Deep vein thrombosis in pregnancy: Prevention
Dhiigxinjirowga xididdada dhiigga ee uurka: Ka hortagga
Haddii laguu sheegay inaad halis weyn ugu jirto inuu kugu dhoco xinjirowga dhiigga inta aad uurka leedahay oo laguu qoray daawada KA HORTAGGA ah ee irbadaha khafiifinta dhiigga, halkan waxaa ku yaal macluumaad muhiim kuu ah. Sidoo kale akhri:Talo ku socota adiga iyo shaqaalaha ku daryeelaya
Haddii aad u maleynaysid in foosha ay bilaabatay ama biyahaagu ay jabeen ama aad la kulanto dhiigbax xubinta taranka ah
Ha sii wadin qaadashada cirbada dhiigga khafiifisa oo xiriir la samee kooxda dhalmada si dib laguugu eego. Qorshee in aad ku dhasho sida caadiga ah ee waadhka foosha marka ay kugu bilaabmato foosha.Haddii la qorsheeyay in aad ku dhasho qalliinka dhalmada
Jooji qaadashada irbadaha khafiifinta dhiigga 12saacadood ka hor taariikhda qalliinka ee la qorsheyay (sidaa darteed cirbada ugu dambeysa waa inay noqotaa mida aad qaadatay 18.00ka habeenimo ee habeenka ka horreya qaliinka).Hadaad u baahantahay foosha in lagaa keeno
Jooji qaadashada irbadaha khafiifinta dhiigga 12 saacadood ka hor gelitaanka foosha (sidaa darteed cirbada ugu dambeysa waa inay noqotaa mida aad qaadatay 18.00ka habeenimo ee habeenka ka horreya gelitaanka cisbitaalka). Marka lagu seexiyo cisbitaalka, u sheeg umulisada waqtiga aad qaadatay cirbadaadi ugu dambeysay.Xilliga Foosha
Dhammaan dadaallada suurtagalka ah ayaa la sameyn doonaa si loo yareeyo waqtiga aad cirbad laa’an joogi doonto, si loo yareeyo khatarta ah in dhiiggaagu uu xinjiroobo. Wixii ku saabsan soo bixitaanka mandheerta, maarayn firfircoon ayaa lagu talinayaa. Halkan ka eeg macluumaad dheeraad ah: Haddii dhiigbaxa umusha kadib (PPH) uu dhaco, tan waxaa la tacaali doona xubnaha sare ee kooxda dhalmada.Haddii aad qorsheneyso qaadashada kabuubisada foosha
Waqtiga aaminka ah ee u dhexeeya irbadaha khafiifinta dhiigga iyo kabuubisada waa ugu yaraan 12 saacadood. Tani waa si loo yareeyo halista dhiigbaxa.Dhalmada kadib
Cirbada ayaa dib loo bilaabi doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah dhalmada ka dib waxayna ku xirnaan doontaa halista dhiigbaxaaga.Muddada daaweynta dhalmada kadib
Daaweyntu waa inay sii socotaa ugu yaraan 6 toddobaad dhalmada ka dib maadaama halista xinjirowga dhiigga ay ugu badan tahay dhalmada ka dib. Warfarin iyo LMWH waa la isticmaali karaa xilliga naasnuujinta. U beddelashada daawada afka laga qaato ayaa la qaddarin karaa laakiin tani waa inay noqotaa 5 maalmood ama ka badan dhalmada ka dib. Si kastaba ha noqotee daawada tooska ah ee afka ee xinjirowga lidka ku ah ayaa ah ikhtiyaar kaliya haddii la isticmaalo dhalada lagu quudiyo ilmaha.Go’aan ka gaadha habka qorshaynta qoyska
Kiniiniga Progesterone oo keliya (POP)/Qalabka uurka la galiyo/ Qalabka ilmo galeenka la galiyo/kuwa kale. Halkan ka eeg macluumaad dheeraad ah: Sidoo kale arag: Contraceptive choices after you’ve had a babyWalaac deg deg ah
La xiriir rugta dhalmada.Deep vein thrombosis (DVT) in pregnancy: Frequently asked questions
Dhiigxinjirowga xididdada dhiigga (DVT) ee uurka: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo
Sidee loo baaraa oo loo xaqiijiyaa cudurka?
Ballankaaga ugu horeeya ee aad la yeelato umulisada ka dib, xilliyo uurka marka aad leedahay iyo ka dib marka ilmahaagu dhasho waxaa lagaa baari in aad halis ugu jirto qaadista cudurka dhiig-xinjirowga (DVT). Haweenka oo dhan waxaa lagula talinayaa inay cabitaanka biyaha badiyaan oo ay socodka ku dadaalaan inta ay uurka leeyihiin, xilliga foosha iyo dhalmada kadib. Kuwa ku jira kooxaha leh halis dhexdhexaad ah ama mid sare oo ah qaadista DVT ayaa laga yaabaa inay lagula taliyo daryeel dheeraad ah. Faragelinta inta lagu jiro foosha iyo dhalmada, sida dhalmada xubinta taranka oo lagaa caawiyo ama dhalmada qalliinka waxay kordhineysaa halista aad ugu jirto qaadista DVT.Tani macnaheedu maxay tahay?
Xageyga
Haweenka halista sare ugu jira qaadista DVT inta ay uurka leeyihiin waxaa lagula talin karaa inay qaataan daawo inta ay uurka leeyihiin iyo xilliga dhalmada ka dib si loo yareeyo halistan. Daawadu waa cirbad maalinle ah oo daawo khafiifisa dhiigga ah (heparin miisaan yar oo molikil leh) oo lagu bari doono sida aad adiga isugu durto. Lammaanahaaga ama xubin qoyskaaga ka mid ah ayaa la bari karaa sida loogu duro cirbadda jirka haddii aad doorbideyso. Intaas waxaa sii dheer waxaa lagu siin karaa iskaanshe lugaha ku dhaga, si aad u xirato markii isbitaalka lagu seexiyo.Xagga ilmahayga
Cirbadaha heparin-ka (ee miisaanka yar) kama gudbaan mandheerta oo ilmahaaguna saameyn kuma yeelan doono isticmaalkooda.Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?
Haddii aad yeelato barar ama xanuun lugahaaga ama feedhaha ah ama neefsashada oo kugu adkaata waa inaad tagtaa qaybta dhalmada si laguugu eegto sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah.Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?
Haddii aad qaadatid qiyaas ka hortag ah oo heparin miisaankiisu hooseeyo inta aad uurka leedahay, waxaa loo baahan yahay in ay u dhexeyso muddo 12 saac ah cirbadaada ugu dambeysa iyo mida kabubisada foosha. Markaa haddii fooshu ay bilaabato ama ay biyuhu jabeen oo xilligi cirbadana la gaaray, fadlan la hadal umulisadaada ama takhtarka dhalmada.Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?
Haweenka halis weyn ugu jira inay qaadaan DVT waxaa lagula tallin karaa inay qaataan cirbadaha muddo toban maalmood ah ama lix toddobaad ah ka dib markay dhalaan ilmahooda.Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?
Iyada oo ay ku xidhan tahay sababaha aad ugu jirto halis weyn cudurka DVT, sababahan ayaa loo badinayaa inay sii jiraan uurka kasta oo mustaqabalka ah.Xagee ka heli karaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladdan?
Reducing the risk of venous thrombosis in pregnancy and after birthDeep vein thrombosis in pregnancy
Dhiigxinjirowga xididdada dhiigga ee uurka
Uur yeelashada waxay kordhineysaa halista aad ugu jirto inuu kugu dhacdo cudurka dhiig xinjirowga xididdada dhiigga (DVT), iyadoo halista ugu badan ay tahay ka dib markaad dhaleyso cunuggaaga. Si kastaba ha noqotee, DVT wuxuu dhici karaa wakhti kasta inta aad uurka leedahay, oo ay ku jiraan saddexda bilood ee ugu horreeya uurka.
Calaamadaha/Astaamaha
- Xanuun ama jileeca dhanka dambe ee lugta ama kubka.
- Dareemida kuleyl aagga ay dhibaatadu saameysey ama maqaarka oo guduuta.
- Bararka aagga ay dhibaatadu saameysey.
- Cudurka sambabada wuxuu sababi karaa neefsashada oo kugu yaraata iyo feedhaha oo ku xanuuna, xanuunkaas oo si lama filaan ah u yimaada oo ka sii daraya mar walba oo aad si qoto dheer u neefsato, ama aad qufacdo ama aad dhaqdhaqaajiso xabadka.
Daaweynta
Xaaladahan ayaa ah kuwo halis ah waxayna u baahan doonaan in si deg deg ah isbitaal loogu daaweeyo, iyadoo la adeegsanayo dawooyin ka hortaga xinjirowga inuu weynaado oo uu jabo una safro qeyb kale oo jirka ah.Ka hortagga
- Dhaqdhaqaaqa badi oo si joogto ah u wareeji canqowgaaga.
- Xiro iskaanshaha cadaadiska haddii umulisadaada ama takhtarkaaga ay kugula taliyaan inaad sidaas sameyso.
- Iskuday inaad socod gaaban gasho marka ay kuu suurtagasho.
- Biyo badan cab.
- Iska ilaali inaad fadhiisato/jiifto muddo dheer, tusaale ahaan, gaari/tareen dhexdiisa.
