Uur ilmo galeenka kujira oo aan la hubin: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo
Tani micneheedu maxay ii tahay aniga?
Waxay macnaheedu tahay in uurka lagu arkay gudaha ilmo galeenka marka la isticmaalay qalabka ultrasound, laakiin cunug yar (uurjiif) lama arkin, ama cunugga yar ayaa la arkay laakiin wadne garaac ma lahayn.
Maxay tan aniga iigu dhacaysaa?
Waxaa jira laba sababood oo suurtagal ah:
Tani waxay noqon kartaa natiijo caadi ah oo la xiriirta xilliga hore ee uurka. Baaritaanka kaadida uurka wuxuu noqon kartaa mid positif ah ilaa 5 maalmood kahor intaadan seegin xeydkaaga xiga. Uur-galeenka aan la hubin (IPUV) ayaa waliba suurtagal ah haddii xaydkaaga ama caadadaada tahay mid aan taxaneyn, ama aad dhowaan joojisay ka-hortagga uurka, ama aad dhowaan uur lahayd.
Waxa kale oo laga yaabaa inay tahay in uurku aanu u sii socon sidii la filayay, nasiib darro awgeed. Tani waxay u badan tahay haddii cabirka uurka uusan u dhigmin tirada toddobaadyada uurkaaga. Tani waxay sidoo kale noqon kartaa mid aad suurtagal u ah haddii uu dhiigbax kugu dhacdo xilli hore oo uurka ah.
Maxaa xiga?
Iskaanka ultrasound-ka ayaa lagu celin doonaa hal ilaa laba toddobaad ka dib si loo xaqiijiyo haddii cunug yar (uurjiif) oo wadnihiisu garaacmaayo la arki karo. Waan ognahay inay tani noqon doonto xilli walaac leh oo sugitaan dheer ah laakiin waqtigan waa loo baahan yahay si loogu oggolaado uurka inuu horumaro. Haddii uurku u horumari waayo sidii la filayay, waxaa suurogal ah in uurku uu dhicisoobay. Laakiin haddii aan ku xaqiijino iskaanka xiga in ilmahaagu si caadi ah u korayo oo garaaca wadnaha la arko, waa inaad codsataa daryeel dheeraad ah oo uurka ah adigoo buuxinaya foomka is-tixraaca ee daryeelka dhalmada ama kala hadal dhakhtarkaaga uurka, haddii aadan horey u sameyn sidaa.
Waa maxay calaamadaha walaaca leh ee aan iska fiirin karo?
Dhiigbaxa xubinta taranka ee uurka hore waa caadi. Dumar badan oo dhiigbax leh ayaa sii wada uur guul ku dhamaada. Dhiigbaxu wuxuu kordhiyaa halista dhicisoobida uurka waxayna noqon kartaa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee arrintan.Calaamadaha dhicisoobida waxaa ka mid ah dhiigbax culus oo leh xinjiro, iyo sidoo kale calool xanuun sida foosha oo kale ah. Haddii aad ka welwelsan tahay waa inaad wacdaa kooxda u xil saaran uurka hore ee deegaanka si aad talo uga hesho ama aad uga qayb gasho waaxda gurmadka degdegga ah ee deegaankaaga (A&E).Haddii dhiigbaxu uu noqdo mid daran (oo aad beddesho suuf saacad kasta ama ay soo raacaan xinjirro waaweyn), ama aad dareento xanuun daran oo aan lagu xakameynin karin xanuun baabi’ye, ama aad qandho dareentid, markaa waa inaad tagtaa Goobta Gurmadka ee kuugu dhow.
Maxaan sameeyaa haddii aan u maleeyo in uurku uu dhicisoobay?
Nasiib darro awgeed, dhicisoobida uurka waa arrin dhacda marar badan oo naadir ma aha, waxaana jirta halis ah in uurku dhicisoobo ka hor baaritaanka dambe ee ultrasound-ka. Tani uma badna inay la xiriirto wax aad sameysay adiga ama aadan sameynin laakiin nasiib darro suurtagal ma ahan in laga hortago xilligan. Waxaad qaadan kartaa xanuun baabi’ye sida paracetamol iyo codeine si ay kaaga caawiyaan yareynta xanuunka. Haddii aad ka welwelsan tahay dhicisoobid ama maaraynta shucuurtaada waqtigan adag, markaa waa inaad wacdaa Qaybta Maareynta Uurka Hore ee deegaankaaga (EPU) si aad talo u raadsato ama aad uga qeyb gasho Goobaha Gurmadka haddii aad caafimaad darro dareentid.