Blocked nose

Sanboorka

Girl with blocked sinuses Inuu sanka ku xirmo marka aad uurka tahay waa caadi. Xaalado badan oo saamaynaya marinnada sanka ayaa mararka qaarkood sababa infekshan, tusaale ahaan hargab caadi ah, ama waxyaalaha xasaasiyada keena. Infekshannada sanka ayaa badanaa is-xakameeya laakiin astaamaha waxay noqon karaan kuwa aan fiicnayn oo dhib badan. Daaweynta lagu taliyo ayaa looga golleeyahay in lagu saaro duufka xad dhaafka ah iyo yareynta ciriiriga. Kordhinta qaadashada dareeraha waxay gacan ka geysan kartaa khafiifinta duufka, neefsashada uumigana waxay yareyn kartaa dareenka ciriiriga, halka kor u qaadista madaxa xilliga hurdadana ay gacan ka geysan karto bixinta dheecaanka xad dhaafka ah.