Waa maxay xaalada loo yaqaan ‘Carpal tunnel syndrome’ (CTS)?
Waxaa jira sideed lafood oo yaryar oo loo yaqaan lafaha ‘carpal’ ee gacanta. Lafahaani waa wareeg, cad adag oo loo yaqaano (carpal ligament) ayaa saqaf u ah lafahan. Marinkan waxaa loo yaqaan ‘carpal tunnel’. Marinkan waxaa mara xubnaha dhaqaajiya faraha iyo suulka iyo neerfaha dhexe. Neerfahan dhexe marka lagu dhejiyo marinka (la tuujiyo), wuxuu keenaa astaamaha CTS.Xilliga uurka, jirku si dabiici ah wuxuu u hayaa dareerayaal ama biyo badan, bararka gacmahana waa caadi. Haddii qaar ka mid ah dareerayaashanna lagu meeleeyo marinka ‘carpal’-ka, tani waxay keenaysaa cadaadis saarma neerfayaasha dhexe taasoo sababta astaamaha CTS. Ilaa 62% dumarka uurka leh waxay yeeshaan CTS. Calaamadahaasi sidoo kale waa caadi dhalmada ka dib.
Waa maxay astaamaha guud?
Astaamaha waxaa badanaa laga dareemaa suulka, iyo labada far ee ku xiga. Waxaad ku yeelan kartaa astaamaha hal ama labada gacmood.Astaamaha waxaa ka mid noqon kara:
xanuun dhanka gacantaada, calaacasha ama dhudhunka
Dareemida in ay ku duraayan cirbado
kabuubyo
daciifnimo sababta qabasho xumo ama calaannimo ahaan
dareen u eg faraha oo ku olola
gacmaha ayaa u muuqan kara kuwa bararsan
Astaamaha ayaa laga yaabaa inay sii xumaadaan habeenkii oo waxay kuu horseedi karaan inaad hurdada ka kacdo, wayna ka sii dari karaan subaxdii. Tan waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay qaabka jiifka, iyo/ama nasashada muruqyada ay maalintii shaqadooda tahay in ay dib ugu qaybiyaan dareerayaasha jirka intiisa kale.
Maxaad sameyn kartaa si aad naftaada u caawiso?
Qaabka aad u dhigto gacmaha
Gacmahaaga ha toosnaadaan si aad uga fogaato inaad cadaadis saarto neerfaha. Waxaad arki kartaa in xirashada faashada gacanta ay waxtar kuu leedahay habeenkii iyo markaad nasanayso maalintii. Ha adkeynin xirashada faashada hana u xidhan si joogto ah ilaa lagula taliyo mooyee.
Nasasho
Yaree dhammaan howlaha aan muhiimka ahayn, sida dukaamaysiga, qaadista, kor u qaadista iyo ku celcelinta howlaha sida qoraalka.
Baraf
Baraf hadii la saaro gacanta waxaa laga yaabaa inuu yareyo bararka iyo xanuunka. Ha saarnaado muddo 10 daqiiqo ah.
Qubayska
Isticmaalka biyaha kulul iyo kuwa qabow ayaa kaa caawin kara yareynta xanuunka iyo bararka. Tan waxaad ku samayn kartaa adoo adeegsanaya baraf iyo dhalo biyo kulul ku jiraan oo ku duuban shukumaan ama adoo gacmahaaga dhexgelinaaya biyo qabow iyo kuwa qandac ah. Gacmaha u kala beddel biyaha kulul iyo kuwa qabow, adigoo gacmaha ku heenaya 30 ilbiriqsi biya kasta, 5 illa 6 daqiiqo, had iyo jeerna ku dhammeeynaya kuwa qabow. Waad sameyn kartaa sidaa 3 illa 4 jeer maalintii. Ka taxaddar: marwalba hubi heerkulka biyaha ka hor intaadan gacantaada gelin.
Sare u qaadida gacmaha
Markay suurtagal tahay, gacmahaaga saar barkimooyinka ka sarreeya heerka wadnahaaga si aad u yareyso bararka. Tani waxay noqon kartaa mid aad u faa’iido badan habeenkii – xusuusnow inaadan gacmahaaga barkintaada hoosteeda gelin habeenkii.
Dhaqdhaqaaqa/Jimicsiga
Dhaqdhaqaaqyadan soo socda oo la sameeyo maalinta oo dhan oo loo dhexeysiiyo xilliyo nasasha ah waxay kaa caawin karaan yareynta astaamaha. Ujeedadaadu ha noqoto inaad sameyso jimicsiyadan ugu yaraan seddex jeer maalin kasta.1. Laabi oo toosi curcurahaaga adigoo toosinaaya farahaaga. Dhinac kasta ku hay 5 ilbiriqsi. Ku celceli sidan 10 jeer:2. Gacanta tuuji. Feedh xiro oo fidhi gacanta hadana (tan waxaad samayn kartaa gacmahaaga oo kor jooga). Waxaad sidoo kale tuujin kartaa kubbad:3. Faraha laab oo toosi. Dhudhunka toosi, curcuraha iyo farahana sidoo kale toosi. Ka dib farahaaga hoos u laab, adigoo isku dayaya inaad taabato calaacasha. Mar labaad toosi faraha hadana. Ku celi 10 jeer:
Talo guud
Haddii astaamahaagu sii socdaan ka dib dhalashada cunuggaaga waa inaad la hadashaa dhakhtarkaaga guud oo laga yaabo inuu kuu gudbiyo qiimeyn iyo daryeel.