Spontaneous Coronary Artery Dissection (SCAD) in pregnancy
Dilaaca kadiska ah ee ku yimaada halbowlaha wadnaha (SCAD) ee uurka
SCAD waa xaalad wadne xanuun dhif ah laakiin halis ah oo keenta in nabarrada ay ku koraan halbowlaha (wadnaha) oo ka dhasha xannibaado ka hortagaya socodka dhiigga caadiga ah. Waxay sababi kartaa wadne qabad, wadne joogsi ama wadnaha oo shaqadisa gaba waxayna noqon kartaa mid dilaa ah.SCAD waxay dhici kartaa inta uurka la leeyahay iyo inta lagu jiro toddobaadyada iyo bilaha ka dib markaad dhasho. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid noqon kara:
xanuunka laabta dhexe
xanuun ama kabuubyo
xanuunka daanka, dhabarka ama garbaha
lallabbo
dhidid fara badan
culeys dhanka neefsashada
Dadka qaar waxay la kulmaan dheefshiidka oo aan si fiican u shaqayn ama xanuun cunaha oo aan ka jawaabin daweynta calool-xanuun.Haddii aad la kulanto qaar ka mid ah/dhammaan astaamahan, wac 111 ama 999 oo dheh waxaad ka walwalsan tahay bad qabka wadnahaaga.