What to do if we argue?

Maxaa la sameeyaa haddii aan murano?

Angry looking couple stand apart from each other with their arms folded Labada waalidba waxaa laga yaabaa inay jir ahaan iyo maskax ahaanba u daataan dhalashada iyo toddobaadyada ugu horreeya nolosha cunuggooda. In midba midka kale kala hadlo sida uu dareemayo waa hab muhiim ah oo aad ku bilaabi karto inaad wax ka qabato qaar ka mid ah walaacyada waalidiinta cusub. Taageero ayaa la heli karaa haddii aad dareento in xiriirkaagu sii xumaanayo. Raac xiriiriyeyaasha la xiriira talooyinka is-caawinta. Haddii muranku uu u sii gudbo dabeecadaha xadgudubka ah, waxaad la hadli kartaa xirfadle ururada hoose si kalsooni leh: Womens aid Tel: 0808 2000 247 Mens advice line Tel: 0808 801 0327 Switchboard LGBT+ Helpline Tel: 0800 999 5428 Xadgudubka guriga ayaa ku dhici kara qof kasta waxaana lagu yaqaanaa inuu kordho waqtiyada walaaca.
What can we do if we argue?

How you might both feel after the baby is born?

Sidee labadiinaba dareemi kartaan ka dib markuu ilmuhu dhasho?

Couple sit on bed while the mother breastfeeds the baby and her partner watches Dhalashada ayaa badanaa noqon karta dareen weyn oo aan waqti badan ama feejignaan la siinin aabbanimada iyo waalidnimada. Inaad cunug hesho waxey wax ka beddashaa cilaaqaadka,keentaa mas’uuliyad keentaana saameyn dhaqaale oo weyn, iyadoo sidoo kale ay tahay waqti farxad aad u weyn leh. Marka lagu daro diiqadda dhalmada ee hooyooyinka cusub, hadda waxaa la fahamsan yahay in ilaa 10% aabayaasha/lammaaneyaasha cusub ay la kulmi karaan niyad jab ka dib dhalmada, marka haddii midkiin uu bilaabo inuu dareemo isbeddelo ku yimaada niyaddaada, la hadal qoyskaaga, asxaabtaada iyo GP-gaaga.