Waa maxay astaamaha ama walaacyada khatarta ah, oo ay tahay in si dhakhso ah loo soo gudbiyo warbixintooda?
Haddii ilmahaagu uusan u dhaqaaqin sidii caadiga ahayd, markaa waa in isla markiiba aad tagtaa isbitaalka.Haddii aad leedahay mid ka mid ah astaamaha cudurka ‘pre-eclampsia’ ee kor lagu soo sheegay markaa waa inaad isla markiiba la xiriirtaa qaybta dhalmada.
Talooyin suurtagal ah
Noocyada Dawooyinka
Kiniiniga loogu talagalay dhiig karkaaga ayaa lagula talin doonaa qaadashadiisa haddii heerka dhiig karkaagu ka badan yahay ama le’eg yahay 140/90 mmHg
Kiniiniyada inta badan la isticmaalo waa:
Labetalol
Nifedipine
Methyldopa
Waqtiga dhalmada
Tani waxay kuxirantahay sida ugu wanaagsan ee adiga iyo ilmahaagu aad uurka ugu jirtaan. Laga bilaabo 37 toddobaad, gelida foosha ayaa lagula tallin doonaa maadaama halista uurka oo sii jiro uu kugu leeyahay adiga iyo ilmahaaguba ay ka badan tahay haddii aad umusho wakhtigan ka dib.
Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?
La socoshada joogtada ah ee garaaca wadnaha ee cunuggaaga xilliga foosha ayaa lagula talin doonaa hadii aad si iskaa ah u foolato ama lagugu caawiyo, Tani waa sababta oo ah mandheerta ayaa laga yaabaa inay sifiican u shaqeyn weyso mana doonayno inaan seegno isbeddelada heerka garaaca wadnaha ee tilmaamaya in ilmuhu uusan si fiican ula qabsanaynin foosha. Tan waxaa laga heli karaa cisbitaalka qaybta foosha.
Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?
Waxaad u baahan doontaa in dhiig karkaaga si joogto ah loo hubiyo oo aad isbitaalka ku jirto ugu yaraan 24 saacadood ka dib markaad umusho
Daaweyn kasta oo dhiig karka ah waxaa loo wareejin doonaa kuwa ku habboon naasnuujinta (enalapril ama amlodipine)
Waxaa laga yaabaa inaad u baahatid magnesium oo aad xaddiddo inta dareeraha aad cabto
Waxaad u baahan doontaa inaad aragto dhakhtarkaaga guud si aad ula socoto heerka dhiig karkaaga iyo daaweynta dhalmada ka dib
Tani maxay ka dhigan tahay marka la eego dhanka uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad ineey soo noqoto?
Dhiig karka oo sareeya waxaa lagu yarayn karaa cuntada iyo jimicsiga haddii miisaankaagu culus yahay ama aadan firfircoonayn.Waxaa lagugula talin doonaa inaad qaadatid asbiriin xilliga uurka mustaqbalka si aad u yareyso halista cudurka pre-eclampsia mar labaad waayo asbirin wuxuu ka caawiyaa mandheerta inay sifiican u shaqeyso.
Tani maxay ka dhigan tahay marka la eego mustaqbalkeyga/caafimaadkeyga muddada dheer sideese baan u saameyn karaa tan?
Cudurka pre-eclampsia wuxuu kordhiyaa halista noloshaada ee dhiig karka halistaasna waxay afar jeer ka badan tahay marka loo barbar dhigo dumarka aan qabin cudurka pre-eclampsia xilliga uurka.Khatartaada dhiig karka iyo cudurka wadnaha waxaa lagu yarayn karaa iyadoo si caafimaad leh wax loo cuno, gaar ahaan iyadoo la yareynayo qaadashada milixda iyo jimicsi joogto ah.Khatartaada cudurka wadnaha sidoo kale waa lagu yareyn karaa iyadoo la qaato daaweynta dhiig karka si loo xakameeyo dhiig karkaaga, dhakhtarkaaga guudna wuxuu kuu sheegi doonaa heerka ay fiican tahay in dhiig karkaagu uu joogo xilliga daaweynta.