Disability and pregnancy

Naafanimada iyo uurka

Pregnant woman in wheelchair shopping in baby store Waaliddiinta iyo dadka dhawaan dhali raba ee leh baahiyo ama naafanimo dheeraad ah ayaa had iyo jeer si fiican ula qabsada wax qabadkooda guriga iyo shaqada, xiriirkooda iyo is-dhexgalka bey’ada ku xeeran. Laqabsashada uurka, dhalmada iyo waalidnimada laakiin waxay u baahan kartaa la qabsi dheeraad ah. Waxaa lagu qiyaasaa in ku dhawaad 10% waalidiinta ay leeyihiin xaalad caafimaad oo muddo dheer ah taasoo sababi karta naafanimo ama la qabsiga nolol maalmeedka. Adeegga dhalmada iyo adeegyada kale waxay la shaqeyn karaan waalidiinta si loo fududeeyo go’aan qaadashada shaqsiyeed, helitaan adeegyada oo siman iyo laqabsiga uurka ama dhalmada iyo waalidnimada.

Talooyin ku saabsan helitaanka taageerada aad u baahan tahay:

  • Soo sheeg baahiyahaaga dheeraadka ah markaad buuxineyso foomka gudbinta uurka oo ka hadal baahiyadan mar labaad markaad la kulanto umulisadaada.
  • Weydiiso in laguu xilsaaro umuliso la magacaabay ama inaad ka mid noqoto sii koox daryeel ah oo sii jiraty. Ogaanshaha umulisadaada waxay fududeyneysaa wada shaqeynta iyo qorsheynta shaqsiyeed ee ku saabsan baahiyahaaga.
  • Adigu khabiir baad ku tahay naftaada, markaa kala hadal umulisadaada wixii kaa caawin doona uurka, dhalmada iyo waalidnimada. La kaasho umulisadaada marka aad buuxineyso ‘Caafimaadka iyo samaqabka uurka ee daryeelka shakhsi ahaaneed iyo qorshaha taageerada’, adoo muujinaya baahida loo qabo isbedellada iyo marin u helka.
  • La xiriir kooxda ‘Health Needs Assessment’ oo micneheedu yahay ‘Qiimaynta Baahiyaha Caafimaadka’ haddii aad u baahan tahay qiimeynta gurigaaga, baahiyaha daryeelka ama faa’iidooyin kale.
  • La xiriir kooxda Naafanimada ee deegaanka si aad u hesho talo iyo qalab ku caawiya sidha sariirta ama derinta gariirta marka cunuga uu ooyo si aad uga digtoonaato, waa haddii maqalkaaga uu culusyahay.
  • Weydiiso inaad aragto daaweeye xirfad leh si aad u hesho talo dheeraad ah oo la-qabsi ah oo ku saabsan guriga iyo waalidnimada. La xiriir ‘Social Services Occupational Therapy’ oo micneheedu yahay kooxda Daaweynta Shaqada Bulshada ee deegaanka (si aad u hesho qalabka la-qabsiga iyo bedelida guriga) ama kooxaha Daaweynta Bulshada sidha dhaqan-celinta neerfaha ee xaaladaha gaarka ah sida ‘Multiple sclerosis’, istaroog ama ‘Functional Neurological Disorder’, ama iyada oo loo marayo ‘Learning Disability Team’ oo micneheedu yahay Kooxda Naafanimada Barashada’ ee bulshadaada. dhakhtarkaagu wuxuu kaa caawin karaa samaynta tixraacyadan.
  • Waxaad codsan kartaa waqtiyo ballan oo dheeri ah, gaadiid iyo marin u helis goob loogu talagalay ballamaha si loo fududeeyo baahiyahaaga ama qofka ku dareyeela.
  • Tixgeli haddii aad u baahatid in qof kula jooga ballamaha, sidha Turjubaanka Luqadda dhegoolaha ee Ingiriiska (BSL), qareen ama qaraabo ku dareyeela. Ka hadal cidda aad u baahan tahay in ay kula joogto inta lagu jiro joogitaanka bukaan-jiifka isbitaalka -eeyga dadka caawiya ama daryeele ama adeegga turjumaadda.
  • Ka hadal qaabka aad u jeceshahay isgaarsiinta sidha macluumaad yar yar, macluumaad e-mayl ah oo lagu taageerayo talo afka ah si loo xoojiyo xusuusta, daabacaadda farta waa weyn, ama aaladaha farsamada sidha app-ka saxiixida ama fariin maqal ah.
  • Weydii wixii ku saabsan marin u helka fasallada dhalmada ka hor. Turjumaanka BSL wuu kula joogi karaa haddii aad maqal la’aan tahay; macluumaadka sidoo kale waxaa loogu talagalay waalidiinta aragga waayay. Umulisadu waxay u qoondeyn kartaa waqti kalfadhiga shaqsiyeed si ay ugu shaqeyso baahiyahaaga.

Deegaanka:

  • Way fiicnaan kartaa in la codsado socdaal lagu tago goobaha dhalmada iyo kuwa dhalmada ka dib si aad u ogaado aagagaaga una garato halka looga baahan karo in wax laga badalo.
  • Kala hadal umulisadaada helitaanka barkadda dhalmada, musqulaha, qubeyska, sariiraha, iyo hal qol oo cunuga lagu daryeelo dhalmada ka dib si loo fududeeyo joogitaankaaga haddii loo baahdo.
  • Kala hadal umulisadaada iftiinka, codka ama dareenka heerkulka ama wixii la mid ah ee ka dhigaya la qabsiga deegaanka mid fudud.
  • Ka hadal sida ugu wanaagsan ee aad dhinaca u dhigi karto xilliga dhalmada haddii loo baahdo in wax la beddelo.

Fikirada ku saabsan daryeelka ilmaha:

  • Kala hadal umulisada deegaanka gurigaaga – sidha gudaha guriga iyo banaanka.
  • Aagga hurdada ee ilmaha – meel yar oo cunuga lagu rido oo sariirta lagu dhejiyo ma fududaanaysa in ilmaha aad gaadho habeenkii?
  • Qorshee qalabkaaga habeen iyo maalin – ka fikir sidii aad u heli lahayd hurdo aamin ah oo aad ku seexato qolkaaga jiifka iyo fadhiga.
  • Meesha carruurta dharka looga beddelo (tusaale, sariirta iyo qalabka) aagga maalintii ama habeenkii – si loo taageero ilaalinta tamarta.
  • Qaadida ilmaha – cunuga oo xidhan mara dhabarka lagu xiri karo ayaa kaa caawin kara inaad awood u yeelato inaad gacmahaaga wax kale u isticmaasho, ama kursi fudud oo guriga yaalla si aad ugu dhex kaxeyso ilmaha qolka.
  • Gaadiidka ilmaha – ma isticmaali doontaa gaadiidka dadweynaha, baabuur ama socod? Tixgeli baahiyahaaga markaad dooranayso kursiga dadka naafada. Miisaanka, fududeynta gelitaanka, isu keenida qalabka kursiga iyo keydinta ayaa ah waxyaabo ay tahay in laga fiirsado marka la dooranayo kursiga.
  • Quudinta dhallaanka – kala hadal umulisadaada. Tixgeli barkinta loogu talagalay quudinta ilmaha ee uu ilmuhu ku tiirsado. Tixgeli raaxadaada iyo qaabka fadhiga ama jiifka. Qaabkee ayaad u quudin cunuga? Ka fikir qaababka sidha isticmaalka hal gacan ama qalab xahiya dhalada. Weydii umulisadaada wixii ku saabsan aruurinta caanaha naaska inta lagu jiro xilliyada ugu dambeysa ee uurka haddii aad dareento inay tani waxtar u yeelan karto daboolida baahiyaha ilmaha maalmaha hore.
  • Haddii daalku walaac kugu hayo, umulisadaada ayaa kaala shaqeyn karta si ay kuu siiso talooyin sida hurdo marka ilmuhu seexdo, talooyinka ilaalinta tamarta sida qorshaynta, kala-soocidda iyo kala-mudnaanta waxa aad u baahan tahay inaad sameyso, dib u dhiga, ama wakiilinta si aad u suurta galiso daryeelkaaga iyo daboolida baahiyaha dhallaankaaga.
  • La hadal daryeelayaashaada ama qoyskaaga si aad u hubiso sida ay kuu caawin karaan. Qorshee inta aad uurka leedahay si aad diyaar u noqoto marka ilmuhu yimaado. Kala hadal umulisadaada halka ay ka jirto taageero xaddidan  si aad u sahamiso adeegyada kale ee aad heli karto.