Ilmuhu waxay wax ka bartaan dadka waaweyn isla marka ay dhashaan. Da’daan marka uu jiro, ilmahaagu wuu jeclaan doonaa markaad u sheekayso, ciyaarsiiso, u heesto, ama aad wax u akhriso, inkastoo markay aad u yar yihiin ay wax walba fahmeyn.
U sheekee
Ilmahaagu wuxuu bilaabayaa inuu isku dayo inuu kula xiriiro laga bilaabo maalinta koowaad. Waxaad ku tababaran kartaa wada xiriirka si aad u dhisto xiriirkiina oo aad uga caawiso koritaanka. Ilmahaagu wuxuu jecel yahay inuu maqlo codkaaga, sidaa darteed sheekaysiga yar yar ee mar walba ah ayaa ka farxin doona.
Ciyaarsii
Ilmahaagu wuxuu bilaabayaa inuu adduunka kala barto asagoo isticmaalaya dhaqdhaqaaqa, aragtida iyo dhawaaqyada. Ciyaartu waxay ka caawineysaa cunuggaaga inuu sii xoogeysto, isku-duubnaan badan sameeyo oo uu barto waxyaabo cusub.
U hees
Ilmaha ay si joogta ah ugu heesaan waalidiinta iyo daryeelayaashu waxay bartaan inay si fudud u hadlaan. Waxay leeyihiin ereyo badan oo ay ku hadlaan, waxayna leeyihiin kalsooni iyo hal abuur badan. Ilmuhu waxay jecel yihiin maqalka heesaha waalidiinta marar badan.
U akhri
U akhrinta dhallaankaagu waxay leedahay faa’iidooyin badan muddo dheer kahor inta aysan akhrin ama fahmin ereyada. Codkaagu wuxuu kiciyaa maskaxdooda wuuna u roon yahay iyaga.
Waxa la filan karo lix bilood kadib
Ilmuhu waxay ku koraan heerar kala duwan. Si kastaba ha noqotee, fahamka waxa caadiga ahi wuxuu kaa caawinayaa inaad si cad u ogaato dhibaatooyinka hadalka iyo luqadda goor hore. Marka ay lix bilood gaaraan, carruurtu badanaa waxay:
U jeedsadaan dhanka codka markay wax maqlaan.
Ka argagaxaan dhawaaqyada codka dheer.
Wejigaagay fiiriyaan markaad la hadlaysid.
Aqoonsadaan codkaaga.
Qoslaan oo dhoola cadeeyaan markay dadka kale dhoola cadeeyaan ama qoslaan.
Isku dayaan dhawaaqyo hadal u eg.
Isku dayaan dhawaaqyo, si ay kuu soo jeediyaan ama kuu baraarujiyaan.
Leeyihiin oohin kala duwan hadba baahiyaha ay muujinaayaan. Tusaale ahaan, oohin u gaar ah gaajada, mid kale oo u gaar ah daalka.