Qiimaha ay leedahay naasnuujinta
Naasnuujintu waxay leedahay faa iidooyin caafimaad adiga iyo cunuggaaga. Ilmahaaga, waxay siisaa nafaqo, waxay ka ilaalisaa caabuqyada dhegta, caabuqyada laabta, xasaasiyadaha iyo sonkorowga iyo kuwa kaloo badan. Naasnuujintu waxay ku saabsan tahay isku soo dhawaanshaha iyo raaxada iyo sidoo kale nafaqada. Faa’iidooyinka adiga ayaa ka mid ah halista hoos u dhaca ee kansarka naasaha ama kansarka ugxan-sidaha iyo osteoporosis.
