Uurka hore wuxuu la yimaadaa astaamo badan oo jireed iyo shucuureed, kuwaas oo qaarkood laga yaabo inay bilaabmaan ka hor inta aadan marin baaritaanka xaqiijinta uurka.Kuwaas waxaa ka mid ah:
Naasaha oo ku cuslaada xasaasiyadoona korodha
lallabbo ama matag
daal ama hurdo la’aan
kaadi badan
dhibco ama dhiigbax fudud, mararka qaarkood ay weheliso calool xanuun fudud
dareen ah kala-fidinta iyo jiidista caloosha iyo dhabarka iyo dusha sare ee lugahaaga
dhabar xanuun
dareenka ah in neef ay caloosha ku xayiran tahay
shuban ama calool fadhi
madax xanuun
dawakhaad ama dareen madax wareer
Dareen ahaan waxaad la kulmi kartaa isbeddelo niyadda ama waxaad dareemi kartaa ilmada oo si fudud kaaga timaada ama xanaaq dhow. Kuwani dhammaantood waa falal celin caadi ah maadaama jirkaagu la qabsanayo heerarka sii kordhaya ee hormoonnada uurka. Calaamadahaasi badanaa way baaba’aan marka uurku sii socdo. Hadday baabi’i waayaan waa muhiim inaad u sheegto umulisadaada ama takhtarkaaga.