Waxaa jira laba sababood oo laguu siin karo antibiyootig inta ay fooshu ku hayso:
1) Halis infekshin oo la yaqaan
Antibiyootigyada foosha ayaa lagula talin doonaa inaad qaadatid haddii ay jirto halis sii kordheysa oo ah infekshanka ilmaha ee bakteeriyada loo yaqaan Group B Streptococcus (GBS). Tan waxay ka muuqan kartaa foosha haddii:
a) baaritaannada uurkaaga kan ama kuwii hore ayaa lagu ogaadey GBS, waana baaritaanada xubinta taranka ama kaadida; ama
b) foosha ayaa bilaabmaysa ka hor toddobaadka 37aad waxaana lala xiriiriyaa dillaaca xuubka ka hor bilowga foosha.
Kooxda ayaa hubin doonta xasaasiyadahaaga iyo natiijooyinka la heli karo si loo go’aamiyo antibiyootigyada lagu siinayo ilaa ilmahaagu dhasho. Marka antibiyootig loo bixiyo xaaladan oo keliya, waxaad awoodi doontaa inaad ku dhex lugeyso waadhka.
2) Calaamadaha caabuqa suurtagalka ah
Infekshanka foosha ayaa laga shakiyi karaa iyadoo lagu saleynayo astaamaha sida qandho, ama astaamo u eg heerka garaaca wadnaha ee adiga ama ilmaha uurka ku jira.Infekshanku wuxuu ku dhici karaa qayb kasta oo jirkaaga ka mid ah. Haddii aanaan garan karin halka uu cudurku ku yaal, waxaan qiyaasnaa inuu ku jiri karo ilmo galeenka, tanina way adkaan kartaa in la xaqiijiyo ilaa ugu yaraan maalmo kadib.Infekshanka aan la daaweyn wuxuu mararka qaar ku faafi karaa dhiigga haddii aan la daaweynna waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo. Marka la eego halista uu infekshanku keeni karo, kooxda caafimaadku waxay samayn doonaan qiimeyn faahfaahsan oo xaaladaada adiga iyo cunuggaagaba ah. Waxay kugu sameyn doonaan baaritaano kala duwan si ay u ogaasaan nooca infekshinka. Tan waxaa ka mid noqon doona baaritaannada dhiigga, baaritaannada kaadida iyo dheecaanka xubinta taranka. Baaritaannada waxaa ka mid ah tirinta dhiigga oo buuxda, borotiinka ‘C-reactive protein’ (CRP), qadar laga soo qaado dhiigga/kaadi mareenka/dhacaanka xubinta taranka iyo xasaasiyada jirka. Kooxda ayaa kugula talin doonta bilaabida antibiyootigyada iyada oo loo marayo ‘cannula’ (tuubbo caag ah oo aad u dhuuban, oo dabacsan) si toos ah xididkaaga dhiiga.Waxaad u baahan doontaa in si dhow laguula socdo tanina waxay ku lug yeelan doontaa kormeer joogto ah oo adiga iyo ilmaha ah, oo kaa xaddidi kara inaad ku dhex socotid waadhka. Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno xulashooyinkaaga dhalmada sida ugu wanaagsan ee suuragalka ah waxaanna ka wada hadli doonnaa dhammaan xulashooyinka iyo talooyinka si aad u sameyso xulashooyin xog ogaal ah oo ku saabsan daryeelkaaga. Waxaan kaa caawin doonaa inaad u seexato qaabab adiga kuu habboon oo lagu yaqaan inay fududeeyaan dhalmada caadiga ah.Qaar ka mid ah natiijooyinka baaritaanka dhiiga ayaa la heli doonaa dhowr saacadood gudahood baaritaanno qaarna waxay qaadan karaan ilaa 3 maalmood.Kooxdaadu waxay sii wadi doontaa inay si dhaw ula socoto fooshaada adiga iyo xaalada cunuggaagaba waxayna kugu wargelin doonaan wixii ka soo baxa iyo talooyinkooda. Waxaa lagugu dhiirigelinayaa inaad weydiiso wixii su’aalo ah ama aad la wadaagto waxyaabaha aad ka welwelsan tahay.
Maxaa dhici doona dhalmada kadib?
1) Halis infekshin oo la yaqaan
Haddii aad ku qaadatay antibiyootig foosha sababta kaliyana ay tahay halis la ogyahay oo cudurka GBS ah, waxaa la joojin doonaa xilliga dhalmada. 12-24 saacadood dhalmada ka dib, kooxdaadu waxay ku kormeeri doontaa adiga iyo ilmaha si loo ogaado wax kasta oo walaac keeni kara, oo ay ku jiraan calaamadaha caabuqa. Korjoogteynta ayaa ujeedadeedu tahay in lagu garto astaamaha digniinta hore. Dhanka Ilmaha, tan waxaa ku jiri doona qiimeyn guud iyo cabir joogto ah oo garaaca wadnaha, heerka neefsashada, midabka, heerkulka iyo quudinta. Ilmuhu wuxuu ku la joogi doonaa hooyada rugta dhalmada ka dib.
2) Calaamadaha caabuqa suurtagalka ah
Antibiyootigyadaada ayaa lagu sii wadi doonaa tuubada ilaa heerkulkaagu caadi noqdo ugu yaraan 24 saacadood dhalmada ka dib, aad dareemayso caafimaad, natiijooyinka infekshankuna ay muujinayaan horumar.Iyada oo ku saleysan soo kabashadaada iyo natiijooyinka baaritaanka, waxaad u baahan kartaa inaad sii waddo koorsada antibiyootigga sida kiniiniyada. Qadarka muddada antibiyootigyadu way kala duwanaan karaan laakiin wax dhib ah malahan haddii aad naas nuujinayso.Haddii aad qabtid caabuq kaadi mareenka ah, waxaad u baahan doontaa inaad ku celiso baaritaanka kaadida (qadar kadida ka mid ah iyo xasaasiyadda) toddobaad kadib markaad dhammayso koorsadaada antibiyootigga si aad u hubiso in infekshanka si buuxda loo daaweeyay.