Skip to content
Joojinta ama yaraynta shaqada
Markaad dooratid inaad shaqada joojiso waa arin doorbidid shaqsiyeed, laakiin waxaa mudan in la tixgeliyo safarkaaga, deegaankaaga foosha, u dhawaanshaha unuggaaga dhalmada iyo u oggolaanshaha waqti aad ugu diyaar garowdo imaatinka cunuggaaga. Tan waxaad kala hadli kartaa umulisadaada ama dhaqtarkaaga.
Dhamaadka uurka waxaad dareemi kartaa daal iyo raaxo darro, sidaa darteedna waxaad u baahan kartaa caawimaad asxaabta ama qoyska si aad wax u qabato, gaar ahaan haddii aad leedahay carruur kale. Waa muhiim inaad firfircoonaato laakiin inaad sidoo kale waqti u hesho nasasho, gaar ahaan haddii aadan si fiican u seexan.imaatinka cunuggaaga. Tan waxaad kala hadli kartaa umulisadaada ama dhaqtarkaaga.