Intrahepatic Cholestasis of Pregnancy (OC):Frequently asked questions
Cudurka ‘Intrahepatic Cholestasis’ ee Uurka (OC): Su’aalaha badanaa la isweydiiyo
Sidee loo baaraa oo loo ogadaa cudurka?
Haddii aad cuncun yeelatid iyada oo aan furuuruc lahayn uurkaaga, waxaa lagaa qaadi doonaa baaritaanno dhiig oo ay ku jiraan shaqada beerka iyo heerka aashitada ‘bile’. Aashitooyinkan loo yaqaan ‘bie acids’ ayaa xaqiijin doona ogaanshaha cudurka ‘Intrahepatic Cholestasis ee Uurka’ (ICP) oo sidoo kale loo yaqaan ‘Obstetric Cholestasis (OC)’.
Tani macnaheedu wa maxay?
Aniga
Waxaa laga yaabaa inaad cuncun daran yeelato, kaasoo badanaa ka bilaabma gacmaha iyo cagaha laakiin wuxuu saameyn ku yeelan karaa meel kasta oo jirkaaga ka mid ah. Dhakhtarkaagu wuxuu ku siin karaa daawo si aad u dejiso dareenka cuncunka laakiin ma baabi’i doono ilaa aad dhasho.
Ilmahayga
Haddii ashitooyinka Bile-ka ay aad u sarreeyaan (ka badan 100) waxaa jira halis sii kordheysa oo ah in ilmuhu dhinto inta uu uurka ku jiro, sidaa darteed waa muhiim in heerka aashitada bile-ka la baaro todobaad kasta mar haddii baaritaanka la sameeyo ama ilaa iyo inta aad cuncun leedahay.
Baaritaanno noocee ah ayaa la qaadi doonaa? Immisa jeer ayaa loo baahan karaa?
Baaritaannada dhiiga ee shaqada beerkaaga iyo heerka aashitada bile-ka ee dhiigaaga ayaa si joogto ah loo hubin doonaa.
Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha ay tahay inaan iska fiiriyo?
Cuncun yimaada xilliga uurka oo aan lahayn furuuruc, gaar ahaan haddii uu ku dhacdo calaacalaha gacmahaaga ama cagaha.
Waa maxay astaamaha iyo walaacyada khatarta ah, taas oo macnaheedu yahay in si dhakhso leh warbixintooda loo soo gudbiyo?
Haddii ilmahaagu uusan u dhaqdhaqaaqeynin sidii caadiga ahayd, waa in isla markiiba aad tagtaa isbitaalka.
Talooyinka suurtagalka ah
Xulashooyinka daaweynta
Haddii heerka aashitada bile-kaagu ka badan tahay 40 mmol/L, dhakhtarkaagu wuxuu kugula talin karaa in lagugu daaweeyo aashitada ‘ursodeoxycholic acid’, xaaladaha daran markay jiraanna inaad qaadato daawooyinka kale sida rifampicin. Cuncunkaaga waxaa lagu daaweyn karaa kiniiniyada ‘antihistamine’ iyo kareemada maqaarka ee ‘menthol’. Kooxdaada caafimaad ayaa ku siin doonta warqad dhakhtar haddii daawooyinkaan lagula taliyo.
Xilliga dhalmada
Tani waxay ku xirnaan doontaa heerka aashitada bile-kaaga laakiin badanaa waxay noqon doontaa 38 toddobaad kadib haddii aashitada bile ay ka yar tahay 100 mmol/L, iyo ku dhawaad 36 toddobaad haddii heerka aashitada bile-kaagu yahay 100 mmol/L ama ka badan.
Sidee tani u saameyn kartaa xulashooyinka dhalmadeyda?
La socoshada joogtada ah ee garaaca wadnaha ee cunuggaaga ee foosha ayaa lagugula talin doonaa haddii aad foosha si dabiici ah u bilowdo ama lagugu caawiyo, tani waa sababta oo ah ICP waxay saameyn ku yeelan kartaa shaqada wadnaha cunuggaaga.
Sidee tani u saameyn kartaa daryeelka dhalashada ka dib?
Haddii ay jirto in mar beerkaagu si aan dabiici ahayn u shaqeyneyn, waxaad u baahan doontaa inaad aragto dhakhtarkaaga guud si aad dib u baarto heerarka shaqada beerkaaga si aad u hubiso inay caadi ku soo noqdeen.Ilmahaaga waxaa dib u eegi doona dhakhtarka ilmaha dhalashada ka dib si loo hubiyo in wax waliba caadi yihiin.
Tani maxay uga dhigan tahay uurka mustaqbalka? Sidee baan u yarayn karaa halista aan u leeyahay dhacdadan mar labaad?
Waxaa jira ku dhawaad 50% fursad ah inaad yeelato ICP uurka ku xiga sidaa darteed waxaa lagu weydiin doonaa inaad isha ku hayso astaamaha cuncunka oo dhakhtarkaagu wuxuu diyaarin karaa baaritaanno dhiig oo dheeraad ah oo qayb ka ah kormeerkaaga uurka.
Tani maxay uga dhigan tahay mustaqbalkayga/caafimaadkayga muddada dheer sideese tan saameyn ugu yeelan karaa?
ICP ma keento dhibaatooyin caafimaad oo muddo dheer laakiin taxaddar ayaa lagula talinayaa ka hor intaadan qaadan kiniiniga ka hortagga uurka ee afka laga qaato.Waxaa jira xiriir hidde oo xoog leh sidaa darteed waxaad u baahan kartaa inaad uga digto walaalahaaga iyo gabdhahaaga maadaama ay sidoo kale halis ugu jiraan inay xaaladdan la kulmaan xilliga uurka.