Induction of labour: Frequently asked questions

U diyaar garowga foosha: Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Smiling pregnant woman holds her bump while talking to a midwife

Ma la ii diyaarin kara wakhti ii gaar ah foosha ka hor?

Umulisadaada/dhaqtarkaaga ayaa sharxi doona sababta taas lagugula taliyay adiga iyo cunuggaaga, oo ay kujirto halista iyo faa’iidooyinka ay leedahay in waqtigaas lagaa keeno fool, iyo sugitaanka. Haddii aad dooratid inaadan ku biirin, ama dib u dhigto, waxaa lagu siin karaa kormeer si loo ilaaliyo adiga iyo samaqabka cunuggaaga.

Mudo intee leeg ayay qaadan kartaa iskuboorinta foosha?

Wuxuu qaadan karaa wax dhan saacado yar ilaa maalmo. Soo qaado waxyaabo badan oo kaa mashquuliya, maadaama ay jiraan wax badan oo sugitaan ah inta ay daawooyinku bilaabayaan inay shaqeeyaan.

Kawaran haddii iska keenka fooshu uusan shaqeynaynin?

Haddii uusan ku guuleysan umulisadaada iyo dhaqtarkaagu waxay kaala hadli doonaan xulashooyinkaaga. Xulashooyinkaan waxaa ka mid noqon kara sugitaan, iskuday wax kale ama qeyb caesarean ah.

iska keenka foosha ma xanuun badan tahay?

Baadhitaannada xubinka taranka ah ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwo aan raaxo lahayn laakiin waa inaysan xanuun lahayn. Waxaa la dareemayaa in foosha la kiciyay (gaar ahaan dhibic oxytocin ah) ay ka xanuun badan karto shaqada dabiiciga ah. Waxaad kala hadli kartaa xulashooyinkaaga xanuun baabiiyaha umulisadaada marxalad kasta oo ka mid ah habka soo kicinta. Tilmaanta qaran waxaa ka mid ah bixinta epidural ee xanuunka baabiiya ka hor bilowga, oxytocin (hoormoonka aan dabiiciga aheyn), si loo kordhiyo (kordhinta) ka hortagga.

Leave a Reply