Mental health and wellbeing concerns: Frequently asked questions

Caafimaadka maskaxda iyo welwelka: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Sidee loo xaqiijiyaa cilladan?

Tan waxaa la sameeyay kahor uurka. Sida ugu habboon dhammaan dumarka qaba walaacyada caafimaadka maskaxda waa in la siiyaa la-talin uurka ka hor si ay kor ugu qaadaan caafimaadkooda uurka ka hor. Dakhtarkaagu wuxuu ogeysiin doonaa kooxda dhalmada, laakiin waxaa fiican inaad u sheegto umulisadaada xilliga ballanta ugu horeysa (Booqashada ballanta) si taageerada kugu habboon loo meel mariyo.

Tani macnaheedu maxay tahay?

Xageyga:

Waxaad halis ugu jirtaa caafimaadkaaga maskaxda inuu ka sii daro inta aad uurka leedahay. Haddii ay jirto taariikh qoys oo ku saabsan caafimaadka maskaxda waxaad halis ugu jirtaa inaay xaaladaada maskaxeed ka sii darto inta aad uurka leedahay. Waxaa muhiim ah inaad u sheegto umulisadaada haddii aad dareento caafimaad darro oo aad qoyskaaga siiso ogolaansho ay ku ogeysiiyaan kooxda dhalmada sidoo kale.

Ilmahayga:

Ilmahaagu halis ayuu ku jiri karaa haddii aadan naftaada daryeelin.

Maxay kooxda caafimaadku ku talin doonaan?

Waa inaad weydiisataa inaad qof la hadasho sida ugu dhaqsaha badan haddii aad dareento in caafimaadkaaga maskaxda uu ka sii darayo.

Baaritanno noocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?

Iyada oo ay ku xidhan tahay heerka baahidaada, waxaa ku xanaanayn doona kooxda caafimaadka maskaxda ee dhalmada ka hor, kuwaas oo kuu sameyn kara tixraaca la-talinta takhasus leh.

Waa maxay astaamaha ama walaacyada halista ah, taas oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh loo soo sheego?

Niyad jab iyo dareen rajo la’aan, caawimaad la’aan ama go’doon.

Sidee loo soo jeediyaa talooyin ku saabsan?

Fursadaha daaweynta

Waxaan bixin karnaa la talin ama daawo. Waxaa jira daawooyin badan oo aan wax dhib ah u keeneyn uurka. Haddii aad qaadatid daawo kahor uurka waa inaad kala hadashaa daaweyntaada joogtada ah dhakhtarkaaga iyo kooxda caafimaadka kahor intaadan wax isbedel ah sameynin.

Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalmada ka dib?

Qorshe dhalmo kahor dhalmada waa in lagu heshiiyaa si loo hubiyo inuu jiro qorshe aamin ah oo ku khuseeya adiga iyo cunuggaaga dhalmada ka dib.

Tani maxay ooga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sideen u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?

Kor u qaad caafimaadkaaga maskaxda inta u dhexeeysa uurkan iyo kuwa xiga.

Tani maxay ooga dhigan tahay mustaqbalkeyga/caafimaadkeyga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa tan?

Ka hortagga uurka iyo qorshe dabagal ah waa in la sameeyaa si kor loogu qaado caafimaadkaaga uurka mustaqbalka. Tan waxaa ka mid noqon kara badqabka iyo dib u eegista daawada.