Haweenka qaarkood, muruqyada ku wareegsan qoorta ilmo galeenka (servix) way ka jilicsan yihiin sidii caadiga ahayd. Tan waxaa loo yaqaanaa daciifnimada afka ilmo-galeenka, karti la’aanta afka ilmo-galeenka ama afka ilmo-galeenka ee gaaban. Qalliin hore ama baaritaanno ku saabsan aaggan ayaa mararka qaar sababi kara in makaanka afkiisa uu goor hore furmo, taasoo horseedda dhicisoobida uurka ama dhalmo waqtigeeda ka horreysa. Daciifnimada afka ilmo galeenka ayaa waliba noqon kara wax aad ku dhalan karto iyadoo ay ugu wacan tahay qaabka ilmo galeenka.Sawirka ‘ultrasound scan’ ee la qaado xilliga bartamaha uurka wuxuu sida caadiga ah ayaa xaqiijin doonaa in afka ilmo-galeenka uu daciif yahay. Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu doonayo inuu hubiyo makaanka afkiisa hore haddii dhowr jeer oo hore uu uurkaaga dhicisoobay ama haddii aad ilmo dhashay ka hor toddobaadka 37aad ee uurka.