Type 2 diabetes: Frequently asked questions

Nooca 2aad ee sonkorowga: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo ogaadaa cudurka?

Tan waxaa la sameyaa uurka kahor. Dhammaan dumarka qaba sonkorowga nooca 2 waa in la siiyaa la-talin ka-hor-tag ah si ay u horumariyaan caafimaadkooda.

Tani micneheedu maxay tahay?

Xageyga: Uurku wuxuu kordhin karaa halista aad u leedahay inay kordhaan ama ka sii daraan dhibaatooyinka sonkorowga ee indhaha ama kalyaha. Waxaad halis ugu jirtaa cudurka sonkorowga ‘ketoacidosis’ iyo cudurka loo yaqaan ‘pre-eclampsia’. Waxaad u baahan doontaa inaad ka soo qeyb gasho booqashooyin isbitaal oo dheeri ah inta aad uurka leedahay waxaana suuragal ah in goor hore lagu aad foolato (qiyaastii toddobaadka 38aad ee uurka). Xagga Ilmahayga: Waxaa jirta halis weyn oo ah in uurku dhicisoobo ama ilmuhu uurka ku dhinto. Waxaa jirta halis sii kordheysa oo ah cilladaha lagu dhasho haddii heerarka sokorta dhiiggaaga si joogto ah kor ugu kacaan xilliga uurka. Qeybta labaad ee uurka heerka sonkorta ayaa kordhin kara cabirka cunuggaaga ama waxaa jiri kara xaddidaada koritaanka (koritaanka oo daaha). Tani waxay ka dhigi kartaa dhalashada cunuggaaga mid aad u adag. Ilmahaagu wuxuu u badan yahay inuu yeesho heerar sokorta dhiigga ah oo hooseeya (hypoglycaemia) dhalashada ka dib wuxuuna yeelan karaa xaalado caafimaad oo kale oo u baahan taageero takhasus leh.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Waxaa laguugu yeeri  doonaa si isdaba joog ah rugta sonkorowga iyo rugta uurka. Sawirkaaga iskaanka ee ugu horeeya waa inuu dhacaa qiyaastii inta u dhexeysa toddobaadyada 7-9 waxaadna u baahan doontaa baaritaano dheeri ah inta aad uurka leedahay. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad isbeddelo ku sameyso cuntadaada oo aad sii waddo/ama aad kordhiso waxqabadkaaga jirka.

Baaritaanno nocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Waxaa lagu weydiin doonaa inaad cabbirto heerarka sonkorta dhiiggaaga ugu yaraan afar jeer maalintii: hal jeer quraacda ka hor (mar aad gaajeysan tahay) iyo hal saac cuntada ka dib. Waxaa lagu siin doonaa taageero dheeri ah oo ku saabsan kormeerka sokorta dhiigga waxaana lagu siin karaa cabire kormeera sokorta oo joogto ah. Waxaad u baahan doontaa baaritaan indhaha ah inta aad uurka leedahay. Dhiigkarkaaga ayaa waliba si joogto ah loo hubin doonaa.

Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?

Xanuunka subaxdii ee saddexda bilood ee ugu horreeya wuxuu saameyn ku yeelan karaa heerarka sonkorta dhiiggaaga. Waxaad u baahan kartaa daawo ka hortagta jirada haddii aad matagayso, sidaa daraadeed kooxdaada caafimaadka ogeysii. Daawada ka hortagga jirrada waa aamin in la isticmaalo inta uurka aad leedahay.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada halista ah oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Haddii aad dareento caafimaad darro ama aadan awoodin inaad qaadatid insulinta caadiga ah waa inaad tagtaa isbitaalka. Haddii ilmahaagu aanu dhaqaaqayn waa inaad isla markiiba tagtaa isbitaalka.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka la xiriira xulashooyinka daaweynta?

Waa inaad qaadataa 5mg folic acid maalin kasta ugu yaraan 3 bilood kahor uurka iyo ilaa 16 toddobaad oo uurka ah. Si loo yareeyo halista cudurka pre-eclampsia waa inaad qaadataa 75mg-150mg oo asbiriin ah habeen kasta laga bilaabo toddobaadka 12aad ilaa toddobaadka 36aad. Daawooyinka aaminka ah ee loo isticmaalo uurka waa metformin iyo insulin. Waxaad u baahan kartaa insulin badan inta aad uurka ku sii socoto.

Sidee loo soo jeediyaa talooyinka ku saabsan waqtiga dhalmada?

Waxaa lagugula talin doonaa inaad umusho ku dhawaad toddobaadka 38aad ee uurka. Tani waxay noqon kartaa goor hore haddii ay jiraan walaacyo adiga kugu saabsan, heerarka sokorta dhiiggaaga ama cabirka cunuggaaga. Muddo 36 toddobaad ah kooxdaadu waa inay kaala shaqeeyaan sidii ay qorshe ugu sameyn lahaayeen dhalmadaada.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

Waxaa lagaa keeni karaa foosha haddii kooxdaadu dareento inay aamin tahay in sidaas la sameeyo. Waxaad u baahan doontaa kormeer sokorta dhiigga ah inta aad kujirto foosha.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Adiga iyo ilmahaaguba waxaad u baahan doontaan in si dhow xaaladiina loola socdo dhalmada ka dib. Ilmahaagu wuxuu halis ugu jiraa heerarka sokorta dhiigga ee hooseeya dhalashada ka dib. Haddii aad naas nuujinayso waxaad ogaan kartaa in heerarka sokortaadu si dhakhso leh hoos ugu dhacaan inta aad nuujineysid, iyo intaa ka dib. Qorshe dhalmo oo ka horreya dhalmada waa in la isku raacay si loo habeeyo qiyaastaada insulinta.

Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?

Ka taxaddar caafimaadkaaga inta u dhaxaysa uurkan iyo kuwa xiga.

Tani maxay ooga dhigan tahay mustaqbalkeyga/caafimaadkeyga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa?

Ka hortagga uurka iyo qorshe dabagal ah waa in la isku raacaa ka hor inta aan lagaa saarin daryeelka dhalmada.