Deep vein thrombosis (DVT) and pulmonary embolism (PE)

Cudurka dhiig-xinjirowga dhiiga ee (DVT) iyo xannibaada xididada sambabaha (PE)

Woman's hand holding her leg below the knee

Ma waxaad halis dheeraad ah ugu jirtaa inaad yeelato xinjir dhiig ah?

Dhalmada ka dib, haweenku waxay halis yara sareeysa ugu jiraan inay yeeshaan xinjirowga dhiigga ee xididdada lugaha, oo loo yaqaan ‘deep vein thrombosis’ (DVT). Khatartan waxay korodhaa qiyaastii lix toddobaad ka dib dhalmada. Marar dhif ah, xinjirahan dhiiggu aad bey u weynaan karaa waxayna ku safri karaan jirka ilaa sambabada ay gaaraan. Tan waxaa loo yaqaan xannibaada xididada sambabada ama ‘pulmonary embolism’ (PE) waxayna noqon kartaa mid aad khatar u ah.

Astaamaha:

  • Xanuun/jilicsanaan dhanka lugta ee ka dambeysa jilibka ama kubka
  • Dareenka kulayl aagga ay dhibaatadu saameysey ama maqaarka oo midab cas noqda
  • Barar aagga ay dhibaatadu saameysey
  • Xannibaada xididada sambabada (PE) waxa laga yaabaa inay keento neefsashada oo yaraata iyo xanuun laabta ah, kaas oo si lama filaan ah u yimaada oo ka sii dara marka aad si qoto dheer u neefsato, marka aad qufacdo ama xilliga dhaqdhaqaaqa laabta.
Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahan waa inaad isla markiiba la hadashaa xirfadle caafimaad, ama tag waaxda Gurmadka Degdegga ee deegaankaaga.

Daaweynta

Xaaladahan waa halis waxayna u baahan doonaan daaweyn degdeg ah oo isbitaalka lagu sameeyo iyadoo lagu siinayo daawooyin ka hortagaya in xinjirtu ay weynaato oo ay go’do una safarto qayb kale oo jirka ah.

Ka hortaga:

  • Dhaqdhaqaaqa badi anqowyadaadana si joogto ah u wareeji
  • Xidho iskaanshaha cadaadiska haddii umulisadaada ama dhakhtarkaagu uu kugula taliyay inaad sidaas samayso
  • Isku day inaad socod gaaban sameyso markaad dareento inaad sidaa sameyn karto
  • Biyo badan cab
  • Iska ilaali fadhi/jiif wakhti dheer ah sida markaad saarantahay baabuur/tareen.
Dumarka qaarkood ayaa loo qori doonaa irbado si ay iskood isugu duraan guriga si loo yareeyo khatarta xinjirowga dhiigga haddii loo arko inay halis sare ugu jiraan inay la kulman dhibaatadan. Shaqaalaha caafimaadka waxay isticmaalaan nidaamka qiimeynta halista xinjirowga dhiigga iyo xannibaada xididdada dhiigga si ay u go’aamiyaan khatarta haweeney kasta. Kuwaas waxaa ka mid ah qalliinka dhalmada, dhiigbaxa dhalmada ka dib, ‘pre-eclampsia’ iyo dhalmada xilligeeda ka horeysa, ama xaalad qoys ama mid caafimaad oo ka dhigaysa khatarta mid sarreysa. Kahor inta aan lagaa saarin cisbitaalka waxaa lagu tusi doonaa sida la isugu duro irbada horay loo buuxiyay iyo sida loogu tuuro markaad isticmaasho meel ku haboon si badbaado leh. Haddii laguu qoray irbado aad bay muhiim u tahay inaad dhammayso koorsada – iyo inaad u tuurto cirbadaha si badbaado leh. Umulisadaada ayaa tan kuu sharxi doonta ka hor inta aadan guriga tagin.