Jawaab-celinta websaydhka Somerset
Haweenka iyo qoysaskooda waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ra’yi ka bixiyaan iskaashiga Somerset Maternity Voices Partnership (MVP). Tani waa koox si madaxbanaan u shaqeysa: koox adeegsata dhalmada maxalliga ah, dadka taageera iyaga iyo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, si loo xoojiyo ka wada shaqeynta dib u eegista iyo gacan ka geysashada horumarinta daryeelka hooyada ee deegaanka.
Waxaan rabnaa inaan maqalno fikradahaaga iyo waaya-aragnimadaada ku saabsan daryeelka dhalmada ee Somerset. Waad ka qaybqaadan kartaa adoo nala wadaagaya jawaabtaada. Wixii ku saabsan ka qeyb galka shirarka ama ku soo biirista kooxda, naga hel Facebook, Twitter iyo Instagram.
Emayl: SomersetMVP@healthwatchsomerset.co.uk