Waxaa laguugu yeeri doonaa si isdaba joog ah rugta sonkorowga iyo rugta uurka. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad isbeddelo ku sameyso cuntadaada oo aad kordhiso waxqabadkaaga jirka. Isbedeladaan qaab nololeedka waxay gacan ka geysan doonaan yareynta heerka sonkorta dhiiggaaga.
Baaritaanno nocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?
Waxaa lagu tusi doonaa sida loo hubiyo heerarka sonkorta dhiiggaaga oo loo sheego waxa heerarka dhiiggaaga bartilmaameedka ay noqon doonaan. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad cabbirto heerarka sonkorta dhiiggaaga afar jeer maalintii, hal jeer quraacda ka hor(adigoo gaajeysan) iyo hal saac cuntada ka dib. Waxaad u baahan doontaa inaad tan sameyso maalin kasta ilaa aad ka umusho cunuggaaga.
Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?
GDM caadiyan ma laha wax astaamo ah. Haddii heerka sonkorta dhiiggaagu sareyo waxaad dareemi kartaa inaad rabto inaad kaadiso marar badan, daal badan ama cuncunka iyo dhacaanka ka yimaada xubinta taranka.
Waa maxay astaamaha ama walaacyada halista ah oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh loo soo sheego?
Haddii aad dareento caafimaad darro ama ilmahaagu uu dhaqdhaqaaqiisa ka yaraado sidii caadiga ahayd.
Sidee loo soo jeediyaa talooyinka la xiriira xulashooyinka daaweynta?
Marka hore waxaa lagula talin doonaa isbeddelada cuntada oo haddii tani aysan kaa caawin waxaa lagu siin karaa metformin ama insulin. Daawooyinkaan oo dhami dhib ku malaha cunuggaaga.
Sidee loo soo jeediyaa talooyin ku saabsan waqtiga dhalmada?
Tani way isbeddeli kartaa iyadoo ay ku xiran tahay cabirka ilmaha iyo xakameynta sonkorta dhiiggaaga.
Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?
Waxaan kugula talin karnaa inaad umusho cunuggaaga kahor taariikhda foosha la filaayo.
Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?
Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?
GDM waxay kordhin kartaa halista aad ugu jirto cudurka sonkorowga uurka ee uurka mustaqbalka. Waa muhiim in si caafimaad leh wax loo cuno oo loo sameeyo jimicsi jireed joogto ah inta lagu jiro uurka, iyo in la sii wado uurka ka dib. Tani waxay yareyn doontaa halista.
Tani maxay ooga dhigan tahay mustaqbalkayga/caafimaadkayga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa?
GDM waxay kordhin kartaa halista aad ugu jirto cudurka sonkorowga Nooca 2 mustaqbalka. Waa muhiim in si caafimaad leh wax loo cuno oo loo sameeyo jimicsi jireed joogto ah inta lagu jiro uurka, iyo in la sii wado uurka ka dib. Tani waxay yareyn doontaa halista aad mustaqbalka ku yeelan karto cudurka sonkorowga ee Nooca 2aad. Waxaad u baahan doontaa inaad aragto dhakhtarkaaga sanad walba si aad u hubiso inaadan qaadin nooca 2aad ee sonkorowga ee loo yaqaano mellitus.
Xagee ka heli karaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladdan?