Taageerada Hyperemesis Gravidarum
Lahaanshaha shabakad taageero oo wanaagsan waxay kaa caawin kartaa qaar ka mid ah astaamaha jireed iyo shucuureed ee Hyperemesis Gravidarum (HG).
Hubinta inaad haysato dad ku taageera oo kaa caawin kara guriga iyo inaad naftaada iyo caruurtaada kale aad daryeesho waxay yareyn kartaa culeyska badan ee xanuunka HG uu kugu keeno. Way adkaan kartaa in la codsado caawimaad laakiin waxaa muhiim ah in la xasuusto in HG uu yahay cudur daran, haddii saaxiibadaa ay qabto, waxaad jeclaan laheyd inaad caawiso, markaa caawimaad weydiiso oo dadka kale ha ku caawiyaan.
Waxay u badan tahay inaad u baahan tahay fasax marka aad la xanuunsaneyso HG qofka aad u shaqeeyneysana waxaa ku waajib ah daryeel inuu kugu taageero. Fasaxa jirada ee xaaladaha uurka waa in si gooni ah loo diiwaan geliyo oo shaqadaada kuma lumin kartid cudurka uurka awgii.
Hey’ada Taageerada Xanuunka Uurka waxay leeyihiin gole qarsoodi ah oo aad kula sheekaysan karto dadka kale ee uu ku dhacay cudurka uurka ama HG. Hay’adan samafalka ah waxay bixisaa khad taleefon oo caawin ah ama websaydh halkaas oo aad ka heli karto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xulashooyinka dawooyinka, adeegyada ka jira deegaankaaga iyo istiraatiijiyadaha iskaa wax u qabso ah.
Waxaad sidoo kale taageero ka heli kartaa hey’ada Taageerada Xanuunka Uurka marka aad wacdo khadkan: 07899 245001 Isniin-Jimco 9.00-17.00.
