Baby’s oral health

Caafimaadka afka ee ilmaha

Older baby holds baby toothbrush in their mouth

Cadayga

  • Bilow inaad u cadaydo ilkaha ilmahaaga isla marka ay gaaraan qiyaastii 6 bilood.
  • Adeegso cadayga ilmaha iyo xoogaha yar oo daawada cadeyga ee qoyska ama ilmaha ah, oo ay ku jirto ugu yaraan 1000ppm fluoride.
  • Ha u luqluqin afka ilmahaaga ka dib cadayashada.
  • U caday ilkaha ilmahaaga laba jeer maalintii – hal mar habeenkii iyo hal jeer maalintii, badanaa subaxdii.
NHS Oral health guidance for babies
Brushing for 0 to 3 year olds with Dr Ranj

Sonkorta

  • Sonkorta badan waxay dhaawici kartaa ilkaha cusub ee cunuggaaga.
  • Kaliya sii biyo ama caano cunuggaaga si uu u cabbo. Furuudka iyo khudaarta waxay siiyaan cunuggaaga dhammaan sonkorta uu u baahan yahay.
  • Isku day inaadan siin wax cunto ah oo ay kujirto sonkor dheeri ah – hadaad sameyso, hubi inay ku jirto cunno caadi ah oo ay aheyn cunno fudud.
  • Furuudka iyo khudradda cusub waa cunno fudud oo ilkaha u fiican sida keega bariiska, rootiga jilicsan iyo caanaha.

Dhakhtarka ilkaha

Tilmaanta qaran waxay ku talineysaa in dhallaanka oo dhami ay booqdaan dhakhtarka ilkaha markii ugu horeysay sanadkooda koowaad ka dib.