Dumar badan ayaa doorta in lagu daryeelo qaybta umusha ee ugu dhow waxaana jira faa iidooyin ay ka leeyihiin doorashada:
waxay u badan tahay inaad daryeel ka hesho koox yar oo umulisooyin ah, meel u dhow gurigaada
waxay u badan tahay inaad barato hal umuliso, iyo hal koox oo hagaajin kara khibradahaaga umusha
waxaad lahaan doontaa masaafo yar oo aad ku safraysid markaa fooshado ee biilabato
haddii aad jeceshahay inaad ku dhasho guriga waa in lagu ballansadaa qaybta umulisada ee deegaankaaga, tani waxaa laga yaabaa inaysan ahayn iilma dhalmada kuugu dhow
daryeelka guriga ka dib marka ilmahaagu dhasho waxaa had iyo jeer bixiya kooxda umulisadaada maxalliga ah (tani waxay u badan tahay inay tahay koox aad horey ula kulantay).
Tixgelinno kale marka aad dooraneyso:
tas-hiilaad la heli karo
gaadiidka dadweynaha iyo fududeynta baarkinka
fududeynta safarka ku socodkisa iyo ka imadkisa meesha aad ka shaqeyso
talooyinka asxaabtaada, qoyskaaga iyo kuwa kale
meel aad hore ka heshay iilma dhalmada ama daryeel caafimaad oo kale