Dhiigxinjirowga xididdada dhiigga ee uurka
Uur yeelashada waxay kordhineysaa halista aad ugu jirto inuu kugu dhacdo cudurka dhiig xinjirowga xididdada dhiigga (DVT), iyadoo halista ugu badan ay tahay ka dib markaad dhaleyso cunuggaaga. Si kastaba ha noqotee, DVT wuxuu dhici karaa wakhti kasta inta aad uurka leedahay, oo ay ku jiraan saddexda bilood ee ugu horreeya uurka.
Calaamadaha/Astaamaha
- Xanuun ama jileeca dhanka dambe ee lugta ama kubka.
- Dareemida kuleyl aagga ay dhibaatadu saameysey ama maqaarka oo guduuta.
- Bararka aagga ay dhibaatadu saameysey.
- Cudurka sambabada wuxuu sababi karaa neefsashada oo kugu yaraata iyo feedhaha oo ku xanuuna, xanuunkaas oo si lama filaan ah u yimaada oo ka sii daraya mar walba oo aad si qoto dheer u neefsato, ama aad qufacdo ama aad dhaqdhaqaajiso xabadka.
Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahan waa inaad isla markiiba la hadashaa xirfadle caafimaad, ama aad tagtaa waaxda Gurmadka Degdegga ee deegaankaaga.
Daaweynta
Xaaladahan ayaa ah kuwo halis ah waxayna u baahan doonaan in si deg deg ah isbitaal loogu daaweeyo, iyadoo la adeegsanayo dawooyin ka hortaga xinjirowga inuu weynaado oo uu jabo una safro qeyb kale oo jirka ah.
Ka hortagga
- Dhaqdhaqaaqa badi oo si joogto ah u wareeji canqowgaaga.
- Xiro iskaanshaha cadaadiska haddii umulisadaada ama takhtarkaaga ay kugula taliyaan inaad sidaas sameyso.
- Iskuday inaad socod gaaban gasho marka ay kuu suurtagasho.
- Biyo badan cab.
- Iska ilaali inaad fadhiisato/jiifto muddo dheer, tusaale ahaan, gaari/tareen dhexdiisa.
Shaqaalaha caafimaadku waxay isticmaalaan nidaamka qiimeynta halista dhiig-xinjirowga xilliga ballantaada aad u timaadid si loo go’aamiyo halistaada inta aad uurka leedahay. Akhri xiriiriyeyaasha la xiriira si aad u ogaato xaaladaha kordhin kara halista DVT inta uurka la leeyahay.