Deep vein thrombosis (DVT) in pregnancy: Frequently asked questions
Dhiigxinjirowga xididdada dhiigga (DVT) ee uurka: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo
Sidee loo baaraa oo loo xaqiijiyaa cudurka?
Ballankaaga ugu horeeya ee aad la yeelato umulisada ka dib, xilliyo uurka marka aad leedahay iyo ka dib marka ilmahaagu dhasho waxaa lagaa baari in aad halis ugu jirto qaadista cudurka dhiig-xinjirowga (DVT). Haweenka oo dhan waxaa lagula talinayaa inay cabitaanka biyaha badiyaan oo ay socodka ku dadaalaan inta ay uurka leeyihiin, xilliga foosha iyo dhalmada kadib. Kuwa ku jira kooxaha leh halis dhexdhexaad ah ama mid sare oo ah qaadista DVT ayaa laga yaabaa inay lagula taliyo daryeel dheeraad ah.Faragelinta inta lagu jiro foosha iyo dhalmada, sida dhalmada xubinta taranka oo lagaa caawiyo ama dhalmada qalliinka waxay kordhineysaa halista aad ugu jirto qaadista DVT.
Tani macnaheedu maxay tahay?
Xageyga
Haweenka halista sare ugu jira qaadista DVT inta ay uurka leeyihiin waxaa lagula talin karaa inay qaataan daawo inta ay uurka leeyihiin iyo xilliga dhalmada ka dib si loo yareeyo halistan. Daawadu waa cirbad maalinle ah oo daawo khafiifisa dhiigga ah (heparin miisaan yar oo molikil leh) oo lagu bari doono sida aad adiga isugu durto. Lammaanahaaga ama xubin qoyskaaga ka mid ah ayaa la bari karaa sida loogu duro cirbadda jirka haddii aad doorbideyso.Intaas waxaa sii dheer waxaa lagu siin karaa iskaanshe lugaha ku dhaga, si aad u xirato markii isbitaalka lagu seexiyo.
Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?
Haddii aad yeelato barar ama xanuun lugahaaga ama feedhaha ah ama neefsashada oo kugu adkaata waa inaad tagtaa qaybta dhalmada si laguugu eegto sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah.
Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?
Haddii aad qaadatid qiyaas ka hortag ah oo heparin miisaankiisu hooseeyo inta aad uurka leedahay, waxaa loo baahan yahay in ay u dhexeyso muddo 12 saac ah cirbadaada ugu dambeysa iyo mida kabubisada foosha. Markaa haddii fooshu ay bilaabato ama ay biyuhu jabeen oo xilligi cirbadana la gaaray, fadlan la hadal umulisadaada ama takhtarka dhalmada.
Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?
Haweenka halis weyn ugu jira inay qaadaan DVT waxaa lagula tallin karaa inay qaataan cirbadaha muddo toban maalmood ah ama lix toddobaad ah ka dib markay dhalaan ilmahooda.
Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?
Iyada oo ay ku xidhan tahay sababaha aad ugu jirto halis weyn cudurka DVT, sababahan ayaa loo badinayaa inay sii jiraan uurka kasta oo mustaqabalka ah.
Xagee ka heli karaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladdan?