Haddii aad tahay qof aan Ingiriiska degneyn oo booqasho dibada uga yimid, waxaad u baahan doontaa inaad bixiso macluumaadkaaga si aad u hesho daaweynta NHS (oo ay kujirto daryeelka dhalmada). Tan waxaa ku jiri doona caddeynta dhammaan waxyaabaha soo socda:
aqoonsigaaga ama sharcigaaga
cinwaankaaga joogtada ah
ogolaansho inaad ku noolaato/ka shaqeyso Boqortooyada Midowday.
Waxaa lagu weydiin doonaa inaad bixiso macluumaadkan markii aad u timaado ballantaada ugu horreysa ee aad la leedahay umulisada.Haddii aadan hubin u-qalmitaankaaga, la xiriir qaybta dhalmada.Haddii aadan caafimaad qabin, ama aad ka walaacsan tahay caafimaadka cunuggaaga aan weli dhalan, waa inaad tagtaa qaybta ugu dhow ee dhalmada ee daryeelka degdegga ah.