Group B Streptococcus (GBS): Frequently asked questions

Baktiiriyada Streptococcus ee Nooca B(GBS): Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo xaqiijiyaa cudurka?

Nooca B streptococcus (GBS) waa bakteeriya ku nool jirka oo aan wax dhibaato ah kuu geysan; laakiin waxay ku keeni kartaa infekshan daran ilmaha xilliga dhalmada. GBS waxay ku jirtaa xubinta taranka ilaa 40% dumarka. Waxaa lagu xaqiijin karaa dhecaanka xubinta taranka ama baaritaanka kaadida. Boqortooyada Midowday (UK) ma jiro barnaamij baaritaan oo hadda socda oo loogu talagalay GBS.

Tani macnaheedu maxay tahay?

Xageyga:

Haddii lagaa helo inaad sidato GBS uurkaagan hadda waxaa lagugula talinayaa inaad qaadato antibiyootig laga qaato xididka inta lagu jiro foosha, si loo yareeyo fursadda dhallaankaagu ku dhici karo sababtii cudurka GBS. Haddii GBS laga helo kaadidaada inta aad uurka leedahay, waa inaad heshaa daawada antibiyootigga.

Xagga Ilmahayga

Inta badan dhallaanka la kulma GBS xilliga dhalmada way caafimaad qabaan mana qaadaan cudurka GBS. Haddii ilmuhu muujiyo astaamaha cudurka GBS, daaweyn deg deg ah ka dib dhallaanka badankood way soo kaban doonaan. Marar dhif ah, infekshanka GBS wuxuu sababi karaa dhimashada dhallaanka ama naafo muddo dheer ah.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Daawada xiddidka laga qaato ee loo yaqaan ‘IAP’ (Intravenous antibiotic prophylaxis) ayaa adiga kugu habboon inta lagu jiro foosha. Haddii ay jiraan wax walaac ah oo ku saabsan dhallaankaaga dhalashada ka dib, kooxda dhallaanka u qaabilsan waxay kugula talin karaan inay siiyaan antibiyootig cunuga sidoo kale.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada halista ah, taas oo micnaheedu tahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Haddii la xaqiijiyey inaad qabto GBS, waa inaad isla markaaba u sheegtaa kooxda dhalmada markay biyuhu kaa yimaadaan, ama haddii aad foosha ay ku qabato.

Xilliga dhalmada

Haddii uurkaagu uu dhameysto muddada (37 + 0 toddobaad) IAP waa in la bilaabaa isla marka ay foosha bilaabato ama marka biyuhu jabaan, haddii ay soo daataan kahor foosha. Haddii biyuhu yimaadaan kahor foosha, waxaa lagula tallin doonaa in foosha lagaa keeno si loo yareeyo xilliga ilmahaagu uu la kulmaayo bakteeriyada GBS.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

IAP lagama heli karo guriga, ama qaar ka mid ah goobaha umulisooyinka, sidaa darteed haddii aad ku raacsan tahay soo-jeedinta ah in aad qaadato IAP waxaad u baahan kartaa inaad qorsheyso in aad ku foolato rugta dhalmada.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Waxay kuxirantahay muddada aad qaadaneyso IAP kahor inta uusan dhallaankaagu dhalan, cunuggaagu wuxuu ubaahan karaa kormeer dheeraad ah oo lagu sameeyo isbitaal inta uu kujiro kahor intaadan guriga aadin.

Tani maxay uga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar kale?

Uurka mustaqbalka waxaa lagu siin doonaa IAP mar labaad xilliga foosha, ama waxaa lagaa baari doonaa GBS 3-5 usbuuc ka hor xilliga dhalmada la filayo.

Xagee ka heli karaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladdan?

Royal College of Obstetricians & Gynaecologists: GBS in pregnancy and newborn babies