Lalabbo iyo matag ayaa ah astaamaha guud ee uurka waxayna ku dhacaan 8 ka mid ah 10kii haweenba. Waxay badanaa bilaabmaan horraanta uurka waxayna dhamaadaan dhammaadka saddexda bilood ee ugu horreeya, in kasta oo xaaladaha qaarkood ay sii jiri karaan muddo dheer. Haweenka qaarkood waxay leeyihiin astaamo aad u daran, gaar ahaan haddii:
ay horay u soo mareen xaaladan: ama
ay uurka ku wadaan mataano ama seddex cunug; ama
xaalad naadir ah oo loo yaqaan ‘uurka molar’.
Mararka qaarkood, astaamaha lallabbada iyo matagga waxaa sabab u ah infekshanka mindhicirkaaga, kelyahaaga ama xubinka ‘appendixka’, ama caloosha xanuun. Waa muhiim in sababahan kale la fiiriyo gaar ahaan haddii aad leedahay astaamo aan dabiici ahayn sida qandho, dhiig ku jira matagga, calool xanuun, ama saxaro dabacsan. Waa muhiim in la tixgeliyo sababahan kale haddii astaamahaagu ay bilaabmaan ka dib toddobaadkaaga 11aad ee uurka.
Waa maxay Hyperemesis Gravidarum (HG)?
Tani waa nooc aad u daran oo lallabbo iyo matag ah oo dhaca xilliga uurka, markaas oo aad fuuq-baxdo, lumiso miisaan aad u badan, oo natiijooyinka baaritaannada dhiigga aysan dabiici ahayn. Waxay saameyn ku yeelan kartaa 1 ilaa 3 ka mid ah 100kii haween ee uur leh ba. Haweenka xaaladdan qaba waxaa laga yaabaa inay u baahdaan in ay tagaan isbitaalka si ay u soo ceshadaan biyaha jirkooda ka lumay. Dumar badanakood HG waxay ka dhamaataa toddobaadka 20aad (5bilood) laakiin mararka qaarkood waxay socon kartaa ilaa dhamaadka uurka.Lalabbada iyo matagga uurka ayaa mararka qaar saameyn ku yeelan kara niyaddaada iyo dhammaan noolal maalmeedkaaga caadiga ah iyo nolosha gurigaaga. Haweenka qaarkood astaamahan waxay u noqon karaan kuwa aad u daran oo niyad jab ku rida waxayna u baahan yihiin taageero dheeri ah sida la talin xirfadeed. Haddii aad ogaato in dareenkaagu si joogto ah u niyad jabsanyahay markaa waa inaad caawimaad raadsataa oo aad la hadashaa dhakhtarkaaga, umulisadaada ama Kooxda Uurka Hore ee Deegaanka (EPU).
Daaweyn sidee ah ayaan u baahanahay?
Haweenka intooda ugu badan ee leh astaamaha fudud waxay awood u yeelan doonaan inay la tacaalaan astaamahooda. Waa inaad cuntaa qaddar yar had iyo jeer iskana ilaalisaa wixii cunno ah ama caraf ah ee kiciya astaamaha. Haweenka qaar waxay u arkaan cunista ama cabitaanka waxyaabaha leh sinjibiisha inay wax tar u leeyihiin. Daaweynta noocyada kale sida acupressure ama acupuncture sidoo kale way ku caawin karaan.Haddii tani aysan caawin, waa inaad aragtaa dhakhtarkaaga, kaasoo kuu qori doona daawada ka hortagga jirrada. Kuwani dhib u ma keenayaan uurka.Haddii astaamahaagu aysan degin inkasta oo aad qaadatay dawada afka laga qaato, oo aad leedahay mid ka mid ah astaamaha soo socda, waa inaad tagtaa waaxda Gurmadka Degdegga ee deegaankaaga ama aad la hadasho EPU-ga isbitaalka deegaankaaga:
Miisaan ayaad lumisay (luminta 5% ama in ka badan oo miisaankaaga uurka kahor ah waa halis).
Waxaad leedahay qandho, dhiig soo raaca matagga, calool xanuun, ama saxaro dabacsan.
Waxaad leedahay qandho, dhiig ku jira vo-gaaga Waxaad leedahay xaalad caafimaad oo kaaga baahan inaad qaadatid kiniinno aadan mar dambe qaadan karin matag tusaale ahaan dawooyinka suuxdinta.mit, calool xanuun, ama saxaro dabacsan.
Waxaad leedahay xaalad caafimaad sida dhibaato dhanka wadnaha ama dhibaataada kalyaha ama sonkorow.
Isbitaalka dhexdiisa, waxaa lagu siin doonaa cabitaanno aad ka qaadato faleembo iyo sidoo kale daawada ka hortagga jirrada iyada oo laguu soo mariyo faleembo ama cirbad. Haddii kuwan aysan ku caawin ka dib isticmaalka caadiga ah, corticosteroids ayaa lagu dari karaa daaweyntaada, sidoo kale waxaa laguu soo marin faleembo. Waxaa kale oo lagu siin karaa faleembooyin fiitamiin ah iyo cirbad khafiifisa dhiigga si loo yareeyo halista xinjirowga dhiigga. Waxa kale oo lagaa qaadi doonaa baadhitaano dhiig iyo kuwa kaadidaada si loo raadiyo jiritaanka infakshin iyo si loo arko sida aad u fuuq-baxday.Haddii aad ku fiicnaato kuwan, guriga waad aadi kartaa oo maalinta ku xigta waad soo noqon kartaa si aad u sii wado dawooyinka. Qaabkan waxaa la sii wadi karaa maalin kasta sidaa daraadeedna looga fogaado baahida loo qabo seexinta cisbitaalka. Laakiin haddii aad aad ugu xanuunsan tahay astaamahaaga, waxaa lagu seexin karaa cisbitaalka si loola socdo xaaladaada.Waxaa sidoo kale lagaa qaadi karaa iskaan hore oo aan degdegg ahayn si aad u hubiso haddii aad uurka ku wado mataamo, ama uurku yahay ‘molar’.