Type 1 diabetes: Frequently asked questions

Nooca 1aad ee sonkorowga: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo ogaadaa cudurka?

Tan waxaa la sameyaa uurka kahor. Dhamaan dumarka qaba sonkorowga Nooca 1aad waa in la siiyaa la talin ka hortag ah si kor loogu qaado caafimaadkooda.

Tani micneheedu maxay tahay?

Xageyga: Uurku wuxuu kordhin karaa halista aad u leedahay inay kortdhaan ama ka sii daraan dhibaatooyinka sonkorowga ee indhaha ama kelyaha. Seddexda bilood ee ugu horreeya waxaad halis ugu jirtaa inay sonkorta dhiigga yaraato mararka qaar. Niska labaad ee uurka waxaad halis ugu jirtaa cudurka sonkorowga ee ‘ketoacidosis’ iyo ‘pre-eclampsia’ iyo dhalmada oo waqtigeeda ka hor dhacda. Waxaad u baahan doontaa inaad ka soo qeyb gasho booqashooyin isbitaal oo dheeri ah inta aad uurka leedahay waxaadna ku hoos jiri doontaa daryeelka koox takhasus leh. Xaga Ilmahayga Waxaa jirta halis weyn oo ah in uurku dhicisoobo ama ilmuhu ku dhinto uurka. Waxaa jirta halis sii kordheysa oo ah cilladaha lagu dhasho (cilladaha dhalashada ee cunuggaaga) marka heerarka sokorta dhiiggaagu ay sarreeyaan waqtiga uurka, iyo inta lagu jiro saddexda bilood ee ugu horreeya. Qeybta labaad ee uurka heerarka sonkorta dhiigga ee sareysa waxay kordhin kartaa cabirka cunuggaaga ama waxaa jiri kara xaddid koritaan (koritaanka oo daaha). Tani waxay ka dhigi kartaa dhalmada dhallaankaaga mid aad u adag. Ilmahaagu wuxuu u badan yahay inuu yeesho heerar hooseeya oo sokorta dhiigga ah ka dib markuu dhasho oo laga yaabo inuu yeesho xaalado cudur oo kale oo u baahan taageero takhasus leh.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Waxaa laguugu yeeri doonaa rugta sonkorowga iyo rugta uurka. Sawirkaaga iskaanka ee ugu horeeya waa inuu dhacaa inta u dhexeysa toddobaadyada 7aad illa 9aad waxaadna u baahan doontaa baaritaano dheeri ah inta aad uurka leedahay. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad isbeddelo ku sameyso cuntadaada oo aad sii waddo/kordhiso waxqabadkaaga jirka.

Baaritaanno nocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Waxaa lagu weydiin doonaa inaad cabirto heerarka sonkorta dhiiggaaga marar badan. Waxaa lagu siin doonaa taageero dheeri ah oo ku saabsan kormeerka sonkorta dhiigga waxaana lagu siin doonaa qalabka kormeerka sokorta ee joogtada ah waxaana lagu siin doonaa mitirka ama cabirka ‘ketone’. Waxaa lagu xasuusin doonaa waxa heerarka sokorta dhiiggaagu la rabo in ay noqdaan waana inaad higsataa inaad ku hayso heerka sokorta dhiiggaaga inta u dhexeysa heerarka lagu siiyaya ugu yaraan 70% waqtiga. Waxaad u baahan doontaa baaritaan joogto ah oo indhaha ah inta aad uurka leedahay. Heerka dhiig karkaaga iyo baaritaanka dhiiga kelyaha ayaa sidoo kale si dhow loola socon doonaa.

Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?

Xanuunka subaxdii ah ee saddexda bilood ee ugu horreeya wuxuu saameyn ku yeelan karaa heerarka sonkorta dhiiggaaga. Waxaad u baahan kartaa daawo ka hortagga jirada haddii aad matagayso, markaa u sheeg kooxda ku takhasustay dhalmada. Daawada ka hortagga jirrada waa aamin in la isticmaalo inta uurka la leeyahay. Waxay u badan tahay inaadan ogaanin marka sonkorta dhiiggaaga ay hooseyso. Waa inaad guriga ku haysataa qalinka ‘glucagon’ isla markaana lammaanahaaga ama qoyskaaguna waa inay ogaadaan sida loo isticmaalo marka ay xaalad degdeg ah timaado.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada ay tahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Haddii aad dareento caafimaad darro ama aadan awoodin inaad qaadatid insulinta caadiga ah waa inaad isla markiiba tagtaa isbitaalka. Haddii ilmahaagu aanu dhaqaaqayn waa inaad isla markiiba tagtaa isbitaalka.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka la xiriira xulashooyinka daaweynta?

Waa inaad qaadataa 5mg folic acid maalin kasta ugu yaraan 3 bilood kahor uurka iyo ilaa 16 toddobaad oo uurka ah. Si loo yareeyo halista cudurka pre-eclampsia waa inaad qaadataa 75mg-150mg oo asbiriin ah habeen kasta laga bilaabo 12 toddobaad ilaa 36 toddobaad. Qiyaastaada insulinta ayaa is beddeli doonta inta uurka aad leedahay. Tusaale ahaan waxaad ku arki kartaa hoos u dhac ku yimid qiyaasta insulinta ee uurka hore (sida caadiga ah 8-16 toddobaad) iyo kororka qiyaasta insulinta qeybta labaad ee uurkaaga. Hubso inaad kala hadasho dhammaan daaweynta kooxda takhasuska leh ee isbitaalka.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka ku saabsan waqtiga dhalmada

Waxaa lagugula talin doonaa inaad umusho ku dhawaad toddobaadka 38aad ee uurka. Tani waxay noqon kartaa goor hore haddii ay jiraan walaacyo adiga kugu saabsan, heerarka sokorta dhiiggaaga, ama cunuggaaga. Muddo 36 toddobaad ah kooxdaadu waa inay kaala shaqeeyaan sidii ay qorshe ugu sameyn lahaayeen dhalmada.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

Waxaa lagaa keeni karaa foosha haddii kooxdaadu dareento inay aamin tahay in sidaas la sameeyo. Waxaad u baahan doontaa kormeer dhanka sokorta dhiiga ah inta aad kujirto foosha.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Adiga iyo ilmahaaguba waxaad u baahan doontaan in si dhow xaaladiina loola socdo dhalmada ka dib. Ilmahaagu wuxuu halis ugu jiraa heerarka sonkorta dhiigga ee hooseeya dhalashada ka dib. Haddii aad naas nuujinayso waxaad ogaan kartaa in heerarka sokorta si dhakhso leh hoos ugu dhacaan inta aad nuujineysid, iyo intaa ka dib. Qorshe dhalmo oo kahorreya dhalmada waa in la isku raacay si loo habeeyo qiyaastaada insulinta.

Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?

Ka taxadar caafimaadkaaga inta u dhaxaysa uurkan iyo kuwa xiga.

Tani maxay ooga dhigan tahay mustaqbalkayga/caafimaadkayga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa?

Ka hortagga uurka iyo qorshe dabagal ah waa in la isku raacaa ka hor inta aan lagaa saarin daryeelka dhalmada.