Epilepsy: Frequently asked questions

Cudurka Suuxdinta: Su’aalaha had iyo jeer la isweydiiyo

Sidee loo baaraa oo loo ogaadaa cudurka?

Waxaa laga yaabaa in lagaa helay cudurka suuxdinta kahor intaadan uurka yeelan. Xaaladdaani waxay keenaysaa suuxdin waxayna suuxdintaas jirka oo dhan u keeni kartaa ruxitaan iyo qaniinyada carrabka ama waxay saameyn ku yeelan kartaa qaybo gaar ah oo jirka ka mid ah sida luminta maanka iyo inaad meel cidla ah maanta dhan iska fiirsatid. Sida ugu habboon ayaa lagu siin doonaa la-talin ka-hor-tagga si aad u wanaajiso caafimaadkaaga uurka kahor.

Tani macnaheedu muxuu yahay?

Aniga

Uurku wuxuu yareyn karaa dhacdooyinka suuxdinta markaa waxaa muhiim ah in uu ku daryeelo takhtarka dhalmada ee ku takhasusay xaaladaha caafimaad iyo takhaatiirta neerfaha. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad qaadato ‘5mg folic acid’ (sida ugu fiican saddex bilood ka hor uurkaaga) si loo yareeyo halista cudurada sida ‘spina bifida’ ee ilmaha waxaana laga yaabaa inaad u baahatid inaad kordhiso daawadaada inta aad uurka leedahay ama aad qaadatid dawooyin dheeri ah waqtiga dhakmada.

Ilmahayga

Daawada loo yaqaan ‘sodium valproate’ waa inaan la qaadinin xilliga uurka laakiin dawooyinka kale ee loo adeegsado ka hortagga suuxdinta ayaa dhammaantood ah khatar la’an in loo isticmaalo uurka. Waa muhiim in suuxdintaada si wax ku ool ah loola dhaqmo maadaama suuxdinta soo noqnoqota ee uurka ay saameyn ku yeelan karto koritaanka ilmaha.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Waxaad u baahan kartaa baaritaano dhiig oo dheeri ah si aad u hubiso heerka dawada suuxdinta ee dhiigaaga ku jirta iyo inaad hubiso inaadan u baahnayn wax intaa ka badan. Waxaa lagugula talinayaa inaad qaadato 5mg oo folic acid ah si aad u yareyso fursadaha cunuggaaga uu ku qabi karo cudurada laf-dhabarta. Waxaa lagaa qaadi karaa baaritaano dheeri ah si aad u hubiso koritaanka cunuggaaga.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada khatarta ah, taas oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Waa inaad isla markiiba u sheegtaa kooxdaada caafimaad haddii aad wax suuxdin ah ku qabtid uurkaaga si ay u hubiyaan inaad ku sugan tahay heerka saxda ah ee daaweynta oo ay abaabulaan baaritaanno si loo hubiyo xaalada cunuggaaga.

Lammaanahaaga iyo qoyskaaga dhow waa in la tusaa sida ugu fiican ee laguu dhigi doono haddii aad suuxdo si loo fududeeyo soo kabashadaada.

Khatarta suuxdinta ayaa ugu badan waqtiga dhalmada iyo 24ka saacadood ee ugu horreeya dhalmada ka dib.

Talooyin macquul ah

Fursadaha daaweynta

Waxaa caadi ahaan lagugula talinayaa inaad sii wadid isla daawada aad isticmaaleyse bilowga uurkaaga (laakiin ma aha sodium valproate) laakiin waxaad u baahan kartaa inaad kordhiso qiyaasta ama ku darto daawo kale si aad u xakameyso suuxdinta uurkaaga. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay waqtiga aad dhaleyso marka hurdadaada ay carqalad gali karto taas oo sidoo kale kordhin karta dhicitaanka suuxdinta.

Xilliga dhalmada

Caadi ahaan waqtiga dhalmada ma saameeyo suuxdintaada. Kooxdaada caafimaad waxay kugula talin karaan inaad qaadato kabuubiso xanuunka xilliga foosha si aad u nasato oo aad u yareyso halista daalka badan.

Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?

Waxay u badan tahay in kooxdaadu ay kugula talin doonaan inaad ku dhasho cisbitaalka iyo goob dhalmo oo dhakhaatiirta si fudud looga heli karo, sida rugta foosha, si laguu cawiyo haddii ay suuxdo xilliga foosha ama foosha ka dib. Waxaa lagugula talinayaa inaadan ku foolan biyo dhexdooda si aad u yareyso halista suuxdinta.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Waa muhiim inaad raacdo talobixinta suuxdinta caadiga ah sida inaad biyo dhex gasho xilliga qubeyska halkii aad biyaha hoos istaagi laheyd. Intaa waxaa sii dheer, waxaa lagugula talin doonaa inaadan ku beddelin xafaayadda ilmaha meel sare laakiin aad u isticmaasho derin dhulka taalla. Waxaa jira talooyin kale oo badan oo waxtar leh oo laga heli karo xiriiriyeyaasha hoose.