Caawinta ilmaha dhiciska ah si uu u koro
Inaad dhasho ilmo dhicis ah waa bilowga safar dheer oo dhib bada. Waxay u noqon kartaa waqti aad u walaac badan qoyskaaga oo dhan. Koritaanka Ilmaha dhiciska ah wuxuu ku dhacaa isla sidii uu ugu dhex kori lahaa ilmo galeenka. Markuu ilmahaagu gaaro marxalad gaar ah, oo la xiriirta dhanka caafimaadka iyo horumarka, waad awoodi doontaa inaad guriga u kexeysatid.
Ilmaha oo dhami way kala duwan yihiin, dhaqankooda iyo horumarkooda sidoo kale wuu kala duwan yihiin. Dhanka Ilmaha dhiciska ah, kala duwanaanshaha wuxuu la xiriira goorta ay dhasheen.
Hoos waxaa ku yaal isbeddelo aad filan karto oo aad ka fiirin karto cunuggaaga dhiciska ah iyo waxaad sameyn karto si aad uga caawiso horumarkooda.
|
23 ilaa 27 toddobaad ee uurka |
|
| Toddobaadyada uurka/Baahiyo | Waxa aad sameyn karto si aad u caawiso |
|---|---|
| 23 toddobaad: Indhaha ayaa xiran. Dhaqdhaqaaq yar. | Weydii kalkaaliyaha caafimaad ee cunuggaaga inuu ku tuso sida aad u taaban karto cunuggaaga. Isbar buugga qoyska ee BLISS.|
| 24 toddobaad: Maqaarka ilmahaagu waa mid aad u khafiifsan oo laga dhex arki karo gudaha. | Si deggan ula hadal cunuggaaga waayo way ku maqli karaan. |
| 25 toddobaad: Jirka ilmahaagu wuu dhuuban yahay. Gacmihiisa iyo lugihiisa waa daciif. Ilmahaagu wali ma qabo cad wanaagsan oo muruq ah. | Weydii kalkaalisada caafimaad ee cunuggaaga sida loo hayo oo loo qaado dhallaankaaga. Uga tag cunugga maro yar oo caraftaada leh. |
| 26 toddobaad:Indhaha ilmahaagu waxay bilaabi doonaan inay furmaan laakiin weli wax si fiican uma arkaan. Ilmahaagu aad buu u seexan doonaa. Qeybta maskaxda ee neefsashada keenta wali si buuxda uma horumarin, sidaa darteed cabaar buu joogsan karaa inta u dhexeeya neefsashada. | Iftiinka nalalka hoos u dhig. Ka ilaali indhaha canuggaaga iftiin saaid ah si ay ugu suurtogasho inuu isku dayo in uu furo indhaha. |
| 27 toddobaad: Ilmahaagu wuxuu ka nixi karaa dhawaaqyada codka dheer. | Iska ilaali dhawaaqyada lama filaanka ah. Xusuusnow boosaska iyo qaababka haboon. |
|
28 ilaa 32 toddobaad ee uurka |
||
| Toddobaadyada uurka/Baahiyo | Waxa aad sameyn karto si aad u caawiso | |
|---|---|---|
| 28 toddobaad: Dhaqdhaqaaqa ilmahaagu wuxuu noqon karaa mid kadis ah. Ku qabashada gacanta iyo nuugista ayaa soo muuqda laakiin waa dhaqdhaqaaqyo daciif ah. | Weydii kalkaalisada in aad qaadi karto oo taabsiin karto jirkaaga (xanaanada kangaroo). U oggolow ilmahaagu inuu si tartiib ah fartaada u hayo. Ilmahaagu wuxuu qaadan karaa aalad aan la cuni karin. | |
| 29 toddobaad: Awoodda maqalka iyo urinta ayaa u oggolaaneysa cunuggaaga inuu ku aqoonsado. | Si tartiib ah oo hoos ah ula hadal cunuggaaga markaad booqaneyso. Waxaad jeclaan kartaa inaad u akhrido sheekooyin gaagaaban, ama aad u heesto cunuggaaga. | |
| 30 toddobaad: Ilmahaagu wuxuu leeyahay waqtiyo feejignaan iyo hurdo. Wuu ku aqoonsan karaa xilligan. | Isku day inaad u fiirsato muddooyinka soo jeedka ee dhallaankaaga, si aad ugu oggolaato inuu ku eego. | |
| 31 toddobaad: Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inay indhihiisa furnaadaan muddo dheer. | Wejigaaga gadaal iyo hor u dhaqaaji ilmahaaguna wuu raaci karaa wajigaaga iyo indhahaaga.||
| 32 toddobaad: Ilmahaagu wuxuu aad u daneyn doonaa nuugista wuxuuna u muuqan karaa inuu nuugayo tuubada quudinta. | Sii quudin aan nafaqo lahayn adigoo isticmaalaaya tuubbo. Kala hadal kalkaaliyaha caafimaad ee cunuggaaga wixii ku saabsan quudinta koobka haddii ay habboon tahay. |
|
33 ilaa 37 toddobaad ee uurka |
|
| Toddobaadyada uurka/Baahiyo | Waxa aad sameyn karto si aad u caawiso |
|---|---|
| 33 toddobaad: Waxaa jira wareegyo soo jeed iyo hurdo oo cad cad. Ilmahaagu wuxuu ku dhex wareegayaa sariirta iyo weelka wax badan. | Sii jawi deggan waqtiga quudinta si aad ugu suurtogaliso cunuggaaga inuu xoogga saaro nuugista, liqidda iyo neefsashada. |
| 34 toddobaad: Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inuu nuugo gacmaha iyo aaladaha nafaqada aan laheyn. | Sii naaska, ama bilow inaad isticmaasho dhalooyin iyo misaasado kuu gaar ah. Si deggan u hay cunuggaaga halkii aad ruxi lahayd si aad ugu suurta galiso inay si tartiib tartiib ah ula qabsadaan isbeddelada booska. |
| 35 toddobaad: Ilmahaagu wuu toosi karaa markuu gaajoodo, wuuna ooyi karaa marka xafaayada ay qoyan tahay ama wasakheysan tahay. | U oggolow ilmahaagu inuu wejigaaga fiiriyo. Ku hadal ama ku hees cod jilicsan inta ilmahaagu hurdo fudud ku jiro. |
| 36 toddobaad: Ilmahaagu wuxuu yeelan karaa hurdo iyo soo jeed kala duwan. Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inuu doonayo in la qabto marar badan oo jirka lagu dhejiyo. | Codadka waalidiinta, caraftooda iyo wajigooda aad ayey muhiim u yihiin. |
| 37 toddobaad: Ilmahaagu culeyskiisa ayaa ku darsami oo dhabannada ayaa buuxsami. | Waqti badan ku bixi inta aad kari karto cunuggaaga. Haddii aadan ka hadlin ama aadan diyaarin joogitaan habeen ah, tani waa waqti ku habboon in aad isudiiwaangeliso. Weydii kooxda wixii ku saabsan tababarka dib u soo kicinta. |
37 toddobaad wixii ka dambeeya
Hadii ilmahaagu caafimaad qabo, hadda waa waqtigii la bilaabi lahaa dhisida waxa adiga iyo ilmahaagu aad qaban jirteen laga soo billaabo 35 toddobaad. Ilmahaagu waa inuu miisaankiisa si fiican ugu darsamaayo, oo heerkulkiisana aanu isbeddeleynin marka uu ku jiro sariir furan, naaska ama dhaladana uu nuugi karo.- Soco socod gaaban oo aad la qaadatid cunuggaaga iskuna day waqti gaaban oo aad la qaadatid cunuggaaga adigoo saaran kursiga la ligligo.
- Adeegso alaabo badan oo is-dhexgal iyo muuqaal ah oo aad ku ciyaarsiiso.
- Kala hadal kooxda dhallaanka qaab dhismeedka maalinta cunuggaaga oo u kala qeybi maalin/habeen/waqti qubeys/waqti ciyaar.
- Hubso in gurigaagu diyaar u yahay inaad cisbitaalka ka soo baxdo.
- Hubso in Buugga Cas ee Ilmaha (Buugga Diiwaanka Caafimaadka Ilmaha ee Shaqsiyeed) la dhammaystiray ka hor inta aan laga soo bixin cusbitaalka.
