Spontaneous Coronary Artery Dissection (SCAD) after birth

Dilaaca kadiska ah ee ku yimaada halbowlaha wadnaha (SCAD) dhalashada kadib

Pair of hands supporting a graphic of a heart rate trace SCAD waa xaalad wadne naadir ah laakiin daran oo keenta jeexitaan ama nabarro ku dhaca halbowlaha wadnaha (wadnaha) taasoo keenta xannibaado ka hortagaya socodka dhiigga ee caadiga ah. Waxay sababi kartaa wadne qabad, wadne joogsi ama wadnaaha oo shaqada gaba waxayna noqon kartaa mid dilaa ah. SCAD waxay dhici kartaa inta uurka la leeyahay iyo inta lagu jiro toddobaadyada iyo bilaha ka dib dhalashada. Astaamaha waxaa ka mid noqon kara:
  • xanuun feedhaha dhexe ah
  • xanuun gacanta ama kabuubyo
  • xanuun daanka, dhabarka ama garbaha
  • lallabbo
  • dhidid fara badan
  • dhibaatooyin dhanka neefsashada
Dadka qaar waxay la kulmaan calool xanuun ama xanuun cunaha oo aan ka jawaabin daweynta calool-xanuunka. Haddii aad la kulanto qaar/dhammaan astaamahan, wac 111 ama 999 oo dheh waxaad ka walwalsan tahay badqabka wadnahaaga.