Sidee labadiinaba dareemi kartaan ka dib markuu ilmuhu dhasho?
Dhalashada ayaa badanaa noqon karta dareen weyn oo aan waqti badan ama feejignaan la siinin aabbanimada iyo waalidnimada. Inaad cunug hesho waxey wax ka beddashaa cilaaqaadka,keentaa mas’uuliyad keentaana saameyn dhaqaale oo weyn, iyadoo sidoo kale ay tahay waqti farxad aad u weyn leh.Marka lagu daro diiqadda dhalmada ee hooyooyinka cusub, hadda waxaa la fahamsan yahay in ilaa 10% aabayaasha/lammaaneyaasha cusub ay la kulmi karaan niyad jab ka dib dhalmada, marka haddii midkiin uu bilaabo inuu dareemo isbeddelo ku yimaada niyaddaada, la hadal qoyskaaga, asxaabtaada iyo GP-gaaga.