What to consider

Maxaa la tixgeliyaa?

Dumar badan ayaa doorbida in lagu daryeelo qaybta hooyonimada ee ugu dhow waxaana jira faa’iidooyin ay ku leeyihiin doorashada:
  • waxaad u badan tahay inaad daryeel ka hesho koox yar oo umulisooyin ah, meel u dhow guriga
  • waxaad u badan tahay inaad barato hal umuliso, iyo hal koox oo hagaajin kara khibradahaaga hooyonimada
  • waxaad lahaan doontaa masaafo yar oo aad ku safraysid markaad foosha ku jirto
  • haddii aad jeceshahay inaad ku dhasho hoygaga waa suurto gal in laguu ballamiyaa qaybta hooyonimada ee deegaankaaga, tani oo laga yaabO inaysan ahayn unuggaaga kuugu dhow
  • daryeelka guriga ka dib marka ilmahaagu dhasho waxaa had iyo jeer bixinaya kooxda umulisadaada maxalliga ah (tani waxay u badan tahay inay tahay koox aad horey ula kulantay).

Tixgelinno kale marka aad dooraneyso:

  • Fududayn in la heli karo
  • gaadiidka dadweynaha iyo fududeynta baarkinka
  • fududeynta safarka ee meesha aad ku wajahantahay
  • talooyinka asxaabtaada, qoyskaaga iyo kuwa kale
  • inaad aad horay u heshay hooyonimo ama daryeel caafimaad oo kale.