Commonly used medicines during pregnancy

Dawooyinka badanaa la isticmaalo inta uurka la leeyahay

1. xanuun baabi’yeyaasha

a) Barasitamol (kiniinyada 500mg)

Maxaa loo isticmaalaa? Barasitamol waa xanuun baabi’ye badanaa la isticmaalo xilliga uurka. Wuxuu u shaqeeyaa qaabka yareynta xanuunka iyo yareynta heerkulka sare. Wuxuu joojin karaa xanuunka yar ama midka dhexdhexaadka ah, sida madax xanuun, ilko xanuun, cuno xanuun, lafa xanuun, astaamaha hargabka iyo qandhadha. Sideen u qaataa? Si joogto ah ayaa loo qaadan karaa ama markii loo baahdo xanuun awgiis. Qiyaasta: Dadka waaweyn iyo dhalinyarada da’doodu tahay 12 iyo wixii ka weyn: waxay qaataan 2 kiniini ilaa 4 jeer maalintii, hadba sida loogu baahdo. Kiniiniyada waa in lagu dejiyaa biyo. Isticmaal kaliya inta aad u baahan tahay si aad u yareyso astaamaha, ugu yaraan 4 saacadoodna u dhexeysii isticmaal walba. Ha qaadan wax ka badan 8 kiniini 23 saacadood gudahood. Waa maxay waxyeelooyinka? Barasitamol guud ahaan si wanaagsan ayuu ugu dulqaataa jirka dadka badankood. Ma la isticmaali karaa xilliga uurka? Barasitamol badanaa waa la isticmaalaa inta uurka la leeyahay.

b) Co-dydramol

Maxaa loo isticmaalaa? Co-dydramol (10/500 10mg dihydrocodeine iyo 500mg paracetamol) waa isku darka barasitamol iyo dihydrocodeine. Dihydrocodeine way ka xoog badan tahay barasitamol waxaana loo isticmaalaa jabinta xanuunka fudud ama dhexdhexaadka ah. Sideen u qaataa? Qiyaasta: Co-dydramol 1 ilaa 2 kiniini 6dii saacba markii loo baahdo, ugu badnaanna 4 jeer maalintii. Ha qaadan wax ka badan 8 kiniini 24 saacadood gudahood. Waxaan kugula talineynaa inaad yareyso xanuun baabi’yeyaasha oo aad kiniiniyadan ku beddesho barasitamol sida ugu dhaqsaha badan taas oo badanaa ah wixii 3 ilaa 4 maalmood ka dambeeya. Maaddaama kiniinadani ay wataan barasitamol waa inaadan qaadan kiniini kale oo barasitamol ah isku waqti. Ha cabbin khamriga inta aad qaadaneyso co-dydramol. Waa maxay waxyeelooyinka? Waxyeelooyinka ugu badan ee dihydrocodeine waa hurdo la’aan, calool fadhi, xanuun ama afka oo qallalan. Waxaa lagugula talin karaa inaad qaadato calool jilciye haddii aad calool fadhi isku aragto adigoo qaadanaya co-dydramol. Ma aaminbaa in la isticmaalo inta uurka la leeyahay? Adeegsiga dihydrocodeine inta lagu guda jiro uurka oo xanuun baabi’ye ahaan loo qaato waa caadi hadii barasitamol waxba uu tari waayey. Isticmaal qiyaasta ugu yar ee wax ku oolka ah iyo xilliga ugu yar ee surogalka ah. Haddii aad jeclaan lahayd macluumaad dheeri ah oo ku saabsan isticmaalka dihydrocodeine xilliga uurka, fadlan kala hadal umulisadaada/dhakhtarkaaga.

2. Ferrous Sulphate (birta cunnada)

Maxaa loo isticmaalaa? Kaabista birta cunnada waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo yaraanta birta jirka. Marka jirku uusan helin bir ku filan, ma soo saari karo tirada unugyada dhiigga cas ee caadiga ah ee loo baahan yahay si ay caafimaadkaaga u wanaajiyaan. Waa wax caadi u ah haweenka uurka leh ama hadda dhalay inay xaaladdan maraan. Daawooyinkaani waxay u shaqeeyaan iyagoo badalaya birta jirka. Birta waa macdan uu jirku u baahan yahay si uu u soo saaro unugyada dhiigga cas. Sideen u qaataa? Ku laq kiniiniyada biyo. In kasta oo macdanta birta uu jirku si fiican u nuugo marka calooshu madhan tahay, waxaa laga yaabaa in la qaato cuntada ka dib si loo yareeyo saameynta ay caloosha ku yeelan karto. Macdanta birta waa inaan la isticmaalin hal saac kahor ama laba saacadood kadib cunista ama cabitaanka waxyaabaha soo socda: shaah, qaxwo, caano, ukunta iyo badarka. Cunooyinkani waxay yareyn karaan nuugista birta. Qiyaasta: Kiniiniyada Ferrous sulphate 200 mg Daaweynta yaraanta birta: 1 kiniin 2 ilaa 3 jeer maalintii. Ka hortagga yaraanta birta: 1 kiniin maalintii. Waa maxay waxyeelooyinka? Sida dawooyinka oo dhan, kiniiniyada ‘ferrous sulphate’-ka waxay sababi karaan waxyeelo, kuwa ugu caansan waxyeeladanna waa calool fadhiga, shuban, calool xanuun, dareen xanuun oo guud iyo saxarada oo madowaata. Ma la isticmaali karaa xilliga uurka? Kiniiniyada loo yaqaan ‘Ferrous sulphate’ waxaa badanaa loo isticmaalaa si badqab leh xilliga uurka. Hubso inaadan qaadan wax ka badan qiyaasta lagu taliyay. Haddii aadan u dulqaadan karin kiniiniyadan, waxaa la heli karaa beddel kale oo loo yaqaan ferrous fumarate. Tan waxaa la heli karaa iyadoo ah sidii dareere ama kiniinno. Saameyn isku mid ah iyo macluumaadka badbaadada kor ku xusan ayaa loo adeegsadaa sida ferrous sulphate-ka.

3. Daawooyinka calool fadhiga

Maxaa loo isticmaalaa? Waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo calool fadhiga. Haweenka uurka leh waxay la kulmi karaan calool fadhiga, oo noqon kara mid dhib badan. Tani waa sababta oo ah nidaamka dheef-shiidka oo dhan waxaa saameeya isbeddelada hormoonnada inta lagu jiro uurka. Waa muhiim in haweenka uurka leh ay ka taxaddaraan cunnadooda oo ay ku dadaalaan tagitaanka musqusha si looga fogaado calool fadhi aan loo baahnayn. Maxaan kale oo aan sameyn karaa si aan uga hortago calool fadhi? Tilmaamaha soo socdaa waxay gacan ka geysanayaan joogtaynta gelitaanka musqusha ee caadiga ah:
  • Cun cuntooyinka ay ku jiraan fiber-ka, tusaale ahaan rootiga , furuudka iyo khudradda.
  • Cab cabitaanno kugu filan, gaar ahaan biyaha.
  • Samee jimicsi joogto ah.
Daawooyinkan ayaa laguu qori karaa inta aad uurka leedahay. Haddii aad u maleynaysid inaad u baahantahay daawooyinka, lahadal umulisadaada ama dhaqtarkaaga. Ma aha dhammaan waxyaabaha caloosha jilciya ee aad iibsan karto inay ku habboon yihiin isticmaalka uurka. Waa maxay waxyeelooyinka? Waxyeelooyinka caadiga ah ee daawooyinka caloosha jilciya waxaa ka mid ah dareemida calool xanuun, neefta gadaal ka soo baxda oo koradha iyo calool xanuun fudud. Calool jilciyeyaasha badanaa la isticmaalo xilliga uurka/dhalmada kadib waxaa ka mid ah:

a) Lactulose

Lactulose waa calool jilciye dareera ah oo loo isticmaalo daaweynta iyo ka hortagga calool fadhiga. Lactulose waxay qaadan kartaa 2 ilaa 3 maalmood si ay saameyn u yeelato; guud ahaan waxaa loo arkaa inay tahay calool jiliciye fudud. Qiyaasta: Badanaa 10 mls laba jeer maalintii. Waa in si joogto ah loo qaataa si saameyn loo arko.

b) Fybogel (Ispaghula husk)

Fybogel waa cabitaan ‘fiber’ sareeya leh oo ka shaqeeya kordhinta fiberka cuntadaada. Fiberka oo ku kordha cuntada ayaa ka caawiya inuu si tartiib ah u yareeyo calool fadhiga. Fybogel waxaa loo arkaa inuu yahay calool jiliciye fudud. Waa muhiim in la ilaaliyo qaadashada cabitaanno kugu filan inta la isticmaalayo Fybogel. Qiyaasta: Qiyaasta caadiga ah waa hal baako oo lagu qasay galaas biyo ah, oo la isticmaalo illaa laba jeer maalin kasta. Ma aaminbaa in la isticmaalo Lactulose ama Fybogel inta uurka la leeyahay? Lactulose iyo Fybogel dhiigga ma galaan waxayna kaliya saameyn ku leeyihiin mindhicirka. Labada dawo guud ahaanba waxaa loo arkaa inay amaan yihiin in la isticmaalo xilliga uurka iyo naasnuujinta, iyadoo la raacayo talada umulisada ama dhakhtarka.

4. Ka hortagga xinjirowga dhiigga

Enoxaparin (oo sidoo kale loo yaqaan Clexane) waxaa loo isticmaalaa in looga hortago xinjirooyinka dhiigga. Xinjirta dhiigga badanaa waxay u muuqdaan sida cudurka dhiig xinjirowga qotoda dheer (DVT) sida caadiga ahna waxaa lagu arkaa xididka lugta, ama xididada sambabada (PE) oo ay xinjir fariisato. Dhiigxinjirooyinka dhiigga ayaa aad ugu badan inta uurka la leeyahay dumarka, qaarna waxay halis sare ugu jiraan cilladan marka loo eego kuwa kale. Waxyaabaha halista ah ee kuu sababi kara samaynta xinjirowga dhiigga waxaa lagu baari doonaa xilliga booqashada ballantaada iyo haddii lagu seexiyo isbitaalka. Marka laga soo tago ka hortagga, enoxaparin waxaa sidoo kale loo isticmaalaa daaweynta DVT iyo PE (qiyaas sare). Sidee loo isticmaalaa enoxaparin inta uurka la leeyahay? Inta lagu jiro xilliga dhalmada ka hor, umulisadaada ama takhtarka dhalmada ayaa qiimeyn doona halista aad ugu jirto inaad qaado cudurka DVT ama PE. Waxay eegi doonaan taariikhdaadii hore iyo qodobo kale oo khatar ah oo jiri kara. Dhakhtarkaaga uurka ayaa markaa go’aan ka gaari doona haddii aad u baahan tahay enoxaparin inta aad uurka leedahay, iyo qiyaasta aad qaadan karto. Ma aaminbaa in la isticmaalo inta uurka la leeyahay? Enoxaparin waxaa lagu durayaa maqaarka gudihiisa. Waxaa badanaa lagu duraa maqaarka laabtiisa ee caloosha ama qaybta sare ee bowdadaada. Haddii tani aysan habboonayn, waxaa lagugula talin karaa in aad isaga durto goob kale. Waa inaan lagu durin muruqyadaada. Waxaa lagu siin karaa hal ama laba jeer maalin kasta. Waa inaad ilaalisaa oo aad qaadataa daawada waqtiga uu takhtarkaagu kugula taliyay. Sida loo duro Enoxaparin (Clexane) Waxaad awood u yeelan doontaa inaad isku durto enoxaparin mar haddii takhtarkaaga ama umulisadaada ay ku tusaan sida loo sameeyo, ama adoo raacaya waraaqda tilmaamaha ee lagu siin doono marka aad isbitaalka ka soo baxdo. Waa hab fudud oo aad guriga ku sameyn karto. Raac tillaabooyinkan:
  • Dhaq oo qalaji gacmahaaga.
  • Nadiifi goobta duritaanka. Haddii qof kale kuu sameynayo waxaa lagugula talinayaa inay xirtaan galoofyada (gacmo gashi).
  • Ka xulo goobta duritaanka dhinaca banaanka ee bowdadaada bidix ama midig ama calooshaada haddii lagula taliyo inaad sidaas sameyso. Waa muhiim inaad bedesho goobta mar kasta. Haddii uu jiro wax dhiig ah oo ka soo baxaaya goobta la duray, si jilicsan cadaadis u saar. Ha xoqin maxaa yeelay tani waxay sababi kartaa nabarro.
  • Ku tuur irbada sanduuqa jaalaha ah ee lagu siiyay. Sanduuqan waa in laga ilaaliyaa meel ay dadka kale gaari karaan.
Waxaa soo saaray farmashiistayaasha Chelsea iyo Westminster Hospital NHS Foundation Trust waxaana la adeegsaday rukhsad kadib.

Medications

Daawooyinka

Open pill bottle spilling contents onto tabletop Haddii aad dawooyin u qaadatid xaalad kasta oo muddo dheer ah, ha joojin qaadashada hana beddelin qiyaasta adigoon marka hore la hadlin GP-gaaga. Haddii aadan hubin badbaadada daawooyinka qaarkood, la hadal GP-gaaga ama farmashiistaha maxalliga ah. Daawooyin badan ayaa amaan ah marka la naasnuujinayo laakiin la hadal GP-gaaga kaasoo xaqiijin kara ama kugula talin kara bedel aamin ah. GP-gaaga wuxuu ku siin karaa foom saxiixan oo loogu talagalay shahaadada ka-dhaafka hooyonimada. Tani waxay kuu oggolaaneysaa inaad lacag ka siiso dawooyinka NHS-ta illaa hal sano dhalashada cunuggaaga.
Portal: Medications related links