Skip to content
Daryeeka xargaha xudunta
Kadib marka ilmahaagu dhasho, xariggooda xudunta waxaa lagu qaban doonaa biin caag ah. Xadhiggu wuxuu markaa qaadan doonaa inta u dhaxaysa saddex illaa toban maalmood si uu u qalalo oo uu u dhaco.
Waa caadi in xadhiggu xoogaa dhegdheg u noqdo oo uu yara urayo. Aagga waxaa lagu nadiifin karaa biyo cad haddii loo baahdo oo si taxaddar leh loogu qalajiyo maro jilicsan oo nadiif ah ama muslin. Haddii aad aragto wax dhiig ah oo ka imanaya xadhkaha ama casaan caloosha cunuggaaga, u sheeg umulisadaada, booqde goobta caafimaadka ama GP.