Dumar badan ayaa doorbida in lagu daryeelo qaybta hooyonimada ee ugu dhow waxaana jira faa’iidooyin ay ku leeyihiin doorashada:
waxaad u badan tahay inaad daryeel ka hesho koox yar oo umulisooyin ah, meel u dhow guriga
waxaad u badan tahay inaad barato hal umuliso, iyo hal koox oo hagaajin kara khibradahaaga hooyonimada
waxaad lahaan doontaa masaafo yar oo aad ku safraysid markaad foosha ku jirto
haddii aad jeceshahay inaad ku dhasho hoygaga waa suurto gal in laguu ballamiyaa qaybta hooyonimada ee deegaankaaga, tani oo laga yaabO inaysan ahayn unuggaaga kuugu dhow
daryeelka guriga ka dib marka ilmahaagu dhasho waxaa had iyo jeer bixinaya kooxda umulisadaada maxalliga ah (tani waxay u badan tahay inay tahay koox aad horey ula kulantay).
Tixgelinno kale marka aad dooraneyso:
Fududayn in la heli karo
gaadiidka dadweynaha iyo fududeynta baarkinka
fududeynta safarka ee meesha aad ku wajahantahay
talooyinka asxaabtaada, qoyskaaga iyo kuwa kale
inaad aad horay u heshay hooyonimo ama daryeel caafimaad oo kale.