Antibiotics for newborn baby

Antibiyootigyada la siiyo ilmaha yar

Glycemia test being performed on newborn baby

Halis infekshin oo la yaqaan

Haddii aad ku qaadatay antibiyootig foosha sababta kaliyana ay tahay halista la ogyahay ee cudurka GBS, waxaa la joojin doonaa waqtiga dhalmada. 12 illa 24 saacadood dhalmada ka dib, kooxdaadu waxay kormeeri doontaa caafimaadkaaga adiga iyo ilmaha si loo ogaado halis iyo walaac walba, oo ay ku jiraan calaamadaha caabuqa. Korjoogteynta ayaa ujeedadeedu tahay in lagu garto astaamaha digniinta ee hore. Xaga cunuga, tan waxaa ku jiri doona qiimeyn guud iyo cabir joogto ah oo garaaca wadnaha, heerka neefsashada, midabka, heerkulka iyo quudinta. Ilmuhu wuxuu ku la joogi doonaa hooyada rugta loogu talagalay dhalmada ka dib.

Calaamadaha infekshan suurtagal ah

Xilliga dhalmada, dhaqtarka cunugga wuxuu dib u eegi doonaa halista cunuggaaga ee cudurka iyadoo lagu saleynayo arrimo ay ka mid yihiin caabuqyada astaamahaaga, habka fooshaada iyo qiimeynta cunuggaaga. Ilmahaaga si dhow ayaa loo la socon doonaa oo wuxuu yeelan doonaa baaritaan joogto ah oo garaaca wadnaha, heerka neefsashada, midabka, heerkulka iyo quudinta ugu yaraan 12 saacadood. Iyada oo ku xidhan halista infekshinka, ilmahaagu wuxuu u baahan karaa in laga baaro dhiigga si loo raadiyo caabuq oo lagu bilaabo antibiyootig. Xaaladdan oo kale, dhakhaatiirta dhallaanka waxay kaga duri doonaan cirbad yar gacanta canuggaaga ama cagtiisa si ay u qaadaan dhiigga si ay u tijaabiyaan oo ay antibiyootigyada si toos ah ugu shubaan xididka. Haddii loo baahdo antibiyootig, ilmahaagu waxaa la siin doonaa kuwan laba jeer maalintii iyada oo loo marayo tuubo yar oo gacanta ama cagta loo galiyo, shaqaalaha waadhka ayaana sii wadi doona inay si dhow ula socdaan cunuggaaga sidii hore. Ilmahaagu wuu kugula joogi karaa qaybta dhalmada ka dib wakhtigan. Haddii ay jiraan walaacyo dheeraad ah, ilmahaagu wuxuu u baahan karaa in la dhigo rugta dhallaanka si loogu suurtageliyo korjoogteyn dhow, baaritaanno dheeri ah iyo daaweyn lagama maarmaan ah. Waxaad awoodi doontaa inaad booqato cunuggaaga.

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay antibiyootig?

Antibiyootigyada waxaa lagu bilaabaa dhallaanka lagu qiimeeyo inay aad ugu badan tahay halista cudurka. Tani waa sababta oo ah infekshanka ku dhaca dhallaanka wuxuu noqon karaa mid aad u daran haddii aan laga daaweyn iyo xitaa haddii ilmahaagu caafimaad leeyahay, si dhakhso ah ayuu ku xanuusan karaa. Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in antibiyootigyadu ay ka caawin karaan inuu ilmahaagu caafimaad qabo. Antibiyootigyada waa in si toos ah loogu shubaa qulqulka dhiigooda maadaama dhallaanka aysan awoodin inay ka soo qaataan xaddi ku filan oo antibiyootig ah mindhicirka. Waxaad awoodi doontaa inaad naasnuujiso cunuggaaga, shaqaalaha waadhkana way kaa taageeri doonaan xulashooyinkaaga quudinta. Waxaan rabnaa inaad ogaato inaysan jirin wax waxyeelo ah ama fal-celin xasaasiyadeed oo la xiriira isticmaalka antibiyootigyada dhallaanka cusub. Haddii aadan hubin sababta ilmahaagu ugu baahan yahay antibiyootig, fadlan weydii kooxda caafimaadka inay kuu sharxaan. In kasta oo ay tahay inaad taxaddar ku yeelatid tuubada ku jirta cunuga marka aad xambareyso cunuggaaga, waxaad awood u yeelan doontaa inaad sameyso qaaditaan caadi ah iyo naas nuujinta cunuggaaga.

Waa maxay baaritaannada ilmahaygu lagu samayn doono?

Haddii ilmahaagu u baahan yahay baaritaan ku saabsan infekshanka, dhowr baaritaan oo dhiig ayaa la qaadi doonaa, oo ay ku jiraan:
  • 1) CRP (borotiinka C-reactive), oo uu soo saaro jirkeenna isaga oo ka jawaabayo caabuq ama infekshin. CRP sare ayaa muujin kara jiritaanka infekshan jirka ku jira.
  • 2) Qadar ka mid ah dhiiga si loo ogaado haddii bakteeriyada ku soo badaneyso dhiigga. Natiijadan waxaa lagu heli karaa 36-48 saacadood gudahood baaritaanka ka dib.
18-24 saacadood ka dib dhalmada, baaritaanka CRP ayaa lagu celin doonaa iyadoo laga soo uruurinayo qaddar yar oo dhiig ah ciribta. Haddii marxalad kasta caafimaadka ilmahaagu ama natiijooyinka midkoodna ay walaac keenaan, waxay u baahan karaan baaritaanno dheeri ah sida raajada feeraha iyo/ama cirbad dhabarka ah si ay u ogaadaan goobta infekshinka waxayna u baahan doonaan koorso dheer oo antibiyootig ah. Dhakhaatiirta dhallaanka ayaa kaala hadli doona tan.

Mudo intee le’eg ayuu ilmahaygu u baahan doonaa antibiyootig?

Dhererka waqtiga ilmahaagu u baahan yahay antibiyootig waxay ku xirnaan doontaa sida xaalada ilmahaagu ay tahay iyo waxa natiijooyinka ay muujinayaan. Haddii ilmahaagu caafimaad qabo, CRP-na aysan sarreyn, dhiiguna bakteeriyada aysan ku kordhin, antibiyootigyada ayaa sida caadiga ah la joojin karaa 36-48 saacadood ka dib. Koorso dheer oo antibiyootig ah ayaa loo baahan karaa haddii uu jiro wax walaac ah.

Goorma ayaan guriga ku laaban karnaa?

Xilliga dhalmada, way adag tahay in la ogaado goorta adiga iyo ilmahaagu aad guriga tagi kartaan. 36-48 saacadood ka dib, dhakhaatiirtu waxay qiyaasi karaan muddada daaweynta loo baahan yahay. Kooxdaadu waxay sii wadi doonaan inay adiga iyo cunuggaaga kula socdaan maalin kasta ilaa ay ka dareemayaan inaad labadiinuba ku wanaagsan tihiin inaad guriga tagtaan. Marka laga soo baxo isbitaalka, waxaad heli doontaa macluumaad qoraal ah oo ku saabsan daaweynta caafimaad ee lagu siiyay xilliga aad isbitaalka ku jirtay. Waxaad tan la wadaagi kartaa umulisadaada bulshada iyo booqdaha caafimaadka. Dhakhtarkaaga guud ayaa loo diri doonaa macluumaadkan.

Tilmaamaha ku saabsan uurka xiga haddii adiga ama cunuggaaga lagaa helo GBS

Haddii aad mar kale uur yeelato, fadlan u sheeg kooxda daryeelka hooyada ee ku daryeesha natiijada GBS, si ay kuu siiyaan antibiyootig xilliga foosha si loo yareeyo halista bilowga cudurka GBS ee ilmaha.

Maxaan sameeyaa haddii aan walwal qabo?

Daryeelka hooyada ee joogtada ah waxaa bixiya umulisooyinka bulshada, kuwaas oo ku nool halka aad ku sugnaan doonto ka dib marka laga soo baxo isbitaalka. Umulisada bulshada ayaa kula soo xiriiri doonta 24-48 saacadood gudahood markii aad guriga tagtid. Waxay ku caawin doonaan adiga iyo cunuggaaga. Haddii aad qabtid wax walaac deg deg ah oo ku saabsan caafimaadkaaga adiga ama cunuggaaga, fadlan talo caafimaad ka raadso dhakhtarkaaga guud, NHS 111, 999 ama ka qeybgal waaxda Shilalka iyo Xaaladaha Degdegga ee deegaankaaga. Dhanka cunuga, Walaacyadan waxaa ka mid noqon kara cunugga oo muujiya dabeecad aan caadi ahayn (tusaale ahaan, oohin aan dhamaan, ama taxadar la’aan), si aan caadi ahayn u jilicsan, heerkul aan caadi ahayn oo aan la xiriirin heerkululka hawada xilligaas, (oo ka hooseeya 36 ama ka badan 38 ) neefsashada aan caadiga ahayn (neefsashada degdega ah, neefsashada oo ku adkaata) ama midabka maqaarka oo isbdela (tusaale ahaan ilmuhu wuxuu noqon karaa mid midankiisu baaba’ noqdo, buluug/cawlan ama jaalle madow) ama ay ku soo kordheen dhibaatooyin cusub xagga quudinta.