Tani waxay noqon kartaa goor hore haddii ay jiraan walaacyo adiga kugu saabsan, heerarka sokorta dhiiggaaga ama cabirka cunuggaaga. Muddo 36 toddobaad ah kooxdaadu waa inay kaala shaqeeyaan sidii ay qorshe ugu sameyn lahaayeen dhalmadaada.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

Waxaa lagaa keeni karaa foosha haddii kooxdaadu dareento inay aamin tahay in sidaas la sameeyo. Waxaad u baahan doontaa kormeer sokorta dhiigga ah inta aad kujirto foosha.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Adiga iyo ilmahaaguba waxaad u baahan doontaan in si dhow xaaladiina loola socdo dhalmada ka dib. Ilmahaagu wuxuu halis ugu jiraa heerarka sokorta dhiigga ee hooseeya dhalashada ka dib. Haddii aad naas nuujinayso waxaad ogaan kartaa in heerarka sokortaadu si dhakhso leh hoos ugu dhacaan inta aad nuujineysid, iyo intaa ka dib. Qorshe dhalmo oo ka horreya dhalmada waa in la isku raacay si loo habeeyo qiyaastaada insulinta.

Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?

Ka taxaddar caafimaadkaaga inta u dhaxaysa uurkan iyo kuwa xiga.

Tani maxay ooga dhigan tahay mustaqbalkeyga/caafimaadkeyga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa?

Ka hortagga uurka iyo qorshe dabagal ah waa in la isku raacaa ka hor inta aan lagaa saarin daryeelka dhalmada.