Pregnancy sickness and Hyperemesis Gravidarum

Xanuunka uurka iyo Hyperemesis Gravidarum

Woman lies in bed looking sick with hand over her mouth

Waa maxay xanuunka uurka?

Xanuunka uurka ee caadiga ahi waa muddo gaaban oo lallabbo iyo matag marmar ah inta lagu jiro marxaladaha hore ee uurka. Waa xaalad ku dhacda dumar badan, sida caadiga ahna waxay bilaabataa qiyaastii toddobaadka 4aad illa 6aad waxayna fududaataa inta u dhexeysa 12 illa 20 toddobaad. Waxay ku saameyn kartaa waqti kasta oo maalinta ama habeenka ah, dadka qaarna waxay dareemaan inay jiran yihiin maalinta oo dhan. Badanaa waxaa si wanaagsan loogula tacaalaa cuntada iyo isbeddelada qaab nololeedka. Guud ahaan, ma jiraan waxyeellooyin jireed ama maskaxeed oo xun maxaa yeelay waa qayb caadi ah oo uurka ka mid ah.

Xeeladaha la qabsashada

Haddii xanuunkaagu uusan aad u xumeyn, waxaad isku dayi kartaa isbeddelo qaab nololeed oo ah:
  • Nasasho badan hel maadaama daalku sii xumayn karo lallabbada.
  • Ka fogow cuntooyinka ama carafta kaa dhigaya inaad dareento xanuun.
  • Cun rooti qalalan ama buskud cad ka hor intaadan sariirta ka soo bixin.
  • Cun cunnooyin yar yar, oo isdaba joog ah oo ah cuntooyinka cad ee ku badan karbohaydrayt iyo dufan yar (sida rooti, bariis, buskud iyo baastada).
  • Cun cunnooyinka qabow halkii aad ka kululayn lahayd haddii carafta cuntada kulul ay kaa dhigeyso inaad dareento xanuun.
  • Cab cabitaanno fara badan, sida biyaha (inyar inyar u kabo maanta dhan waayo waxaa badanaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan ka hortagga mataga).

Goorta aad u baahantahay caawimaad

  • Marka tayada noloshaada uu xanuunku saameyn ku yeesho oo aadan awood u laheyn inaad maareyso howlahaaga caadiga ah
  • Haddii astaamahaagu aad uga xun yihiin sidii aad filaysay inay noqdaan
  • Haddii aadan caloosha ku hayn karin wax cunto ah ama cabbitaan ah, ama qadar aad u yar aad heyn karto
  • Haddii miisaankaagu hoos u dhacay
  • Haddii aad leedahay astaamaha fuuq-baxa sida afka qallalan, bishimaha qallalan, madax xanuun ama aad dareento wareer, daciifnimo ama jahwareer. Isbeddelka kaadida taasoo kallar yeelata, ama sidii horey ayna kaaga imaan, ama kaadi yar ay kaa imaato.
Fadlan eeg macluumaadka soo socda ee ku saabsan Hyperemesis Gravidarum haddii aad ka shakisan tahay inaad la xanuunsan tahay nooc daran oo ka mid ah noocyada xanuunka uurka.

Waa maxay Hyperemesis Gravidarum?

Hyperemesis Gravidarum (HG) waa xanuun daran iyo lallabbada xilliga uurka markaas oo loo baahan yahay daaweyn caafimaad iyo taageero shucuureed. Waxay u horseedi kartaa miisaan badan oo la lumiyo iyo fuuq bax badan. Qiyaastii 10,000-20,000 haween sanadkii ayeey xaaladdan saameysaa. Waxay bilaaban kartaa goor hore, xitaa kahor baaritaanka uurka lagu ogaado. Astaamaha badanaa waxay ugu xun yihiin 9-13 toddobaad, oo xoogahaa soo fiicnaada qiyaastii inta u dhexeysa toddobaadyada 16-24, laakiin waxay sii socon karaan ilaa dhamaadka uurka.

Goorta aad u baahan tahay caawimaad

Haddii aad badanaa xanuunsan tahay oo aadan cuntada sii hayn karin, u sheeg umulisadaada ama takhtarkaaga, ama la xiriir isbitaalka sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa jira halis ah inaad fuuqbaxdo, waana muhiim inaad sida ugu dhakhsaha badan u hesho daaweynta saxda ah. Waa inaad had iyo jeer caawimaad raadsataa haddii aad ka shakisan tahay inaad qabtid HG, ama lallabbo daran iyo matag, ama haddii aad leedahay mid ka mid ah astaamaha soo socda:
  • Lalabbo dheer ama joogto ah iyo/ama matag saameyn ku leh howlahaaga maalinlaha ah, sida inaad shaqo tagto, gurigaaga daryeesho, ama carruurta kale iyo naftaada aad daryeesho.
  • Waxaad leedahay astaamaha fuuq-baxa, sida afka qallalan, bishimaha qallalan, madax xanuun, dawakhaad, daciifnimo, ama dareen jahwareer. Haddii ay wax iska beddelaan kaadida, tusaale ahaan haddii ay kallar mugdi ah yeelato, ama sidi hore aadan u kaajin, ama kaadi yar ay kaa timaado.
  • Haddii miisaankaagu hoos u dhacay, tani waxay tilmaan u noqon kartaa HG .
  • Astaamahaagu waxay saamaynayaan caafimaadkaaga maskaxda waxaadna la halgameysaa sidii aad ula qabsan lahayd. Haddii aad horay u lahayd HG, nasiib darro awgeed, waxay u badan tahay inaad mar kale qaadi doontid xilliga uurka xiga. Haddii aad go’aansato inaad uur kale qaado, waxaa kaa caawin kara inaad horay u sii qorsheysato, sida diyaarinta daryeelka carruurta si aad u hesho nasasho badan. Kala hadal dhakhtarkaaga bilowga daawada. Daawooyinka waa la qori karaa ka hor inta astaamaha xitaa aysan bilaaban.

Calaamadaha kale ee HG:

  • Xasaasiyada carafta
  • Candhuufta xad dhaafka ah
  • Madax xanuun iyo calool fadhi ka yimaada fuuqbaxa
  • Luminta xakamaynta kaadiheysta
  • Daal
  • Laab jeex
  • Xasaasiyada nalalka/buuqa/dhaqdhaqaaqa

Xeeladaha la qabsashada

  • Naso! Waxaa jiri kara waqtiyo ay astaamuhu fududaadaan oo aad dareento inaad waxbadan qaban karto, laakiin waxaa muhiim ah inaad wali nasato intii suurtagal ah.
  • Ka fogow waxyaabaha kiciya lallabbada intii suurtagal ah. Haddii taasi macnaheedu tahay in laga fogaado cunta karinta iyo in laga fogaado jikada markaa qof kale uu cunta karinayo, markaa waa inaad sidaa sameysaa. Waa caadi in aad waydiiso in qoyskaaga ama asxaabtaada in ay ka fogaadaan cunnooyinka qaarkood inta aad ag joogtid. Waxyaabaha kale sida dhawaaqyada, dhaqaaqa, shaashadda, ama nalalka dhalaalaya ayaa sidoo kale kicin kara waana in laga fogaadaa haddii ay astaamahaaga ka sii daraan.
  • Isku day inaad iska ilaaliso fuuq-baxa. Haddii cabitaanku kicinayo matag ama lallabbo, waxay noqoneysaa inaad nuugto barafka laga sameeyay casiir ama si tartiib tartiib ah aad u kabato cabitaanka. Biyaha dhalada ku jira ayaa ka dhadhan macaanaan kara kuwa tuubada. Haddii aadan xajin karin biyaha, isu diyaari gelitaanka isbitaalka si laguugu xiro faleembooyin. Tani waxay muhiim kuu tahay adiga iyo caafimaadka cunuggaaga waxayna ku siin kartaa nafisaad.
  • Buug aad ku qorta xusuusahaaga hayso. Raacraaca cuntadaada iyo cabitaankaaga waxay ka caawin doontaa dhaqtarka inuu qiimeeyo daaweynta aad u baahan tahay, adigana waxaad arki kartaa cunnooyinka xanuunka kugu kiciya. Raacraacida astaamahaaga waxay ku tusin kartaa waxa isku xira waxayna ku tusi kartaa goorta ugu wanaagsan ee aad wax cunto. Waxay kaloo kaa caawin kartaa inaad isu diyaariso markaad ogaato in astaamahaagu ka sii dari doonaan.