Haddii aad u maleynaysid in foosha ay bilaabatay ama biyahaagu ay jabeen ama aad la kulanto dhiigbax xubinta taranka ah
Ha sii wadin qaadashada cirbada dhiigga khafiifisa oo xiriir la samee kooxda dhalmada si dib laguugu eego. Qorshee in aad ku dhasho sida caadiga ah ee waadhka foosha marka ay kugu bilaabmato foosha.
Haddii la qorsheeyay in aad ku dhasho qalliinka dhalmada
Jooji qaadashada irbadaha khafiifinta dhiigga 12saacadood ka hor taariikhda qalliinka ee la qorsheyay (sidaa darteed cirbada ugu dambeysa waa inay noqotaa mida aad qaadatay 18.00ka habeenimo ee habeenka ka horreya qaliinka).
Hadaad u baahantahay foosha in lagaa keeno
Jooji qaadashada irbadaha khafiifinta dhiigga 12 saacadood ka hor gelitaanka foosha (sidaa darteed cirbada ugu dambeysa waa inay noqotaa mida aad qaadatay 18.00ka habeenimo ee habeenka ka horreya gelitaanka cisbitaalka). Marka lagu seexiyo cisbitaalka, u sheeg umulisada waqtiga aad qaadatay cirbadaadi ugu dambeysay.
Xilliga Foosha
Dhammaan dadaallada suurtagalka ah ayaa la sameyn doonaa si loo yareeyo waqtiga aad cirbad laa’an joogi doonto, si loo yareeyo khatarta ah in dhiiggaagu uu xinjiroobo. Wixii ku saabsan soo bixitaanka mandheerta, maarayn firfircoon ayaa lagu talinayaa. Halkan ka eeg macluumaad dheeraad ah:
Waqtiga aaminka ah ee u dhexeeya irbadaha khafiifinta dhiigga iyo kabuubisada waa ugu yaraan 12 saacadood. Tani waa si loo yareeyo halista dhiigbaxa.
Dhalmada kadib
Cirbada ayaa dib loo bilaabi doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah dhalmada ka dib waxayna ku xirnaan doontaa halista dhiigbaxaaga.
Muddada daaweynta dhalmada kadib
Daaweyntu waa inay sii socotaa ugu yaraan 6 toddobaad dhalmada ka dib maadaama halista xinjirowga dhiigga ay ugu badan tahay dhalmada ka dib. Warfarin iyo LMWH waa la isticmaali karaa xilliga naasnuujinta. U beddelashada daawada afka laga qaato ayaa la qaddarin karaa laakiin tani waa inay noqotaa 5 maalmood ama ka badan dhalmada ka dib. Si kastaba ha noqotee daawada tooska ah ee afka ee xinjirowga lidka ku ah ayaa ah ikhtiyaar kaliya haddii la isticmaalo dhalada lagu quudiyo ilmaha.
Go’aan ka gaadha habka qorshaynta qoyska
Kiniiniga Progesterone oo keliya (POP)/Qalabka uurka la galiyo/ Qalabka ilmo galeenka la galiyo/kuwa kale. Halkan ka eeg macluumaad dheeraad ah: