Cudurka Systemic Lupus Erythematosus (SLE): Su’aalaha badanaa la isweydiiyo
Inta badan dadka qaba Lupus si amaan ah ayey uur yeelan karaan,hadii ay helaan taageero habboon iyo daryeelna waxay yeelan karaan uur caadi ah iyo dhallaan caafimaad qaba. Si kastaba ha noqotee, uurka leh SLE wuxuu qatar weyn ku yahay hooyada iyo cunugga marka loo eego uurka haweenka aan lahayn wax dhibaata ah. Sababtaas awgeed, kooxda caawimaada dhalmadaada waxay u qaadan doonaan uurka inuu yahay ‘halis sare’ si loo hubiyo in daryeelku ku habboon yahay xaaladdaada caafimaad oo ay ku lug leeyihiin dhowr xirfadleyaal daryeel caafimaad.Waxaan kugula talineynaa inaad gasho websaydka ‘BUMPS’ (Adeegsiga ugu Fiican ee Daawooyinka Uurka), si aad u hesho wixii macluumaad iyo talo ah ee la xiriira daawooyinka la qaato kahor iyo inta uurka la leeyahay. Waa muhiim inaadan joojin wax daawo ah kahor intaadan dhakhtarkaaga la tashan maxaa yeelay tani waxay waxyeelo kuu geysan kartaa adiga ama cunuggaaga.
Arrintani maxay uga dhigantahay uurkeyga?
Aniga:
Guud ahaan, uurku ma sii xumeeyo saameynta SLE, laakiin halista sare ee xanuunka ayaa lagu arkay haweenka uu ku kacay xanuunka lix bilood ka hor uurka, ama qabay cudur aad u firfircoon, ama haddii daaweynta SLE la joojiyay. Haddii xanuunku uu siyaado, waxay taas badanaa dhacdhaa inta lagu jiro saddexda bilood ee koowaad ama labaad ee uurka ama bilaha ugu horreeya dhalmada ka dib.Waa muhiim in si dhakhso leh loo soo sheego soo laabashada xanuunka maadaama ay taas kordhiso halista dhibaatooyinka. Dhibaatooyinka waxaa ka mid noqon kara pre-eclampsia, xinjirowga dhiigga ee xididdada dhiigga ama sambabbada, caabuq daran, iyo faalig.
Ilmahayga
SLE-da uurka waxay kordhisaa halista dhicisoobida uurka, dhalmada oo soo deg degta, koritaanka ilmaha uurka ku jira oo yaraada iyo dhimashada cunuga uurka kudihiisa, marka la barbar dhigo haweeneyda aan lahayn wax cudur ah. Waxyaabaha ay ka midka yihiin dhicisoobid hore, cudurka loo yaqaan ‘antiphospholipid syndrome’, Lupus firfircoon kahor ama inta lagu guda jiro uurka, cudurka kelyaha iyo cudurka pre-eclampsia ayaa kordhinaya halistaan.Baadhitaanada dhiigaaga waxaa ka mid noqon doona hubinta heerka unugyada difaaca jirka ee anti-Ro iyo anti-La. Haddii kuwan la helo, waxaa jira fursad yar oo ka hortagayaashu ay ka gudbi karaan mandheerta sidaas darteedna waxay saameyn ku yeelan karaan cunugga taasoo keenaysa halis 2% ah oo wadne istaag ah iyo khatar 5% ah in unugyada difaaca jirka qaarkood ay uga gudbaan hooyada ilaa cunugga . Si kastaba ha noqotee, in cudurka Lupus uu kugu dhoco uma muuqato inay kordhineyso halista cunuggaaga uu ugu jiro inuu qaado cudurkan marka uu weynaado.
Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?
Ujeeddadu waxay noqon doontaa in shakhsi ahaan laguu daryeelo adiga iyo xaaladdaada caafimaad. Waxaa laguugu yeeri doonaa si isdaba joog ah rugta caafimaadka hooyada ee takhasuska leh ee la talinta dhalmada waxaana laguu diri doonaa baaritaano joogto ah si loola socdo koritaanka ilmaha, oo ay weheliso daryeelka ay bixiyaan kooxdaada umulinta.Haddii aad leedahay unugyada difaaca jirka ee ‘Ro’ iyo ‘La’, kooxdu waxay u qabanqaabin doontaa cunuggaaga baarista wadnaha ee takhasuska ah (echocardiogram).Waxaa lagugula talin doonaa inaad qaadato 75mg oo asbiriin ah habeen kasta laga bilaabo toddobaadka 12 illaa toddobaadka 36 si loo yareeyo halista cudurka pre-eclampsia. Waxaad u baahan kartaa kaalshiyam. Maaddaama ay jirto halis sii kordheysa oo ah in xinjirow dhiig (thrombosis) uu dhoco waxaa lagugula talin karaa inaad qaadato daawo dheeraad ah sida irbadaha khafiifiya dhiiga.Daaweynta kale ee caafimaad waxaa loo dejin doonaa iyadoo loo eegayo darnaanta cudurkaaga waxaana si faahfaahsan uga wada hadli doona kooxdaada caafimaad.
Baaritaanno sidee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?
Bilowga uurka, baaritaannada dhiiga ee aasaasiga ah waxaa sidoo kale ku jiri doona baaritaannada shaqada kelyaha iyo beerka, baaritaannada unugyada difaaca jirka sida ‘anti-Ro’ iyo ‘La’, haddii aan horey loo sameynin, iyo baaritaano kale oo la xiriira cudurka. Kaadida waxaa laga baari doonaa borotiin. Iyada oo la eegayo taariikhdaadii caafimaad ee hore, baaritaanno kale sida ‘echocardiogram’ iyo baaritaanka shaqada sambabka ayaa la fiirn doonaa. Haddii aad halis ugu jirto yaraanta fiitamin D, heerarkan sidoo kale waa la hubin doonaa.Inta uurka lagu jiro, dhiig karkaaga, heerarka borotiinka kaadida iyo natiijooyinka dhiigga ayaa si dhow loola socon doonaa. Baaritaanno badan oo Dhiig karka iyo hubinta kaadida ayaa dhici doona haddii aad qabtid dhiig karka, cudurka pre-eclampsia iyo/ama cudurka kelyaha.
Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?
Kala soocidda astaamaha la xiriira uurka iyo kuwa SLE way adkaan kartaa. Waxaad arki kartaa isbeddelo kala duwan inta aad uurka leedahay oo laga yaabo inaysan ku xirneyn SLE-gaaga, laakiin waxaa muhiim ah inaad sheegto astaamo kasta oo adiga ku walwaliya.Waa inaad isku daydaa in aad ka fogaataa waxyaabaha kugu kicin kara cudurka.
Waa maxay astaamaha ama walaacyada ay qasab tahay in si dhakhso ah loo soo sheego?
Kicitaanka SLE waa marka astaamahaagu ka sii darayaan oo ay kaa dhigayaan inaad xanuusatid. Badanaa, tani waxay ku lug leedahay astaamo aad hore u soo aragtay, dadka qaarna sidoo kale waxay yeelan karaan astaamo cusub. Calaamadaha caanka ah ee tilmaamaya kicitaanka cudurka waxaa ka mid ah heerkulka jirka oo kor u kaca oo aanu sabab u ahayn caabuq, xanuun iyo kala-goysyada bararsan, daal badan, finanka, boogaha afka ama sanka iyo bararka lugahaaga.Waa inaad sidoo kale isla markaaba soo sheegtaa astaamaha sida neefta oo ku qabata, feero xanuun, wadne garaac, kubka oo barara, dareemid caafimaad darro; madax xanuun daran, aragtida nalalka dhalaalaya indhahaaga hortooda ama xanuun ku dhaca caloosha sare, foosha, dhiig baxa xubinka taranka, ama dhaqdhaqaaqa ilmaha oo yaraada.
Sidee talooyin loo soo jeediyaa oo ku saabsan daryeelkayga?
Xulashooyinka daaweynta
Waxaa jira mabaadi’ guud oo hagta isticmaalka dawooyinka inta lagu jiro uurka iyo naasnuujinta. Iyada oo la eegayo daawooyinka xaalada caafimaad ee shaqsiyeed way kala duwanaan doonaan. Guud ahaan, daawooyinka SLE ee aaminka ah xilliga uurka iyo inta lagu jiro naasnuujinta, loona baahan yahay si loo ilaaliyo badqabka iyo/ama daweynta xanuunka waxaa ka mid ah hydrochloroquine, azathioprine, cyclosporine iyo tacrolimus. Asbirin iyo baracetamol waa la qaadan karaa xilliga uurka. ‘Corticosteroids’ wax dhib ah ma lahan marka la xakameenayo cudurka firfircoon.Daawooyinka lagu xakameeyo dhiig karka ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqdaan.
Xilliga dhalmada
Dadka qaba SLE waxay u badan tahay inay dhalaan waqti hore, taasi oo ah dhalasho kahor 37 toddobaad. Khatarta ayaa si gaar ah u korodha hadii uu jiro Lupus firfircoon, cudurka kalyaha, dhiig karka iyo pre-eclampsia. Foosha ayaa si iskeed ah u bilaaban karta ama waxaa laga yaabaa in lagaa keensiiyo walaac la xiriira caafimaadka cunuggaaga ama kaaga dartii.Kooxdaadu waxay kaala hadli doonaan waqtiga dhalmada, iyagoo tixgelinaya caafimaadkaaga iyo midka cunuggaaga.
Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalashadeyda?
Inta badan dadka qaba SLE xubinka taranka ayaay caadi uga dhali karaan, laakiin xulashooyinka waxaa saameyn ku yeelan doona sida uurkaan uu u sii socdo, dhalmadaadi hore iyo waxyaabaha kale ee welwelka keeni kara.Kala hadal kooxdaada waxyaalaha aad doorbidayso.
Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?
Kooxdaadu waa inay sameyaan qorshe daryeel oo ku saabsan caafimaadkaaga iyo daryeelka cunuggaaga iyo dhallaankaaga dhalashada ka dib.Waxaa lagu siin doonaa hagitaan ku saabsan daawooyinka u baahan in la sii wado oo ay amaan ku noqon doonto qaadashada inta aad naasnuujinayso. Waxaa jira halis sii kordheysa oo ah kicitaanka SLE dhalmada ka dib waana inaad si dhakhso leh u soo sheegtaa taas si daawooyinka loo badalo.Waxaad u baahan doontaa daawooyinka khafiifinta dhiigga maadaama halista xinjiroowga dhiigga ay si weyn u kordheyso dhalmada ka dib. Kuwaani waxay u baahan karaan inay sii socdaan illaa lix toddobaad dhalmada ka dib.
Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka?
Waa muhiim in la qorsheeyo dhammaan uurka mustaqbalka si loo wanaajiyo fursadahaaga uurka oo ay u guuleystaan. Waxaa lagugula talinayaa inaad sugto hal sano ka hor intaadan isku dayin uur kale iyo inaad uuraysato markii SLE-gaagu uusan firfircoonayn ugu yaraan lix bilood daaweynta markaad wado. Waa inaad aragtaa dhakhtarkaaga, saddex ilaa lix bilood ka hor intaadan qorsheyn inaad bilowdo isku dayga uurka si aad u suurta galiso qiimeyn caafimaad oo buuxda iyo qorshe daawo. Adeegso ka hortaga uurka ilaa aad diyaar u tahay inaad isku daydo uur kale.