Skip to content
Xulashadaada dhalashada iyo qorshahaaga
Dhameystirka qorshaha doorbidista dhalashada ayaa kaa caawin kara adiga iyo lammaanahaaga dhalashada inaad ka fekertaan xulashooyinkaaga iyo waxyaabaha aad doorbidayso inta lagu jiro foosha iyo dhalashada cunuggaaga. Inta aad uurka leedahay waxaad fursad u heli doontaa inaad la kulanto umulisadaada/dhaqtarkaaga oo aad kala hadasho qorshaha – iskuday oo samee tan ku dhawaad waqtiga ballankaaga 34 ama 36 toddobaad. Tani waxay ka caawin doontaa kooxdaada inay fahmaan nooca dhalashada aad jeclaan laheyd.
Akhri waxyaabaha ku jira barnaamijka ee ku saabsan foosha iyo dhalashada, ka dib adoo adeegsanaya qorshaha doorbidista dhalashada ee qaybta qorshaha qofka iyo taageerada qaybta qor fikradahaaga iyo waxa aad doorbidayso. Hoos ka eeg xulashooyinka aad tixgelinaysid.