Water

Biyaha

Woman in birthing pool holding new born baby while her partner and their other children look at the baby Isticmaalka biyaha (ama barkadda dhalmada) waxaa lagu yaqaanaa inay tahay hab wax ku ool ah oo lagu bixiyo gargaarka xanuunka iyo kaalmaynta nasashada. Haddii uurkaaga iyo fooshaadu ay si toos ah u socdaan, adoo adeegsanaya barkad wax lagu dhalo ayaa si gaar ah kuugu habboon. Biyaha waxaa lagu hayn doonaa heerkulka jirka oo waad geli kartaa oo waad bixi kartaa sidaad rabto inta aad foolaneyso. Dumar badan ayaa sidoo kale door bidaaya inay dhalaan ilmahooda barkadda dhexdeeda, taas oo ah ikhtiyaar aamin ah haddii wax waliba ay kula jiraan adiga iyo cunuggaaga inta lagu jiro foosha. Haddii aad qorsheynaysid dhalasho, waxaad kireysan kartaa barkad wax lagu dhalo. Kala hadal tan umulisadaada haddii aad rabto inaad waxbadan ka ogaato ku saabsan ku dhalashada biyaha guriga ama qeybta dhalmada.

Leave a Reply