Waxyaabaha khaldan ee laga aaminsanyahay hooyonimada
Inaad ilmo dhasho waxaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah khibradaha ugu xiisaha badan uguna farxadda badan ee aad waligaa mari doontid. Haweenka waxaa laga filaa inay isla markiiba jeclaadaan ilmahooda. Bulshadu waxay u aragtaa dhalmada inay tahay waqti dabaaldeg iyo rajo ah. Sidaa darteed hooyada ayaa cadaadis weyn fuula si ay sidaa ugu dhaqanto oo ay sidaa dareento.
Runta ku saabsan hooyanimada
Badanaa xaqiiqadu aad ayey uga duwan tahay taas waxaana laga yaabaa inaad la yaabto inaad dareento dareen aadan filayn. Dhalmada waxay kaa dhigi kartaa inaad dareento daal iyo walwal, iyo sidoo kale inaad la yaabto isbeddelada lama filaanka ah ee noloshaada ku dhacay maadaama aad hooyo noqotay. Halkii laga filaayay farxadda, haween badan ayaa la halgama isbedellada cusub ee ilmuhu keeno, madax-bannaanida oo yaraata,iyo saacadaha dheer ee shaqada guriga dhexdiisa ah.
U gudubka hooyanimada
U gudubka hooyanimada waxay ku lug leedahay laqabsashada isbeddelada jirka, shucuurta iyo bulshada waxaana jira taageero ama u diyaar garow yar oo tan ku saabsan bulshadayada dhexdeeda.Sidaa darteed:Hooyooyinka badankood waxay la kulmaan dhibaatooyin xaga la qabsiga doorkooda cusub waxaana laga yaabaa inay dareemaan inay ku bateen shaqooyinka.Khuraafaadka ku saabsan hooyonimada waxay abuuri kartaa filashooyin aan macquul ahayn.Sidaa darteed:Filashooyinka aan macquulka ahayn waxay horseedaan dareenno guul darro markay dhibaatooyin dhacaan.“Waxaan xasuustaa inaan jeclaan lahaa in qof iiga digo sida ay u adkaan doonto marka hore, laakiin markaa waxaan ogaaday in xitaa haddii ay ii sheegi lahaayeen inaysan ii diyaarin leheen xaaladan.”