Fibroids waa cad aan kansar ahayn oo ka soo baxo gudaha ama korka ilmo galeenka. Iyada oo loo eegayo meesha ay ku yaallaan waxay saameyn ku yeelan karaan bacriminta iyo uur qaadista.Fibroids-ka ilmo galeenka naadir ma aha. Boqolkiiba 30% dumarka da’doodu u dhaxayso 25 illa 44 waxay leeyihiin astaamaha fibroids. Tan macnaheedu waa in fibroids-ka ilmo-galeenka ay caadi yihiin inta lagu jiro sannadaha dhalmada ee haweeneyda. Waxaa laga yaabaa inaadan xitaa ka warqabin inaad qabtid fibroid ilaa lagu arko iskaanka ultrasound.Haweenka intooda ugu badan wax saameyn ah kuma yeelan doonaan fibroids inta ay uurka leeyihiin. Haweenka qaarkood ee qaba fibroids-ka ayaa yeelan doona dhibaatooyin inta ay uurka leeyihiin. Xanuun ayaa ah dhibaatada ugu badan ee laga soo sheegto, gaar ahaan haddii fibroids-ka ay ka weyn yihiin 5 sentimitar.Fibroids-ka ayaa kordhin kara halista dhibaatooyinka kale inta lagu jiro uurka iyo dhalmada. Kuwaas waxaa ka mid ah:
Xaddidida koritaanka uurjiifka (koritaanka oo daaha) – fibroids-ka weyn ayaa laga yaabaa inay ka horjoogsadaan cunugga inuu si fiican u koro maadaama booska ilmo galeenka uu yar yahay.
Soo bixitaanka mandheerta- tani waxay dhacdaa marka mandheerta ay ka soo baxdo darbiga ilmo galeenka maxaa yeelay waxaa xannibay fibroid-ka.
Dhalmada waqtigeeda ka hormarta – xanuunka ka yimaada fibroids-ka ayaa u horseedi kara foosha ilmo galeenka, taas oo sababi karta in ilmuhu hore u dhasho.