Molar pregnancy: Frequently asked questions

Uurka ‘Molar’: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

 Closeup of pregnant womans stomach bump at 8 weeks gestation

Tani micneheedu maxay ii tahay aniga?

Uurka ‘molar’ waxaa sidoo kale loo yaqaanaa ‘Hydatidiform mole’ ama Cudurka ‘Gestational Trophoblastic Disease’. Wuxuu sababaa uurkan in unugyada mandheerta ay si aan caadi ahayn u koraan. Uurka molar-ka wuxuu u dhacaa si goos goos ah sababtuna waxay tahay isu dheelitir la’aanta tirada koromosoomyada. Isku dheelitir la’aantan awgeed suurtagal ma ahan in uur caafimaad qaba uu ku soo baxo. Waxaa jira laba nooc oo uurka molar-ka ah.

1. Qayb ahaan

Wuxuu dhacaa marka laba xayawaan-mani ay bacrimiyeen ukun waxaana jira saddex nooc oo koromosoomyo ah halkii ay ka ahaan lahaayeen labada caadiga ah.

2. Mid dhameystiran

Wuxuu dhacaa marka hal xayawaan-mani (ama mararka qaarkood laba) uu bacrimiyo ukun madhan (oo aan lahayn wax hidde ah).

Sidee loo ogaadaa?

Ogaanshaha uurka molar waxaa badanaa la sameeyaa ka dib marka uu uurka dhicisoobo, markaasoo unugyada uurka lagu eego sheybaarka. Waxaa jira shuruudo gaar ah oo ay khubarada sheybaarku u adeegsadeen si loo go’aamiyo haddii uurku uu ahaa mid qayb ahaan ah ama mid dhammaystiran. Mararka qaarkood waxaa jiri kara tuhun ah jiritaanka cudurkaan marka la fiiriyo iskaanka ultrasound laakiin waxaa la xaqiijin karaa oo keliya ka dib baaritaan faahfaahsan oo lagu sameeyo sheybaarka.

Maxaa xiga?

Marka uu jiro tuhun cudurkan ah, qalliin looga saarayo ilmo galeenka unugyada uurkan  ayaa loo baahan doonaa, maadaama uusan aysan ahayn uur caafimaad leh. Qalliinkan waxaa badanaa la sameeyaa suuxin guud ka dib oo wuxuu ku lug leeyahay tuubbo yar oo nuugis ah oo lagu sii daayo xubinta taranka iyo afka ilmo galeenka (qoorta ilmo galeenka) si looga saaro uurka. Unugyada uurka waxaa loo diri doonaa shaybaarka si loo sameeyo qiimeyn faahfaahsan. Haddii uurka molar la xaqiijiyo, waxaad u baahan doontaa baaritaanno dhiig oo taxane ah si aad u xaqiijiso in hormoonka uurka (βHCG) uu yaraaday. Tani waa muhiim maadaama ay jirto halis yar oo ah in qaar ka mid ah unugyada uurka ee aan caadiga ahayn ay u weynaadaan qaab aad u daran oo noocyada uurka molar ka mid ah (hoos ka eeg). Waxaa laguu gudbin doonaa xarunta kuugu dhow ee takhasuska sare leh, taas oo ku taallo London, Sheffield ama Dundee kuwaas oo mas’uul ka noqon doona dabagalkan dhowr toddobaad ilaa bilooyin qaadan karo. Dabagalkani waa mid aad muhiim u ah maxaa yeelay xaaladaha qaarkood uurka molar wuxuu sii wadaa koritaanka wuxuuna mararka qaarkood u gudbi karaa nooc kansar oo dhif ah oo loo yaqaan ‘Gestational Trophoblastic Neoplasia’. Tani maahan mid dhacda marar badan laakiin haddii ay dhacdo daaweynta kemotherabi waxay natiijadeedu noqon kartaa heerar aad u sarreeya oo caafimaad ah (98-100% heerka daaweynta). Aad ayey muhiim u tahay inaadan uur yeelan ilaa dabagalkaagu dhammaystirmo. Ku dhawaad dhammaan hababka ka hortagga uurka waa amaan in la isticmaalo, laakiin aaladaha la galiyo ilmo galeenka sida xarkaha laguma talinayo illaa betaHCG-gaagu noqdo mid diidmo ama negatif ah. Waxaan kugula talineynaa inaad kala hadasho nooca ugu habboon ee ka hortagga uurka dhakhtarkaaga. Khatarta uurka molar ee mar labaad in uu kugu dhaca ah uurka mustaqbalka waa mid hooseeya oo ku dhawaad 100kiiba 1 haween ah.