Pregnancy of unknown location: Frequently asked questions

Uurka meesha aan la aqoon: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Woman sitting alone looking worried

Tani micneheedu maxay tahay?

Uurka Meel aan la garanayn (PUL) waa marka baaritaanka uu tusinaayo in aad uur leedahay laakiin uur laguma arki karo sawirka ultrasound-ka. Waxaa jira saddex sababood oo waaweyn oo tan keeni kara:
  • 1. Uurku wuxuu joogaa goor hore waana wax aad u yar marka laguma arki karo sawirka ultrasoundka.
  • 2. Uurku wuu dhicisoobay oo laguma arki karo sawirka ‘ultrasound scan’. Waxay qaadan kartaa ilaa 3 toddobaad heerarka hoormoonka uurka inuu hoos ugu dhaco, taasina waa sababta baaritaanka uu weli uurka u tusi karo. Xaaladdaani waxay u badan tahay haddii aad dhowaan dhiigbax culus yeelatay.
  • 3. Ilmuhu wuxuu ku dhex abuurmay banaanka ilmo galeenka, oo loo yaqaano ‘uurka ectopic’, laakiin aad ayuu u yar yahay marka laguma arki karo sawirka ultrasoundka.

Maxaa dhici doona marka xigta?

Waxaad mari doontaa baaritaanka heerka hormoonkaaga uurka (βHCG). Isbitaalada qaarkood waxay sidoo kale qaadaan baaritaan si ay u qiimeeyaan heerka ‘progesterone’ (hoormoonka ugxaansidaha). Heerarka βHCG ayaa markaa lagu soo celin karaa 48 saacadood ka dib iyadoo loo eegayo borotokoolka Qaybta Uurka Hore ee deegaankaaga (EPU). Heerka βHCG oo kor u kaca 63% muddo 48-saac gudeheed ah (oo loo yaqaano ‘waqtiga labanlaabka’) badanaa (laakiin aan mar walba ahayn) wuxuu la xiriira uurka ku jira ilmo galeenka. Qaabkan baaritaannada dhiiggu waxay gacan ka geysan doonaan hagidda maareyn dheeraad ah oo ay kujirto goorta lagu celcelinayo baaritaannada dhiigga ee dheeraadka ah, baaritaannada uurka kaadida ama baaritaanka ultrasound-ka ee soo noqnoqda. Tani waxay noqon kartaa waqti walaac badan, waana wax caadi ah in la dareemo walwal halka meesha aad uurka leedahay aan la hubin, gaar ahaan haddii aad horay u soo martay uur. Si kastaba ha noqotee, waqtiga loo baahan yahay si loo xaqiijiyo ogaanshaha saxda ah waa muhiim waxaana kugu taageeri doona kooxdaada takhasuska leh ee EPU. Waxaa lagugula talin doonaa inaad ka qeybgasho baaritaanno dhiig oo dheeri ah iyo iskaan si aad u xaqiijiso ogaanshaha saxda ah ee goobta uurka iyo si laguu siiyo daryeelka saxda ah iyo taageerada aad u baahan tahay. Waxaad awood u yeelan doontaa inaad kooxda kala xiriirto wixii su’aalo ama walaac ah ee aad qabtid waqtigaan.

Waa maxay calaamadaha walaaca leh ee aan iska fiirin karo?

Khatarta ayaa ah in tani ay noqon karto uur aanan ku jirin ilmo galeenka, oo mararka qaar sababi kara dhiigbax gudaha jirka ah . Halista ay tani ku dhacdo waa mid aad u hooseysa kooxdaada EPU-na way ku hagi doonaan. Si kastaba ha noqotee, waa inaad wacdaa EPU-gaaga maxalliga ah si aad talo uga hesho ama aad uga qeyb gasho waaxda Shilalka iyo Xaaladaha Degdegga ah ee deegaankaaga haddii aad ka welwelsan tahay waxyaabaha soo socda:
  • Dhiigbax ku dhaca xubnaha taranka: Haddii aad qabtid dhiigbax culus oo leh calool xanuun daran, qandho, ama dheecaan aan wanaagsaneyn waa inaad raadsataa gargaar caafimaad oo deg deg ah. Si kastaba ha noqotee, dhiigbaxa uurka waa caadi oo laga yaabo inuusan mid culus ahayn. Mar walba ma ahan astaan tusineysa arrin halis ah laakiin waa in had iyo jeer la baaraa.
  • Calool xanuun: Tani waxay caadi ahaan ku dhacdaa qaybta hoose ee calooshaada, badanaa dhinac dhinac ayey u koraysaa si tartiib tartiib ah ama si lama filaan ah waxayna noqon kartaa mid aad u daran. Xanuunku wuu imaan karaa wuuna tagi karaa mararka qaarkoodna waxaa loo maleyn karaa cudurka keena neefta caloosha ku xayiran. Xanuunka sidoo kale waa in had iyo jeer la baaraa xilliga uurka uu hor leeyahay.
  • Xanuunka garabka: Tani waa xanuun ku wareegsan agagaarka garbaha, waana inaad raadsataa gargaar caafimaad oo deg deg ah haddii taasi dhacdo. Waxaa lala xiriirin karaa dhiigbax gudaha ah oo caloosha ku jira taasoo keeneysa in neerfaha ay xanuunka geeyaan garabka.
  • Shuban: Tani waxaa sidoo kale lala xiriirin karaa dhiigbax gudaha ah sida xanuunka garabka oo kale, sida kor lagu sharaxay. Xaaladaha noocaas ah waxay sidoo kale keeni doonaan xanuun caloosha ah waana inaad sidoo kale raadsataa gargaar caafimaad oo deg deg ah haddii taasi dhacdo.
  • Dillaaca uurka ‘Ectopic’: Ka sokow waxa kor ku xusan, mid kasta oo ka mid ah astaamaha soo socdaa waxay noqon karaan calaamad dillaaca uurka loo yaqaano ‘ectopic’ waxayna u baahan tahay xaadiritaanka kooxaha gurmadka deg degga ah – xanuun daran oo caloosha ah oo joogto ah, lallabbo/matag; dawakhaad/dareen suuxdin; muuqaal baaba’ ah.

Molar pregnancy: Frequently asked questions

Uurka ‘Molar’: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

 Closeup of pregnant womans stomach bump at 8 weeks gestation

Tani micneheedu maxay ii tahay aniga?

Uurka ‘molar’ waxaa sidoo kale loo yaqaanaa ‘Hydatidiform mole’ ama Cudurka ‘Gestational Trophoblastic Disease’. Wuxuu sababaa uurkan in unugyada mandheerta ay si aan caadi ahayn u koraan. Uurka molar-ka wuxuu u dhacaa si goos goos ah sababtuna waxay tahay isu dheelitir la’aanta tirada koromosoomyada. Isku dheelitir la’aantan awgeed suurtagal ma ahan in uur caafimaad qaba uu ku soo baxo. Waxaa jira laba nooc oo uurka molar-ka ah.

1. Qayb ahaan

Wuxuu dhacaa marka laba xayawaan-mani ay bacrimiyeen ukun waxaana jira saddex nooc oo koromosoomyo ah halkii ay ka ahaan lahaayeen labada caadiga ah.

2. Mid dhameystiran

Wuxuu dhacaa marka hal xayawaan-mani (ama mararka qaarkood laba) uu bacrimiyo ukun madhan (oo aan lahayn wax hidde ah).

Sidee loo ogaadaa?

Ogaanshaha uurka molar waxaa badanaa la sameeyaa ka dib marka uu uurka dhicisoobo, markaasoo unugyada uurka lagu eego sheybaarka. Waxaa jira shuruudo gaar ah oo ay khubarada sheybaarku u adeegsadeen si loo go’aamiyo haddii uurku uu ahaa mid qayb ahaan ah ama mid dhammaystiran. Mararka qaarkood waxaa jiri kara tuhun ah jiritaanka cudurkaan marka la fiiriyo iskaanka ultrasound laakiin waxaa la xaqiijin karaa oo keliya ka dib baaritaan faahfaahsan oo lagu sameeyo sheybaarka.

Maxaa xiga?

Marka uu jiro tuhun cudurkan ah, qalliin looga saarayo ilmo galeenka unugyada uurkan  ayaa loo baahan doonaa, maadaama uusan aysan ahayn uur caafimaad leh. Qalliinkan waxaa badanaa la sameeyaa suuxin guud ka dib oo wuxuu ku lug leeyahay tuubbo yar oo nuugis ah oo lagu sii daayo xubinta taranka iyo afka ilmo galeenka (qoorta ilmo galeenka) si looga saaro uurka. Unugyada uurka waxaa loo diri doonaa shaybaarka si loo sameeyo qiimeyn faahfaahsan. Haddii uurka molar la xaqiijiyo, waxaad u baahan doontaa baaritaanno dhiig oo taxane ah si aad u xaqiijiso in hormoonka uurka (βHCG) uu yaraaday. Tani waa muhiim maadaama ay jirto halis yar oo ah in qaar ka mid ah unugyada uurka ee aan caadiga ahayn ay u weynaadaan qaab aad u daran oo noocyada uurka molar ka mid ah (hoos ka eeg). Waxaa laguu gudbin doonaa xarunta kuugu dhow ee takhasuska sare leh, taas oo ku taallo London, Sheffield ama Dundee kuwaas oo mas’uul ka noqon doona dabagalkan dhowr toddobaad ilaa bilooyin qaadan karo. Dabagalkani waa mid aad muhiim u ah maxaa yeelay xaaladaha qaarkood uurka molar wuxuu sii wadaa koritaanka wuxuuna mararka qaarkood u gudbi karaa nooc kansar oo dhif ah oo loo yaqaan ‘Gestational Trophoblastic Neoplasia’. Tani maahan mid dhacda marar badan laakiin haddii ay dhacdo daaweynta kemotherabi waxay natiijadeedu noqon kartaa heerar aad u sarreeya oo caafimaad ah (98-100% heerka daaweynta). Aad ayey muhiim u tahay inaadan uur yeelan ilaa dabagalkaagu dhammaystirmo. Ku dhawaad dhammaan hababka ka hortagga uurka waa amaan in la isticmaalo, laakiin aaladaha la galiyo ilmo galeenka sida xarkaha laguma talinayo illaa betaHCG-gaagu noqdo mid diidmo ama negatif ah. Waxaan kugula talineynaa inaad kala hadasho nooca ugu habboon ee ka hortagga uurka dhakhtarkaaga. Khatarta uurka molar ee mar labaad in uu kugu dhaca ah uurka mustaqbalka waa mid hooseeya oo ku dhawaad 100kiiba 1 haween ah.

Intrauterine pregnancy of uncertain viability: Frequently asked questions

Uur ilmo galeenka kujira oo aan la hubin: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Woman in pain sitting on bed holding her tummy

Tani micneheedu maxay ii tahay aniga?

Waxay macnaheedu tahay in uurka lagu arkay gudaha ilmo galeenka marka la isticmaalay qalabka ultrasound, laakiin cunug yar (uurjiif) lama arkin, ama cunugga yar ayaa la arkay laakiin wadne garaac ma lahayn.

Maxay tan aniga iigu dhacaysaa?

Waxaa jira laba sababood oo suurtagal ah:
  • Tani waxay noqon kartaa natiijo caadi ah oo la xiriirta xilliga hore ee uurka. Baaritaanka kaadida uurka wuxuu noqon kartaa mid positif ah ilaa 5 maalmood kahor intaadan seegin xeydkaaga xiga. Uur-galeenka aan la hubin (IPUV) ayaa waliba suurtagal ah haddii xaydkaaga ama caadadaada tahay mid aan taxaneyn, ama aad dhowaan joojisay ka-hortagga uurka, ama aad dhowaan uur lahayd.
  • Waxa kale oo laga yaabaa inay tahay in uurku aanu u sii socon sidii la filayay, nasiib darro awgeed. Tani waxay u badan tahay haddii cabirka uurka uusan u dhigmin tirada toddobaadyada uurkaaga. Tani waxay sidoo kale noqon kartaa mid aad suurtagal u ah haddii uu dhiigbax kugu dhacdo xilli hore oo uurka ah.

Maxaa xiga?

Iskaanka ultrasound-ka ayaa lagu celin doonaa hal ilaa laba toddobaad ka dib si loo xaqiijiyo haddii cunug yar (uurjiif) oo wadnihiisu garaacmaayo la arki karo. Waan ognahay inay tani noqon doonto xilli walaac leh oo sugitaan dheer ah laakiin waqtigan waa loo baahan yahay si loogu oggolaado uurka inuu horumaro. Haddii uurku u horumari waayo sidii la filayay, waxaa suurogal ah in uurku uu dhicisoobay. Laakiin haddii aan ku xaqiijino iskaanka xiga in ilmahaagu si caadi ah u korayo oo garaaca wadnaha la arko, waa inaad codsataa daryeel dheeraad ah oo uurka ah adigoo buuxinaya foomka is-tixraaca ee daryeelka dhalmada ama kala hadal dhakhtarkaaga uurka, haddii aadan horey u sameyn sidaa.

Waa maxay calaamadaha walaaca leh ee aan iska fiirin karo?

Dhiigbaxa xubinta taranka ee uurka hore waa caadi. Dumar badan oo dhiigbax leh ayaa sii wada uur guul ku dhamaada. Dhiigbaxu wuxuu kordhiyaa halista dhicisoobida uurka waxayna noqon kartaa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee arrintan. Calaamadaha dhicisoobida waxaa ka mid ah dhiigbax culus oo leh xinjiro, iyo sidoo kale calool xanuun sida foosha oo kale ah. Haddii aad ka welwelsan tahay waa inaad wacdaa kooxda u xil saaran uurka hore ee deegaanka si aad talo uga hesho ama aad uga qayb gasho waaxda gurmadka degdegga ah ee deegaankaaga (A&E). Haddii dhiigbaxu uu noqdo mid daran (oo aad beddesho suuf saacad kasta ama ay soo raacaan xinjirro waaweyn), ama aad dareento xanuun daran oo aan lagu xakameynin karin xanuun baabi’ye, ama aad qandho dareentid, markaa waa inaad tagtaa Goobta Gurmadka ee kuugu dhow.

Maxaan sameeyaa haddii aan u maleeyo in uurku uu dhicisoobay?

Nasiib darro awgeed, dhicisoobida uurka waa arrin dhacda marar badan oo naadir ma aha, waxaana jirta halis ah in uurku dhicisoobo ka hor baaritaanka dambe ee ultrasound-ka. Tani uma badna inay la xiriirto wax aad sameysay adiga ama aadan sameynin laakiin nasiib darro suurtagal ma ahan in laga hortago xilligan. Waxaad qaadan kartaa xanuun baabi’ye sida paracetamol iyo codeine si ay kaaga caawiyaan yareynta xanuunka. Haddii aad ka welwelsan tahay dhicisoobid ama maaraynta shucuurtaada waqtigan adag, markaa waa inaad wacdaa Qaybta Maareynta Uurka Hore ee deegaankaaga (EPU) si aad talo u raadsato ama aad uga qeyb gasho Goobaha Gurmadka haddii aad caafimaad darro dareentid.

Ectopic pregnancy: Frequently asked questions

Uurka loo yaqaano ‘Ectopic’: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Young woman with her hands on her stomach grimacing in pain

Tani micneheedu maxay ii tahay aniga?

Uurka caafimaadka qaba wuxuu ku kora gudaha ilmo galeenka, laakiin uurka ectopic waa uur ku sameeysmo meel ka baxsan ilmo galeenka. Tani waxay ku dhacdaa qiyaastii 1 mar 180kii marba. Nasiib darrose, uur ku dhex abuurma dibada ilmo galeenka ma sii noolaan karo. Meesha ugu caansan ee uurka ectopic-ga ah uu ku beermo waa gudaha tuubada ‘Fallopian’ (labada tuubbadood oo ay ukunta uga soo baxdo ugxan-sidaha ilmo galeenka), in kasta oo uu ka dhici karo meelo kale. Waxay noqon kartaa khatar haddii uurku sii socdo oo uu dillaaco maxaa yeelay tani waxay sababi kartaa dhiigbax gudaha ah oo nafta halis geliya.

Maxay tan aniga igu dhacaysaa?

Dumar badan ayaan lahayn wax khatara hore ah oo sababi kara uurka ectopic. Waxyaabaha qaarkood ayaa kordhinaya halistaada sida: uur hore oo ectopic ahaa; taariikh hore oo ah saameynta cudurka miskaha ama ‘endometriosis’ oo saamaynaya tuubooyinka Fallopian; sigaar cabista; qalliinka miskaha hore ama qalliinka tuubada fallopian; isticmaalka ka hortagga degdegga ah; da ‘ (gaar ahaan 35-40 sano) taariikh dhalmo la’aan, ama uur lagu uuraysto iyada oo loo marayo rimidda caawinta ama daaweynta bacriminta. Way adagtahay in aad uur qaado adigoo ay ilmo galeenka kuugu jirto aalad (sida xarkaha naxaasta ah ama Mirena), ama isticmaalka kiniiniga progesterone-ka kaliya, laakiin haddii aad uur yeelato adigoo waxyaalahaa isticmaalaya waxay sidoo kale kordhin kartaa halistaada.

Maxaa xiga?

Ogaanshaha uurka ectopic waxaa badanaa lagu sameeyaa isku-darka baaritaanka iskaanka ultrasound iyo baaritaanno dhiig oo joogto ah si loo eego heerarka hoormoonka uurkaaga βHCG (beta human chorionic gonadotropin).

Waa maxay calaamadaha walaaca leh ee aan iska fiirin karo?

Dhiigbax ku dhaca xubinta taranka: Tani badanaa waa wax ka yar xeydka caadiga ah, ama qadarka ama midabku wuu ka duwan yahay midka xeydka. Haddii aadan ka warqabin inaad uur leedahay xitaa waad ku khaldami kartaa in dhiigan uu xeyd yahay. Si kastaba ha noqotee, dhiig-baxa uurka waa caadi oo had iyo goor ma tusinaayo wax halis ah, laakiin waa in had iyo jeer ay ku baaraan khubarada Kooxda Uurka Hore (EPU) ee deegaankaaga. Calool xanuun: Tani waxay caadi ahaan ku dhacdaa qaybta hoose ee calooshaada badanaana hal dhinac waxayna u kori kartaa si tartiib tartiib ah ama si lama filaan ah waxayna noqon kartaa mid aad u daran. Xanuunku wuu imaan karaa wuuna tagi karaa mararka qaarkoodna waxaa loo maleyn karaa cudurka neefta ku xanniba caloosha. Xanuunka sidoo kale waa in had iyo jeer la baaraa xilli hore oo uurka ah. Xanuunka garabka: Waa xanuun ku wareegsan garbaha, waana inaad raadsataa gargaar caafimaad oo deg deg ah haddii taasi dhacdo. Waxaa lala xiriirin karaa dhiigbax gudaha ah oo caloosha ku jira waayo neerfaha ayaa xanuunka u gudbiya dhanka garabka. Shuban: Waxaa sidoo kale lala xiriirin karaa dhiigbax gudaha ah sida xanuunka garabka, sida kor lagu sharaxay. Xaaladaha noocaas ah waxaa sidoo kale la socon doona xanuun caloosha ah waana inaad sidoo kale raadsataa gargaar caafimaad oo deg deg ah haddii taasi dhacdo. Cudurka uurka ee Ectopic: marka lagu daro waxa kor ku xusan, mid kasta oo ka mid ah astaamaha soo socdaa waxay noqon karaan calaamadaha dillaaca uurka ‘ectopic’ waxayna u baahan tahay xaadiritaanka kooxaha gurmadka deg degga ah: xanuun joogto ah, calool xanuun daran; lallabbo / matag; dawakhaad / dareen suuxdin; muuqaalka oo baaba’ ka muuqda.

Sidee loo dawayn karaa?

Waxaa jira seddex ikhtiyaar oo daaweyn ah oo loogu talagalay uurka ectopic:
  • Maareynta filashada (sugitaanka si loo arko haddii uurka ectopic kaligiis uu is xalliyo)
  • Daawo looga hortago uurka ectopic inuu sii koro
  • Qalliinka si loo saaro uurka ectopic.
Fursadaha daaweyntu waxay ku xirnaan doonaan arrimo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin, cabirka iyo goobta uurka ectopic, natiijooyinka dhiiggaaga, astaamahaaga, daawooyin hore oo aad qaadatay iyo qalliin hore. Khabiir ayaa kaala hadli doona xulashooyinkaaga oo si wada jir ah ayaad u dooran kartaa qorshaha maaraynta ugu habboon. Waa muhiim inaad ku muujiso qorshayaasha uurka ee mustaqbalka wadahadalkan.

Maareynta filashada

Haddii uu kugu habboon yahay ikhtiyaarkan oo aad doorato isaga, xaaladaadu waa lala socon doonaa si loo fiiriyo in uurkaaga ectopic uu kaligiis is xalliyo. Tani waxay ku lug leedahay baaritaanno dhiig oo joogto ah si loo hubiyo heerarka hoormoonka uurkaaga (oo loo yaqaan βHCG (HCG)) illaa ay hoos u dhacaan oo ay noqdaan kuwa negatif ah. Tani waxay qaadan kartaa ilaa 6 toddobaad (ama ka badan). Heerka guusha maareynta filashada waa mid isbeddesha oo u dhexeysa 30-100%. Waxay u badan tahay in lagu guuleysto haddii uurku yar yahay oo heerarka βHCG-gaagu hooseeyo. Haddii lagu guuleysan waayo waxaad u baahan kartaa daaweyn dheeraad ah oo kala ah daawo ama qalliin.

Maareynta daawada

Haddii aad ku habboon tahay qaabkan, waxaa lagu siin karaa ikhtiyaarka daawo loo yaqaan Methotrexate si loo daweeyo uurka ectopic. Tani caadi ahaan waa hal cirbad, si kastaba ha noqotee qiyaastii 15 ka mid ah 100kii haween ah ayaa u baahan cirbad labaad. Xaaladaha qaarkood, maaraynta daawadu waa lagu guuleysan karaa, 7 ka mid ah 100kii haween ah ayaa u sii gudbi doona qalliin. Sida maaraynta filashada waxaad u baahan doontaa dabagal joogto ah oo lagu sameeyo baaritaannada dhiigga si loo hubiyo in heerarka βHCG inay dhacaan. Haddii daaweynta lagu guuleysto waxay ku dambayn doontaa 15% hoos u dhac heerkaaga βHCG 1 toddobaad kadib hal cirbad oo methotrexate marka aad qaadato. Waxay qaadan kartaa ilaa 6 toddobaad in heerarka βHCG ay noqdaan kuwa negatif ah. Waxyeelooyinka dawada waa dhif laakiin waxaa ka mid ah lallabbo/matag, dareen daal, finanka maqaarka, boogaha afka, calool xanuun, shuban, xasaasiyad xagga iftiinka qorraxda, timaha oo daata si ku meel gaar ah iyo xanuun sambabbada ah. Daawadu waxay si kooban u saameyn kartaa beerkaaga, kelyahaaga, iyo dhuuxa lafta (halkaas oo unugyada dhiigga ee muhiimka ah ee ka caawiya la-dagaallanka caabuqa lagu sameeyo) sidaa darteedna waxaad u baahan doontaa baaritaanno dhiig oo dheeri ah oo ay weheliso heerarka betaHCG inta lagu jiro dabagalkaaga. Waa inaad ka fogaataa khamriga iyo fiitamiinnada ay ku jiraan aashitada folic. Mar haddii heerarka βHCG ay noqdaan negatif waxaad cabi kartaa khamriga waana inaad dib u bilawdaa aashitada folic si aad dib ugu dhisto heerarkaaga folate inta lagu jiro muddada 3-bilood ah ee methotrexate ay jirka uga dhaqmeyso. Aad ayey muhiim u tahay inaadan uur yeelan ugu yaraan 3 bilood kadib markii aad qaadatay dawadan, haddii aad uur leedahay waxaa jira halis cilado dhalasho oo ku dhaca ilmaha soo koraya; Khatartaan ma sii jirayso 3 bilood kadib. Waa inaad kala hadashaa xulashooyinka ka hortagga uurka takhtarka ama kalkaaliyaha qeybta hore ee uurka, ama dhakhtarkaaga guud.

Qalliinka

Waxaa qalliinka laguugu soo bandhigi karaa ikhtiyaar ahaan ama waxaa lagugula talinayaa inaad qaadato maadamo uu yahay xulashada kuugu fiican adiga. Wuxuu ku lug yeelan doonaa suuxin guud, gelitaanka calooshana waxaa lagu sameyn karaa laba siyaabood:
  • Qalliinka ‘Keyhole’ (laparoscopy) – kani waa habka qalliinka caadiga ah ee loo isticmaalo kiisaska badankood.
  • Qalliin furan (laparotomy) -kani waxaa loogu baahan karaa si ku saleysan xaalad shaqsiyeed, oo u gaar ah duruufahaaga caafimaad.
Maareynta uurka ectopic-ka waxaa lagu sameyn karaa laba siyaabood tanna waxaa saameyn ku yeelan doona caafimaadka tuubada kale ee fallopian, midka aan lahayn uurka ectopic:
  • ‘Salpingectomy’, wuxuu qaabkan ku lug leeyahay saarista dhammaan tuubbada fallopian ee uu uurka ku samaysmay. Waxaa la mari wadadan haddii tuubada kale ay u muuqato mid caafimaad qabta.
  • ‘Salpingostomy’ waxaa la isticmaali haddii tuubada kale (oo aan lahayn uurka ectopic) aysan u muuqan mid caafimaad qabta ama ay maqan tahay. Dariiqadan waxay ku lug leedahay samaynta jeexitaanka tuubada fallopian si meesha looga saaro uurka ectopic. Tuubbada fallopian-ka laguma saarayo hawlgalkan.
  • Labada qaabba waxay leeyihiin khataro yar yar oo la xiriira qalliinka iyo suuxinta guud. Tan waxaa ka mid ah halista dhaawaca xubnaha kale ee caloosha ku jira sida mindhicirka, kaadiheysta, kaadi mareenka (tuubooyinka isku xira kaadiheysta iyo kelyaha) iyo xididdada dhiigga. Dhakhtarka qalliinka iyo suuxinta ayaa kaala hadli doona halista ku jirta oo ku siin doona faahfaahin dheeraad ah.
  • Qalliinka ka dib, haddii nooca dhiiggaagu uu yahay ‘Rhesus negative’, waa in lagu siiyaa cirbad la yiraahdo Anti-D si looga hortago xaalad ka timaadda ‘Rhesus Isoimmunisation’. Rhesus Isoimmunisation waa marka jirkaagu yeesho unugyada difaaca jirka haddii nooca dhiigga ee ilmahaagu uu yahay ‘Rhesus Positive’. Cirbadda Anti-D waxay ka hortageysaa jirkaaga inuu sameeyo unugyada difaaca jirka kaasoo si xun u saameyn kara cunug walba oo ‘Rhesus positive’ ah oo aad uurkiisa qaado mustaqbalka waxaana lagula talinayaa in laga hortago khatartan.

Waa maxay calaamadaha welwelka leh ee aan iska fiirin karo ka dib mareynta filashada ama qaadashada daawada?

Haddii aad dooratid maareynta filashada ama maareyn daawo waxaad awoodi doontaa inaad ku laabato guriga. Waa muhiim inaad raadsato daryeel caafimaad oo deg deg ah oo aad tagto waaxda Gurmadka Deg degga waqti kasta, maalin ama habeen, haddii aad yeelato astaamo cusub oo ay ka mid yihiin calool xanuun daran, xanuun garabka ah, dareen caafimaad darro, suuxdin ama qalal. U sheeg kooxda Gurmadka in aad soo martay uurka ectopic, ayagaana habeeyn doona dib u eegis deg deg ah oo uu kugu sameeyo dhakhtarka dumarka. Tani waa sababta oo ah wali waxaa jira halis yar oo ah dillaaca uurka ectopic, taas oo sababi karta dhiigbax gudaha ah oo nafta halis geliya.

Goormaan uur yeelan karaa mar labaad?

Aad ayey muhiim u tahay inaadan uur yeelan ilaa aad ka dhammeyso dabagalkaaga ka dib uurka ectopic-ka, oo Kooxda Uurka Hore (EPU) ee deegaanka ay xaqiijiyaan in heerarka βHCG ay noqdeen kuwa negatif ah marka ay kaa qaadaan baaritaanka dhiigga ama kaadida. Haddii aad dooratay inaad qaadato Methotrexate markaa waxaad u baahan tahay inaad sugto ugu yaraan 3 bilood ka hor intaadan isku dayin inaad mar kale uuraysato. Haddii Methotrexate aan la istcimaalin oo EPU-gaagu uu xaqiijiyo inaadan uur lahayn waa inaad sugtaa ugu yaraan hal xeyd intaadan isku dayin inaad mar kale uuraysato waayo taasi waxay gacan ka gaysaneysaa dib u soo celinta saacadda jirkaaga. Si kastaba ha noqotee, waa inaad isku daydaa uur kale mar labaad markaad dareento inaad diyaar u tahay maadaama soo kabashada shucuureed ay badanaa qaadato waqti ka dheer soo kabashada jirka. Uurkaaga xiga waxay u badan tahay in uurku ku jiri doono meesha saxda ah ee gudaha ilmo galeenka. Si kastaba ha noqotee, 10-18 haween ah 100kiiba waxay yeelan doonaan uur kale oo ectopic ah. Sidaa darteed waa inaad la xiriirtaa EPU-gaaga maxalliga ah isla marka aad ogaato inaad uur leedahay si laguu mariyo baaritaan iskaan ah oo hore laga bilaabo 5-6 toddobaad si aad u xaqiijiso goobta uurka.

Cervical insufficiency (incompetence)

Daciifnimada afka ilmo-galeenka

Short cervix in pregnancy illustration Haweenka qaarkood, muruqyada ku wareegsan qoorta ilmo galeenka (servix) way ka jilicsan yihiin sidii caadiga ahayd. Tan waxaa loo yaqaanaa daciifnimada afka ilmo-galeenka, karti la’aanta afka ilmo-galeenka ama afka ilmo-galeenka ee gaaban. Qalliin hore ama baaritaanno ku saabsan aaggan ayaa mararka qaar sababi kara in makaanka afkiisa uu goor hore furmo, taasoo horseedda dhicisoobida uurka ama dhalmo waqtigeeda ka horreysa. Daciifnimada afka ilmo galeenka ayaa waliba noqon kara wax aad ku dhalan karto iyadoo ay ugu wacan tahay qaabka ilmo galeenka. Sawirka ‘ultrasound scan’ ee la qaado xilliga bartamaha uurka wuxuu sida caadiga ah ayaa xaqiijin doonaa in afka ilmo-galeenka uu daciif yahay. Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu doonayo inuu hubiyo makaanka afkiisa hore haddii dhowr jeer oo hore uu uurkaaga dhicisoobay ama haddii aad ilmo dhashay ka hor toddobaadka 37aad ee uurka.

Cervical erosion (ectropion)

Unugyo-guurka ilmo-galeenka (ectropion)

Graphic showing where to cervical canal is located with cross-sections of a healthy cervix and one affected by cervical erosion Unugyo-guurka Ilmo galeenka waa xaalad dhacda marka unugyada jilicsan ee gudaha marinka afka ilmo galeenka ay ku fidaan dusha sare ee afka ilmo galeenka. Unugyadan ayaa ka guduudan oo ka nugul unugyada aalaaba laga helo banaanka ilmo galeenka, waana sababtaa ay u keeni karaan astaamo sida dhiigbax iyo dheecaan. Cilladan waxaa sababi kara isbeddelada hormoonnada, uurka iyo kaniiniyada. Xilliga uurka cilladan waxay caadi ahaan iskeed u baaba’adaa laakiin maadaama ay mararka qaar sababi karto dhiigbax, waxaa lagugula talinayaa inaad talo ka raadsato umulisadaada ama waaxda kala-sooca dhalmada si loo hubiyo in aysan jirin sababa kale oo dhiig-baxa keenaya.

Pregnancy sickness: Frequently asked questions

Xanuunka Uurka: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Woman feeling sick in early pregnancy

Tani micneheedu maxay aniga ii tahay?

Lalabbo iyo matag ayaa ah astaamaha guud ee uurka waxayna ku dhacaan 8 ka mid ah 10kii haweenba. Waxay badanaa bilaabmaan horraanta uurka waxayna dhamaadaan dhammaadka saddexda bilood ee ugu horreeya, in kasta oo xaaladaha qaarkood ay sii jiri karaan muddo dheer. Haweenka qaarkood waxay leeyihiin astaamo aad u daran, gaar ahaan haddii:
  • ay horay u soo mareen xaaladan: ama
  • ay uurka ku wadaan mataano ama seddex cunug; ama
  • xaalad naadir ah oo loo yaqaan ‘uurka molar’.
Mararka qaarkood, astaamaha lallabbada iyo matagga waxaa sabab u ah infekshanka mindhicirkaaga, kelyahaaga ama xubinka ‘appendixka’, ama caloosha xanuun. Waa muhiim in sababahan kale la fiiriyo gaar ahaan haddii aad leedahay astaamo aan dabiici ahayn sida qandho, dhiig ku jira matagga, calool xanuun, ama saxaro dabacsan. Waa muhiim in la tixgeliyo sababahan kale haddii astaamahaagu ay bilaabmaan ka dib toddobaadkaaga 11aad ee uurka.

Waa maxay Hyperemesis Gravidarum (HG)?

Tani waa nooc aad u daran oo lallabbo iyo matag ah oo dhaca xilliga uurka, markaas oo aad fuuq-baxdo, lumiso miisaan aad u badan, oo natiijooyinka baaritaannada dhiigga aysan dabiici ahayn. Waxay saameyn ku yeelan kartaa 1 ilaa 3 ka mid ah 100kii haween ee uur leh ba. Haweenka xaaladdan qaba waxaa laga yaabaa inay u baahdaan in ay tagaan isbitaalka si ay u soo ceshadaan biyaha jirkooda ka lumay. Dumar badanakood HG waxay ka dhamaataa toddobaadka 20aad (5bilood) laakiin mararka qaarkood waxay socon kartaa ilaa dhamaadka uurka. Lalabbada iyo matagga uurka ayaa mararka qaar saameyn ku yeelan kara niyaddaada iyo dhammaan noolal maalmeedkaaga caadiga ah iyo nolosha gurigaaga. Haweenka qaarkood astaamahan waxay u noqon karaan kuwa aad u daran oo niyad jab ku rida waxayna u baahan yihiin taageero dheeri ah sida la talin xirfadeed. Haddii aad ogaato in dareenkaagu si joogto ah u niyad jabsanyahay markaa waa inaad caawimaad raadsataa oo aad la hadashaa dhakhtarkaaga, umulisadaada ama Kooxda Uurka Hore ee Deegaanka (EPU).

Daaweyn sidee ah ayaan u baahanahay?

Haweenka intooda ugu badan ee leh astaamaha fudud waxay awood u yeelan doonaan inay la tacaalaan astaamahooda. Waa inaad cuntaa qaddar yar had iyo jeer iskana ilaalisaa wixii cunno ah ama caraf ah ee kiciya astaamaha. Haweenka qaar waxay u arkaan cunista ama cabitaanka waxyaabaha leh sinjibiisha inay wax tar u leeyihiin. Daaweynta noocyada kale sida acupressure ama acupuncture sidoo kale way ku caawin karaan. Haddii tani aysan caawin, waa inaad aragtaa dhakhtarkaaga, kaasoo kuu qori doona daawada ka hortagga jirrada. Kuwani dhib u ma keenayaan uurka. Haddii astaamahaagu aysan degin inkasta oo aad qaadatay dawada afka laga qaato, oo aad leedahay mid ka mid ah astaamaha soo socda, waa inaad tagtaa waaxda Gurmadka Degdegga ee deegaankaaga ama aad la hadasho EPU-ga isbitaalka deegaankaaga:
  • Ma awoodid inaad u dulqaadato cunno ama biyo.
  • Waxaad dareentaa fuuqbax (harraad, afka oo qallalan, kaadi kallar leh).
  • Miisaan ayaad lumisay (luminta 5% ama in ka badan oo miisaankaaga uurka kahor ah waa halis).
  • Waxaad leedahay qandho, dhiig soo raaca matagga, calool xanuun, ama saxaro dabacsan.
  • Waxaad leedahay qandho, dhiig ku jira vo-gaaga Waxaad leedahay xaalad caafimaad oo kaaga baahan inaad qaadatid kiniinno aadan mar dambe qaadan karin matag tusaale ahaan dawooyinka suuxdinta.mit, calool xanuun, ama saxaro dabacsan.
  • Waxaad leedahay xaalad caafimaad sida dhibaato dhanka wadnaha ama dhibaataada kalyaha ama sonkorow.
Isbitaalka dhexdiisa, waxaa lagu siin doonaa cabitaanno aad ka qaadato faleembo iyo sidoo kale daawada ka hortagga jirrada iyada oo laguu soo mariyo faleembo ama cirbad. Haddii kuwan aysan ku caawin ka dib isticmaalka caadiga ah, corticosteroids ayaa lagu dari karaa daaweyntaada, sidoo kale waxaa laguu soo marin faleembo. Waxaa kale oo lagu siin karaa faleembooyin fiitamiin ah iyo cirbad khafiifisa dhiigga si loo yareeyo halista xinjirowga dhiigga. Waxa kale oo lagaa qaadi doonaa baadhitaano dhiig iyo kuwa kaadidaada si loo raadiyo jiritaanka infakshin iyo si loo arko sida aad u fuuq-baxday. Haddii aad ku fiicnaato kuwan, guriga waad aadi kartaa oo maalinta ku xigta waad soo noqon kartaa si aad u sii wado dawooyinka. Qaabkan waxaa la sii wadi karaa maalin kasta sidaa daraadeedna looga fogaado baahida loo qabo seexinta cisbitaalka. Laakiin haddii aad aad ugu xanuunsan tahay astaamahaaga, waxaa lagu seexin karaa cisbitaalka si loola socdo xaaladaada. Waxaa sidoo kale lagaa qaadi karaa iskaan hore oo aan degdegg ahayn si aad u hubiso haddii aad uurka ku wado mataamo, ama uurku yahay ‘molar’.

Tani maxay uga dhigan tahay uurka mustaqbalka?

Waxaad halis ugu jirtaa inaad cilladan yeelato uurka mustaqbalka, sidaa daraadeed raadso caawimaad goor hore haddii aad ogaato inaad la halgameyso astaamahaaga.

Xagee ka heli karaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladdan?

Hyperemesis Gravidarum support

Taageerada Hyperemesis Gravidarum

Woman sitting in the bathroom suffering from sickness in early pregnancy Lahaanshaha shabakad taageero oo wanaagsan waxay kaa caawin kartaa qaar ka mid ah astaamaha jireed iyo shucuureed ee Hyperemesis Gravidarum (HG). Hubinta inaad haysato dad ku taageera oo kaa caawin kara guriga iyo inaad naftaada iyo caruurtaada kale aad daryeesho waxay yareyn kartaa culeyska badan ee xanuunka HG uu kugu keeno. Way adkaan kartaa in la codsado caawimaad laakiin waxaa muhiim ah in la xasuusto in HG uu yahay cudur daran, haddii saaxiibadaa ay qabto, waxaad jeclaan laheyd inaad caawiso, markaa caawimaad weydiiso oo dadka kale ha ku caawiyaan. Waxay u badan tahay inaad u baahan tahay fasax marka aad la xanuunsaneyso HG qofka aad u shaqeeyneysana waxaa ku waajib ah daryeel inuu kugu taageero. Fasaxa jirada ee xaaladaha uurka waa in si gooni ah loo diiwaan geliyo oo shaqadaada kuma lumin kartid cudurka uurka awgii. Hey’ada Taageerada Xanuunka Uurka waxay leeyihiin gole qarsoodi ah oo aad kula sheekaysan karto dadka kale ee uu ku dhacay cudurka uurka ama HG. Hay’adan samafalka ah waxay bixisaa khad taleefon oo caawin ah ama websaydh halkaas oo aad ka heli karto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xulashooyinka dawooyinka, adeegyada ka jira deegaankaaga iyo istiraatiijiyadaha iskaa wax u qabso ah. Waxaad sidoo kale taageero ka heli kartaa hey’ada Taageerada Xanuunka Uurka marka aad wacdo khadkan: 07899 245001 Isniin-Jimco 9.00-17.00.

Hyperemesis Gravidarum treatments

Daaweynta Hyperemesis Gravidarum

Young pregnant woman sitting on the bed covering her mouth feeling nauseous in 1st trimester of pregnancy

Daawadee ayaan u qaadan karaa, khatarna ma leedahay?

Waxaa jira dhowr daawo oo waxtar leh oo looga hortago jirada oo la qaadan karo inta lagu jiro uurka, haddii loo baahdo. Hyperemesis Gravidarum (HG) badanaa waxay aad u daran tahay saddexda bilood ee ugu horreeya waana dawo muhiim ah oo ay tahay in la bilaabo sida ugu dhakhsiayah badan. Daawooyinka ugu waxtarka badan ee lallabbada iyo matagga aamin u ma aha uurka. Tan macnaheedu maahan in dawadu tahay mid halis ah ama aan la isticmaali karin. Qaadashada daawada xilliga uurka waxay ku saabsan tahay miisaamida faa’iidooyinka suurtagalka ah ee daawada iyadoo ay jirto halista suurtagalka ah ee qaadashada daawada ama ka tagista qofka daaweyn la’aan. Waxaa muhiim ah in la xasuusto in hadii HG aan la daaweyn ay khatar ku noqon karto hooyada iyo cunugga, sidaa daraadeed faa’iidooyinka qaadashada daawada ayaa ka badan halista suurtagalka ah. Qaadashada wax kabadan hal nooc markiiba waxay noqon kartaa mid waxtar badan. Ma jirto dawo cudurka baabi’sa, laakiin waa inaad ogaataa 48 saacadood gudahood haddii dawada laguu qoray ay ku caawinayso iyo in kale. Haddii dawadu aysan ku caawinaynin si kugu filan, markaa waxaad ku noqon kartaa dhakhtarkaaga si aad ugala hadasho daawooyinka kale ee aad isku dayi karto.

Pregnancy sickness and Hyperemesis Gravidarum

Xanuunka uurka iyo Hyperemesis Gravidarum

Woman lies in bed looking sick with hand over her mouth

Waa maxay xanuunka uurka?

Xanuunka uurka ee caadiga ahi waa muddo gaaban oo lallabbo iyo matag marmar ah inta lagu jiro marxaladaha hore ee uurka. Waa xaalad ku dhacda dumar badan, sida caadiga ahna waxay bilaabataa qiyaastii toddobaadka 4aad illa 6aad waxayna fududaataa inta u dhexeysa 12 illa 20 toddobaad. Waxay ku saameyn kartaa waqti kasta oo maalinta ama habeenka ah, dadka qaarna waxay dareemaan inay jiran yihiin maalinta oo dhan. Badanaa waxaa si wanaagsan loogula tacaalaa cuntada iyo isbeddelada qaab nololeedka. Guud ahaan, ma jiraan waxyeellooyin jireed ama maskaxeed oo xun maxaa yeelay waa qayb caadi ah oo uurka ka mid ah.

Xeeladaha la qabsashada

Haddii xanuunkaagu uusan aad u xumeyn, waxaad isku dayi kartaa isbeddelo qaab nololeed oo ah:
  • Nasasho badan hel maadaama daalku sii xumayn karo lallabbada.
  • Ka fogow cuntooyinka ama carafta kaa dhigaya inaad dareento xanuun.
  • Cun rooti qalalan ama buskud cad ka hor intaadan sariirta ka soo bixin.
  • Cun cunnooyin yar yar, oo isdaba joog ah oo ah cuntooyinka cad ee ku badan karbohaydrayt iyo dufan yar (sida rooti, bariis, buskud iyo baastada).
  • Cun cunnooyinka qabow halkii aad ka kululayn lahayd haddii carafta cuntada kulul ay kaa dhigeyso inaad dareento xanuun.
  • Cab cabitaanno fara badan, sida biyaha (inyar inyar u kabo maanta dhan waayo waxaa badanaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan ka hortagga mataga).

Goorta aad u baahantahay caawimaad

  • Marka tayada noloshaada uu xanuunku saameyn ku yeesho oo aadan awood u laheyn inaad maareyso howlahaaga caadiga ah
  • Haddii astaamahaagu aad uga xun yihiin sidii aad filaysay inay noqdaan
  • Haddii aadan caloosha ku hayn karin wax cunto ah ama cabbitaan ah, ama qadar aad u yar aad heyn karto
  • Haddii miisaankaagu hoos u dhacay
  • Haddii aad leedahay astaamaha fuuq-baxa sida afka qallalan, bishimaha qallalan, madax xanuun ama aad dareento wareer, daciifnimo ama jahwareer. Isbeddelka kaadida taasoo kallar yeelata, ama sidii horey ayna kaaga imaan, ama kaadi yar ay kaa imaato.
Fadlan eeg macluumaadka soo socda ee ku saabsan Hyperemesis Gravidarum haddii aad ka shakisan tahay inaad la xanuunsan tahay nooc daran oo ka mid ah noocyada xanuunka uurka.

Waa maxay Hyperemesis Gravidarum?

Hyperemesis Gravidarum (HG) waa xanuun daran iyo lallabbada xilliga uurka markaas oo loo baahan yahay daaweyn caafimaad iyo taageero shucuureed. Waxay u horseedi kartaa miisaan badan oo la lumiyo iyo fuuq bax badan. Qiyaastii 10,000-20,000 haween sanadkii ayeey xaaladdan saameysaa. Waxay bilaaban kartaa goor hore, xitaa kahor baaritaanka uurka lagu ogaado. Astaamaha badanaa waxay ugu xun yihiin 9-13 toddobaad, oo xoogahaa soo fiicnaada qiyaastii inta u dhexeysa toddobaadyada 16-24, laakiin waxay sii socon karaan ilaa dhamaadka uurka.

Goorta aad u baahan tahay caawimaad

Haddii aad badanaa xanuunsan tahay oo aadan cuntada sii hayn karin, u sheeg umulisadaada ama takhtarkaaga, ama la xiriir isbitaalka sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa jira halis ah inaad fuuqbaxdo, waana muhiim inaad sida ugu dhakhsaha badan u hesho daaweynta saxda ah. Waa inaad had iyo jeer caawimaad raadsataa haddii aad ka shakisan tahay inaad qabtid HG, ama lallabbo daran iyo matag, ama haddii aad leedahay mid ka mid ah astaamaha soo socda:
  • Lalabbo dheer ama joogto ah iyo/ama matag saameyn ku leh howlahaaga maalinlaha ah, sida inaad shaqo tagto, gurigaaga daryeesho, ama carruurta kale iyo naftaada aad daryeesho.
  • Waxaad leedahay astaamaha fuuq-baxa, sida afka qallalan, bishimaha qallalan, madax xanuun, dawakhaad, daciifnimo, ama dareen jahwareer. Haddii ay wax iska beddelaan kaadida, tusaale ahaan haddii ay kallar mugdi ah yeelato, ama sidi hore aadan u kaajin, ama kaadi yar ay kaa timaado.
  • Haddii miisaankaagu hoos u dhacay, tani waxay tilmaan u noqon kartaa HG .
  • Astaamahaagu waxay saamaynayaan caafimaadkaaga maskaxda waxaadna la halgameysaa sidii aad ula qabsan lahayd. Haddii aad horay u lahayd HG, nasiib darro awgeed, waxay u badan tahay inaad mar kale qaadi doontid xilliga uurka xiga. Haddii aad go’aansato inaad uur kale qaado, waxaa kaa caawin kara inaad horay u sii qorsheysato, sida diyaarinta daryeelka carruurta si aad u hesho nasasho badan. Kala hadal dhakhtarkaaga bilowga daawada. Daawooyinka waa la qori karaa ka hor inta astaamaha xitaa aysan bilaaban.

Calaamadaha kale ee HG:

  • Xasaasiyada carafta
  • Candhuufta xad dhaafka ah
  • Madax xanuun iyo calool fadhi ka yimaada fuuqbaxa
  • Luminta xakamaynta kaadiheysta
  • Daal
  • Laab jeex
  • Xasaasiyada nalalka/buuqa/dhaqdhaqaaqa

Xeeladaha la qabsashada

  • Naso! Waxaa jiri kara waqtiyo ay astaamuhu fududaadaan oo aad dareento inaad waxbadan qaban karto, laakiin waxaa muhiim ah inaad wali nasato intii suurtagal ah.
  • Ka fogow waxyaabaha kiciya lallabbada intii suurtagal ah. Haddii taasi macnaheedu tahay in laga fogaado cunta karinta iyo in laga fogaado jikada markaa qof kale uu cunta karinayo, markaa waa inaad sidaa sameysaa. Waa caadi in aad waydiiso in qoyskaaga ama asxaabtaada in ay ka fogaadaan cunnooyinka qaarkood inta aad ag joogtid. Waxyaabaha kale sida dhawaaqyada, dhaqaaqa, shaashadda, ama nalalka dhalaalaya ayaa sidoo kale kicin kara waana in laga fogaadaa haddii ay astaamahaaga ka sii daraan.
  • Isku day inaad iska ilaaliso fuuq-baxa. Haddii cabitaanku kicinayo matag ama lallabbo, waxay noqoneysaa inaad nuugto barafka laga sameeyay casiir ama si tartiib tartiib ah aad u kabato cabitaanka. Biyaha dhalada ku jira ayaa ka dhadhan macaanaan kara kuwa tuubada. Haddii aadan xajin karin biyaha, isu diyaari gelitaanka isbitaalka si laguugu xiro faleembooyin. Tani waxay muhiim kuu tahay adiga iyo caafimaadka cunuggaaga waxayna ku siin kartaa nafisaad.
  • Buug aad ku qorta xusuusahaaga hayso. Raacraaca cuntadaada iyo cabitaankaaga waxay ka caawin doontaa dhaqtarka inuu qiimeeyo daaweynta aad u baahan tahay, adigana waxaad arki kartaa cunnooyinka xanuunka kugu kiciya. Raacraacida astaamahaaga waxay ku tusin kartaa waxa isku xira waxayna ku tusi kartaa goorta ugu wanaagsan ee aad wax cunto. Waxay kaloo kaa caawin kartaa inaad isu diyaariso markaad ogaato in astaamahaagu ka sii dari doonaan.