Unugyo-guurka Ilmo galeenka waa xaalad dhacda marka unugyada jilicsan ee gudaha marinka afka ilmo galeenka ay ku fidaan dusha sare ee afka ilmo galeenka.Unugyadan ayaa ka guduudan oo ka nugul unugyada aalaaba laga helo banaanka ilmo galeenka, waana sababtaa ay u keeni karaan astaamo sida dhiigbax iyo dheecaan.Cilladan waxaa sababi kara isbeddelada hormoonnada, uurka iyo kaniiniyada. Xilliga uurka cilladan waxay caadi ahaan iskeed u baaba’adaa laakiin maadaama ay mararka qaar sababi karto dhiigbax, waxaa lagugula talinayaa inaad talo ka raadsato umulisadaada ama waaxda kala-sooca dhalmada si loo hubiyo in aysan jirin sababa kale oo dhiig-baxa keenaya.